baahid
ld baah¹.
baahillaawe
Qofka aan cidna u baahnayn; Alle.
baahin
ld baahis.
bąahin
ąahi. ld bąahis.
bąahis
ąahin.
baahitir
Cid baahi ka bi'in.
baahitirid
ld baahitir¹.
baahnaan
ld baahnaansho.
baahnaansho
/dh eeg baahnow. ld baahnaan.
baahnow
U b.: qof baahan noqosho. Tus. “Ebedkiisa lacag ha u baahnaado, kolba anigu wax u diri maayo”.
baaho
Iskaashi iyo wax wadaqabsi dad gaar ah ka dhaxeeya.
bąahsan
Wax la baahiyay ahaansho (war).
bąahsanaan
ąahsan. ld bąahsanaansho.
bąahsanaansho
/dh ld bąahsanaan.
baaji
Wax la sameyn lahaa dib u dhigid ama iska deyn.
baajin
ld baajis. baajis m.l ld baajin.
baakad
/dh (-dyo, m.l/-do, m.dh) Warqad adag oo qaab sanduuq leh oo badeecooyinka lagu rido. ld baako.
baal
1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
baalal
1. Dad daawanaya cayaarta xayaadka. 2. (w) eeg baal¹.
baalalley
Xasharaad yaryar oo baalal leh sida badan waqtiga roobka la arko.
baalash
1. Rinji midabbo badan leh oo gasacado yaryar ku jira oo kabaha la mariyo, luujito. 2. Burush.
baalashid
ld baalasheyn.
baalbaal
Macmacaan ka samaysan bur, sonkor iyo ukun oo sida baalka oo kale loo googooyay oo saliid lagu dubay.
baalcad
Waxaro abab ah.
baalcas
Cayayaan yar, diqsiga u eg, kase weyn oo xoolaha qaniina geeluna ku dhukaamo. ld baal¹ (4), baalcad² (2).
baaldacar
Usha dheer ee dhexda kaga taal geedka dacarta.
baaldhiig
Cudur digaagga ku dhaca oo baalasha salkooda dhiig u yeela.
baaldi
1. Weel caag ama bir ka samaysan oo af ballaaran iyo siddo la qabsado leh oo biyaha lagu shubto ama lagu qaato. 2. Weel macdan ka samaysan, abbur iyo siddo la qabsado leh oo caanaha lagu shubto; jeeg.
baaldillaacsasho
ld baaldillaacsad, baaldillaacsi.
baaldillaacso
Heerkii ay ku duuli lahayd gaarid (shinbir).
baalentoloji
Barashada noolayaashii dabar go'ay, dhismahooda, degaankooda, tadawurkooda iyo filiqsanaantooda, sida ay muujnayaan hadhaaga raadkoodu.
baalfallaar
Shinbir dhabarka ka cad, calooshana madow ciiro bus ah ku leh, oo dabo ganto ah iyo baalal dhadheer oo u eg kuwa fallaarta leh.
baalgorayo
Marka meseggada ama gallaydu sabuul yeelan rabto.
baalgub
Calaamad uu ku reebo dabku neef geel ah oo baal laga daaweeyey.
baali
Qof dumar ah oo aan daryeelin nadaafadda nafteeda, hugeeda, aqalkeeda iwm; areebo.
bąali
Wax duug noqday muddo dheer dabadeed (dhar iwm).
bąalid
B. ah: wax muddo dheer jiray oo aad u gaboobay.
bąalidid
ąalid².
bąalin
ąali². ld bąalis.
bąalis
ąalin.
bąaliyoobid
ąaliyow.
baaliyow
Baali noqosho (naag).
bąaliyow
Wax duug ah noqosho.
baallacad
Nooc warmaha yaryar ka mid ah oo aan caarad dhuuban lahayn, lehna af ballaaran iyo tiir weyn.
baallee
Ka b.: wax ama meel doc ka jarid.
baalley
Ciyaar dhaqameed jaan iyo jiibinba leh oo dadka isku maaweeliyo (degaanka Ceergaabo).
