0

budlin

m f dh

ld budlis.

0

budlis

m l

Eeg: budlin

0

budo

m dh

Wax aad loo daqiiqay oo bito laga dhigay.

0

budoobid

m f dh

ld budow¹.

0

budow

m l

Ka hariwaayidda laga hariwaayo xaajo la bartay oo la qaayibay. ld budoobid.

0

budul

m l (-llo, m.dh)

1. Meel xoolaha marintoodu ay jilcisay oo habaas ka dhigtay. 2. Dariiq la maro, daw, tub, dhabbe. 3. Wax la tumay oo budo laga dhigay.

0

bug

f mg1 (bukay, bugtay; buki)

Qof, wax bukaan ah ahaansho.

0

bugayn

m f dh

ld bucayn, buhayn.

0

bugcad

m dh (-do, m.l)

Meel bannaan, dhulka intiisa kale ka sarreyso oo ciid jilicsan leh. ld buqcad.

0

bugee

f g2 (-geeyay, -geysay)

Cid si aan halis ahayn u garaacid. ld bucee, buhee.

0

bugtaan

m l

Eeg: bukaan

0

bugto

m dh

Cudur.

0

bugux

m l

Dhanka ay qorraxdu u dhacdo; galbeed. ld bogox.

0

buhabbuhayn

m dh

ld bucabbucayn, bukabbukayn.

0

buhabbuhee

f g2 (-heeyay, -heysay)

Cid si aan halis ahayn u garaacid. ld bucabbucee, bukabbukee (2).

0

buhayn

m dh

Eeg: bugayn

0

buhee

f g2 (-heeyay,-heysay)

Eeg: bugee

0

buji

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax sida haan iwm haruub ka qaadid. 2. Wax meel ka duleelin.

0

bujin

m f dh

Eeg: buji

0

bukaan

m l (-nno, m.dh)

Qof bugta badan, jirroole. ld bugtaan.

0

bukaan-wareysi

m l (daaw.)

Wareysiga bukaanka oo uu takhtarku ka qoro, kana kooban: a) war bukaan qoyseed; b) war bukaan qofeed; c) war bukaan cudur hore; d) war bukaan cudurdambe.

0

bukaani

m l

ǫoni

0

bukaanjiif

m l (-fyo, m.dh)

Qof bukaan ah oo isbitaal la seexshay si loo daaweeyo.

0

bukaannimo

m dh

Bukaan ahaansho.

0

bukaanqaad

m dh (-dyo, m.dh)

Sariirta yar ee lagu qaado qofka aad u jirran.

0

bukaansocod

m l (-dyo, m.dh)

1. Qof jirran oo socon kara oo lugtiisa ku taga meeshii uu iska daaweyn lahaa. 2. Bukaansocod-eegto.

0

bukaansocod-eegto

m dh (-ooyin, m.l)

Meesha dadka jirran lagu baaro cudurradooda oo lagu daaweeyo, laakiin aaney seexan.

0

bukaar

m dh

Eeg: bakaar

0

bukabbukayn

m dh

1. ld bukayn. eeg bukabbukee. 2. ld buhabbuhayn.

0

bukabbukee

f g2 (-keeyay, -kaysay)

1. ld bukee. Wax garaacid si lagu jilciyo. 2. ld buhabbuhee.

0

bukasho

m f dh

ld bukood.

0

bukayn

m dh

; bukabbukayn.

0

bukaysii

f g2 (-iiyay, -iisay)

1. Nafley bukaan ka dhigid (Ilaah). 2. Wax bukaan ah iska dhigid. ld bukee.

0

bukaysiin

m f dh

ld bukayn.

0

bukee

f g2 (-keeyay, -kaysay)

; bukabbukee.

0

bukid

m f dh

Eeg: bug²

0

buko

f mg3 (-kaday, -katay)

Wax bukaan ah noqosho. ld bukoo.

0

bukoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Eeg: buko

0

bukood

m l

Eeg: bukasho

0

bukǫoni

m l

Moos waaweyn oo la kariyo. ld bukaani.

0

bukur

m l (-rro, m.dh)

Haruubka dhiil ama aagaan yar.

0

bul

m l (-lal, m.l)

1. Miiqyo badan oo dun, mayrax iwm ah oo salka isaga xiran waxna lagu qurxiyo. 2. Saynta ka laallaadda dabada nafleyda qaarkeed inteeda dambe.

0

bulaal

m l

Eeg: bulaalid

0

bulaali

f g2 (-iyay, -isay)

Nafley taran iyo barwaaqo siin (Eebbe). 2. Wax tiradooda iyo tayadooda badin.

0

bulaalid

m f dh

ld bulaal¹.

0

bulaalin

m f dh

Eeg: bulaali

0

bulaamid

m f dh

ld bulaan¹.

0

bulaan

m l

1. Cod weyn aan ereyadiisu sugnayn oo dad badan oo isku mar hadlaya sameeyaan. 2. ld bulaamid.

0

bulac

m l

Eeg: mulac

0

bulan

f mg1 (-lmay, -lantay; -lmi)

Ul qoyan, maro iwm bul yeelasho; sii gurmid.

