0

bilaashxeyte

m l

Qof isu muujiya inuu awood u leeyahay wax uusan karti u lahayn.

0

bilad

m l

Eeg: bilasho

0

biladdaye

m l (-yayaal, m.l/dh)

1. Cad dhalo ah oo dhan midab dheeh lacageed ah iyo rinji ka marsan yahay oo la iska arko ama muuqaalka soo celisa; muraayad; mandarad. 2. Qalab qaab dhuun leh oo muuqaallada fog soo dhoweya.

0

bilan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax la bilay ahaansho.

0

bilasho

m f dh

ld bilad.

0

bilbil

f g1 (-ilay, -ishay)

1. Biyo iwm meel sida dhibcaha roobka ugu furdhin. 2. Gabar taabasho.

0

bilbilan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax la bilbilay ahaansho.

0

bilbilasho

m f dh

ù eeg bilbilo.

0

bilbilid

m f dh

ld bilbil¹ (3).

0

bilbilnaan

m f dh

ld bilbilnaansho.

0

bilbilnaansho

m l

/dh ld bilbilnaan.

0

bilbilo

f mg3 (-ishay, -ilatay)

Meel biyo ku rusheysasho.

0

bilcaan

m dh

Eeg: bilcan¹

0

bilcamid

m f dh

Eeg: bilcan²

0

bilcan

m dh u

Haweeney la guursaday. ld bilcaan.

0

bilcil

m l (bilcil/-llo, m.dh)

Geedaha waaweyn oo daawada leh nooc ka mid ah oo leh laamo kala baxsan, qodxo yaryar oo qaroofan, caleemo yaryar iyo mayrax rarada laga sameysto.

0

bilcooshaan

m dh

Nooc ka mid ah maryaha xariirta ah.

0

bildayaxeed

m dh (-lal ..., m.l)

(c.fal.) Waqtiga uu dayaxu wareeg buuxa ku sameeyo dhulka, waqtigaas oo u dhexeeya bil cusub ilaa bil cusub; waana ugu dhawaan 29.5 maalmood.

0

bileys

m l

Eeg: boliis

0

bileysad

m l

Eeg: bileysasho

0

bileysasho

m f dh

ld bileysad, bileysi.

0

bileysi

m l

Eeg: bileysasho

0

bileyso

f mg3 (-stay, -satay)

Haweenwy uur leh oo sidda dhaweysay si ay samo ugu dhasho alla bari samayn; kuraysasho.

0

bilhaarsiya

m l (daaw.)

Deris ku nool saddexda nooc uu leeyahayna ay keenaan cudurro dalalka kulul laga helo.

0

bili

m l

/dh 1. Nasiib wacan. 2. Sharaf wacan.

0

bilic

m dh

Muuqaal indhuhu u bogaan oo ay aad u jecleystaan.

0

bilicsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax muuqaalkooda indhuhu u bogaan oo ay aad u jecleystaan ahaansho.

0

bilicsanaan

m f dh

ld bilicsanaansho.

0

bilicsanaansho

m l

/dh ld bilicsanaan.

0

bilid

m f dh

Eeg: bil²

0

bilig

m dh sh r

If, inta muuqda durbadiiba qarsooma; big.

0

biligbilig

m dh

1. Dhimbilayn. 2. Babbinta.

0

biliglayn

m f dh

Eeg: biliglee

0

biliglee

f mg2 (-leeyay, -laysay)

Iftiin meel dheer bilig ka dhihid.

0

biliis

m l

Eeg: boliis

0

bililiqaysad

m l

Eeg: bililiqaysasho

0

bililiqaysasho

m f dh

ld bililiqaysad, bililiqaysi.

0

bililiqaysi

m l

Eeg: bililiqaysasho

0

bililiqayso

f g3 (-stay, -satay)

Hanti la boobayo in yar ka qaadasho.

0

bililiqo

m dh (-ooyin, m.l)

Hanti yar oo meel la boobayo laga helo.

0

biliq

f g1 (-lqay, -liqday; -lqi)

Wax, wax si aan habeysnayn meel ugu firirsan ka dhigid.

0

bilirubiin

m l (daaw.)

Walaxyo midabeysan oo ka yimid jajabinta heemogolobiinta dhiigga oo xameetida la socda. Labada ugu muhiimsan waxa weeyaan biilirubiin oo midab hurdi ah leh iyo biiliferdin oo midab cagaar ah leh.

0

bilis

m dh u

1. Bulshada inteeda aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 2. B. ah: qof aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 3. B. xaawo: haween.

0

bilisayn

m f dh

Eeg: bilisee

0

bilisee

f g2 (-seeyay, -saysay)

1. Bilis ka dhigid; xorayn. 2. Gudid (gabar).

0

bilisxaawo

m dh u

Haween. ld bilisxaawood.

0

bilisxawood

m dh u

Eeg: bilixaawo

0

bilkeedi

f g2 (-iyay, -isay)

Aayaha dambe sida la noqon doono eegid.