baalleybarro
Cayayaan afar baal oo waaweyn, xardhan oo qurxoon leh; balanbaalis.
baalquraanle
Nooc ka mid ah ayaxa oo baalal guduudan oo xardhan leh.
baaltaag
Gorayo, cantalaay iwm baal fidin.
baaltaagid
ld baaltaag¹.
baaluq
B. ah: qof da'di qaangaarnimada gaarey.
baaluqad
B. ah: gabar qaangaar ah.
baaluqnimo
Baaluq ahaansho.
baaluqo
Qof da'dii baaluqnimada gaarey.
baalxaaf
Nooc ka mid ah warmaha waaweyn oo caarad dhuuban oo dheer leh.
baambow
/dh (-wyo, m.dh) Cantallaa.
baamiye
Qudaar dhuudhuuban oo yare xoodan ee maraqa lagu dhireeyo, oo dhadhan wanaagsanna ku kordhisa.
baan
Koox ciidamada ka tirsan oo tunta muusikada gaardiska.
baandhayn
ld baandhays (2), baandho.
baandhays
1. Dhar ay askartu kubabka ku duuban jirtay. 2. ld baandhayn.
baandhee
Turub, baandho ku samayn.
baandho
Isku qasidda ranka iyo biigga turubka. ld baandhayn.
baane
1. Codkar; nin yaqaan hadal faan, dhaar iyo handadaad isugu jira jeedintiisa. 2. Khaniis. 3. ld baanise.
baangad
Qalab gadaal ku leh daab la qabsado oo ka samaysan bir dheer, xalleefsan, xoodan, hal dhinac wax ku goysa oo geed nugulka iwm lagu jaro.
baani
Qof buka ama dhaawac ah baan siin.
baanid
ld baanis.
baanise
1. ld baaniso. Hadal ama dood qoran ama aan qornayn oo meel madal ah laga yiraahdo; khudbo. 2. ld baane.
baaniso
(1).
baaniyaal
1. Hindi ganacsade ah. 2. Qof diinta Hinduuga haysta.
baanji
Baaris aan xasillooni iyo nidaam lahayn. ld baanjiyid.
baanjiyid
ld baanji¹.
baankariis
Qanjidh laga helo lafdhabarleyda oo ku yaalla laba-iyo tobanlaha iyo beeryarada dhexdhooda. Wuxuu soo daaya insaymyo dheefshiid oo u badan tiribsinoojin, amaylase libays kuna shuba laba-iyo-tobanlaha iyaga oo sii maraya marinka baankariyeed.
baano
/mg3 (-ntay, -natay) 1. (f.g) Qof buka ama dhaawac ah baan siin. 2. (f.mg) Qof bukaan ama dhaawac ka bogsasho.
baansasho
ld baansad, baansi.
baansiin
Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qeybaha ka soo baxa middood oo aan midab lahayn dabkana qabsan og oo loo isticmaalo shidaal ahaan; batrool. ld baansiino, baasiin, baasiino, bansiin, bensiin.
baanso
Geed leh laamo dhaadheer oo xubno leh oo sida dhuumihii dhexda ka daloola, waxaana loo isticmaalaa dhismaha, samaynta dambiilaha qaarkood, iwm; qaysaraan.
baantiisimaada
Fikrad diineed, taasoo Illaahay in uu yahay wax kasta, dabeecada iyo caalamka dhexdiisa.
baantookh
Cid ammaan badan oo ay lahayn sheegasho.
baantow
B. ah: dibi dad dil ah oo cidla joognimo ku abaaday muddo. ld baantoy.
baaq
1. Cod dheer oo ay isugu yeeraan dad badan oo raabe-raabe u socda si aanay u kala lumin. 2. Cod ama calaamad gaar ah oo ciidan isugu afgarto. 3. Hadal ama dhaqdhaqaaq maldahan oo cid wax lagu fahamsiyo. 4. ld baaqid.
baaqasho
ld baaqad.