0

bulay

m l

Mayrax feeran oo haamaha bul lagu catireeyo.

0

bulayn

m f dh

Eeg: bulee

0

bulaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax bul loo yeelay ahaansho.

0

bulaysnaan

m f dh

ld bulaysnaansho.

0

bulaysnaasho

m l

/dh ld bulaysnaan.

0

bulbul

m l

B. ku ah: cilmi aqoon aad u sarreysa loo yeesho.

0

buldi

m l (-iyo, m.dh)

Bir dhagax iwm oo xarig dheer ku xiranyahay oo lagu cabbiro qotada biyaha badda, webiga iwm.

0

buldiyid

m f dh

Eeg: buldi²

0

bule

m l (-layaal, m.dh)

Qof habeeya ama isku duwa hawsha riwaayadda ama filinka.

0

bulee

f g2 (-leyay, -laysay)

Maro, ul iwm bul u yeelid.

0

buli

m dh

Shimbir-malab.

0

bulid

m f dh

Eeg: bul²

0

buliis

m l

Eeg: boliis

0

bullaacad

m dh (-do, m.l)

God musqul, dhuumaha qaada wasakhda musqulaha.

0

bullaale

m l

1. Faras midabka dambarka leh. 2. Nooc ka mid ah jaadadka gorgorka.

0

bullo

m dh

1. Ciyaar hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, ragga iyo haweenku wada ciyaaraan, leh jiib, jaan, buun, durbaan iyo biro la isku garaaco. 2. B. ah: midab fardood dambarka u eg.

0

bulmid

m f dh

Eeg: bulaan

0

bulshannimo

m dh

Bulshey ahaansho.

0

bulshee

f g

/mg2 (-sheeyay, -sheysay) 1. (f.g) Qof bulshey ka dhigid. 2. (f.mg) Ciyaar, dhalinyareyn iwm wakhti ku lumin.

0

bulshey

m l

Qof dhaqan iyo anshax wanaagsan kula dhaqma bulshada uu la noolyahay.

0

bulsheyn

m f dh

Eeg: bulshee

0

bulsheynimo

m dh

Bulshey ahaansho.

0

bulsho

m dh (-ooyin, m.l)

Dad meel ku wada nool oo isku dan ah.

0

bulu

m l

/dh (-llo, m.dh) Dhasha biciidka. ld bulul.

0

bulukaati

m l kh

Bir-xaar dusha dheen dahab ahi ka marsanyahay.

0

bulukeeti

m l (-iyo, m.dh)

Saddex-jibaarane yar, ka samaaysan ciid bataax ah iyo shamiito la isku qasay oo guryaha lagu dhisto; jaajuur.

0

bulul

m l (-llo, m.dh)

Eeg: bulu

0

bulumbulyo

m dh (-ooyin, m.l)

Cayayaan yar, u eg suuska badarka gala oo qoryaha dhuuxooda burburiya; xar.

0

buluqbuluq

m l

/dh 1. Buluqbuluqleynta. 2. B. ah: qof buuran oo hilib jilicsan leh. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar mayridda ah.

0

buluqbuluqlee

f mg2 (-qeeyay, -qeysay)

Hilibka saaran nafley aad u cayishay ruxasho.

0

buluqbuluqleyn

m f dh

Eeg: buluqbuluqlee

0

bulush

m l

Miiqyo badan oo dun, mayrax iwm ah oo salka isaga xiran waxna lagu qurxiyo.

0

buluto

m dh

Meereyaasha qorraxda kan ugu dambeeya ee ugu fog.

0

buluug

m l

1. Midab kan cirka ama badda oo kale ah. 2. Qurus yar, budo buluug ah ka samaysan oo dharka cad la geliyo si midabkiia loo khafiifiyo.

0

bulxamid

m f dh

Eeg: bulxan²

0

bulxan

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

Nafley badan cod farxad iyo qosol leh samayn.

0

bumbo

m dh (-ooyin, m.l)

Eeg: bambaano

0

bun

m l

1. Geed dhulka kulul ka baxa, dhala miro kuuskuusan oo beer iyo qolof adag leh. 2. Miraha geed bunka oo laga sameeyo qaxwaha, kafee. 3. Miraha bunka oo saliid ma subag lagu shiilay.

0

bunaaxi

m l

Eeg: banaaxiyid

0

bunaaxin

m dh

Eeg: banaaxiyid

0

bunaaxis

m l

Eeg: banaaxiyid

0

bunaaxiyid

m dh

Eeg: banaaxiyid

0

bunaaxo

m dh

Eeg: banaaxo

0

bunaysad

m l

Eeg: bunaysasho

0

bunaysasho

m f dh

ld bunaysad, bunaysi.

0

bunaysi

m l

Eeg: bunaysasho

0

bunayso

f mg3 (-stay, -satay)

1. Bun la shiilay cunid. 2. Saliid ama subag bun lagu shiilay marsasho.

0

bunbay

m l

Bir af dhuuban oo lagu eego muunada badar jawaan ku jira; kasbo¹.

0

bundad

m dh (-do, m.l)

Xirmo dhar ah oo ka kooban dhawr daaqadood.

0

bundaqiijiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Makiinadda bunka lagu shiido.