0

bilkeedin

m f dh

ld bilkeedo.

0

bilkeedo

m dh

Eegidda aayaha dambe sida la noqonayo. ld bilkeedin.

0

billaa

fk. Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo in ay dhacayaan; laga yaabaa in; armaa. Tus. “Billuu keen?”.

0

billaaban

f mg1 (-bmay, -bantay; -bmi)

Eeg: bilaaban

0

billaabasho

m dh

Eeg: bilaabasho

0

billaabid

m dh

Eeg: bilaabid

0

billaabmid

m dh

Eeg: bilaabmid

0

billaabo

f mg3 (-lowday, -laabatay)

Eeg: bilaabo

0

billaawe

m l (-wayaal, m.l/dh)

Mindi labada dhinac af ku leh, caarad dhuuban iyo daab xardhan oo gees ama caag iwm ka samaysan leh oo ay ragga qaataan; magli.

0

billad

m dh (-do, m.l)

Gabal yar, fidsan, wareegsan oo dahab, qalin, maar iwm middood ka samaysan oo astaan ama hadal inta lagu qoro abaalgud ahaan lo baxsho.

0

billayn

m dh

Eeg: ballayn

0

billaysimo

m dh

Eeg: ballayn

0

billaysin

m l

Eeg: ballayn

0

billee

f g2 (-leeyay, -leysay)

Eeg: ballee

0

billow

m l

Eeg: bilow¹

0

bilmasal

fk. Tusaale ahaan, misaal ahaan. ld bilmasil, bilmatal, bilmatil, bilmesel, bilmetel.

0

bilmasil

fk. ld bilmasal.

0

bilmatal

fk. ld bilmasal.

0

bilmatil

fk. ld bilmasal.

0

bilmesel

fk. ld bilmasal.

0

bilmetel

fk. ld bilmasal.

0

bilnaan

m f dh

ld bilnaansho.

0

bilnaansho

m l

/dh ld bilnaan.

0

bilo

f mg3 (bishay, bilatay)

Bil dhalasho.

0

bilooras

m l (c.nafl.)

Afka hoose ee caloosha oo u furan xiidmaha (duwodeenam).

0

bilow

f g1 (-laabay, -lowday; -laabi)

1. Hawl la fulinayo tallaabadeeda hore guda gelid. 2. Waqti xaddidan qeybtiisa hore gudagelid. ld billow².

0

bilqan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la bilqay ahansho.

0

bilqanaan

m f dh

ld bilqanaansho.

0

bilqanaansho

m l

/dh ld bilqanaan.

0

bilqasab

fk. Si sandulle ah, si xoog ah.

0

bilqaxan

f mg4 (-xnaa, -xnayd)

Wax si aan nadaamsanayn loo kala daadshay ahaansho.

0

bilqaxnaan

m f dh

ld bilqaxnaansho.

0

bilqaxnaansho

m l

/dh ld bilqaxnaan.

0

bilqid

m f dh

Eeg: biliq

0

bilyaardi

m l

1. Ciyaar si habeysan iyo shuruuc gaar ah loogu ciyaaro ulo ama la'aan iyo kubbado adag, yaryar midabaysan oo faan maroodi ka samaysan oo miis gaar ahna lagu dul ciyaaro. 2. Miis afarta gees iyo dhexda lix god ku leh maro ku dahaarantahay oo ciyaarta b.ga lagu ciyaaro.

0

bilyan

m l (-nno, m.dh)

Tiro ka kooban kun meelood oo min milyan ah; kun milyan; “1.000.000.000”.

0

bini

m l

Eeg: beni

0

binii-aadan

m l u

Eeg: banii-aadan

0

binii-aadannimo

m dh

Eeg: banii-aadannimo

0

binii-aadmi

m l u

Eeg: banii-aadan

0

biniini

f g2 (-iyay, -isay)

Indhaha kala qaadid si wax loogu dhaygago.

0

biniinin

m f dh

ld biniinis.

0

biniinis

m l

Eeg: biniinin

0

binnuur

m l (-rro, m.dh)

Koob yar oo qaxwada lagu cabbo. ld binnuuri.

0

binnuuri

m l

Eeg: binnuur

0

biqid

m f dh

ld baq¹ (2), baqid, biqitin.

0

biqil

m l (-llo, m.dh)

1. Abuur markaa soo baxay. 2. ld biqlid.

0

biqitin

m l

Eeg: biqid

0

biqlayn

m f dh

ld biqlays, biqle (1).

0

biqlays

m l

Eeg: biqlayn

0

biqle

m l

1. ld biqlayn. Haraati iyadoo labada addin ee dambe oo wada jiraan dameeruhu gadaal wax ugu dhuftaan. 2. ld biqlo. Sarreen magooliyay.

0

biqlee

f mg2 (-leeyay, -laysay)

Biqle samayn (dameer, faras, iwm).