0

beersaar

f g1 (-ray, -rtay)

Faras leedda ah fuulid.

0

beersaarid

m f dh

ld beersaar¹, beersaaro.

0

beersaaro

m dh

Fuulid degdeg ah oo faras aan koora lahayn la fuulo. ld beersaarid.

0

beertacab

m l

Beer falow.

0

beerxaw

m dh

Cudur caloosha ku dhaca oo shuban xad-dhaaf ah leh.

0

beeryaro

m dh (-ooyin, m.l)

1. Xubin uurkujirta ka mid ah, beerka u eg kase yar oo dhiigga wax ka samaysa. 2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.

0

beesad

m dh (-do, m.l)

Lacag bir ah oo ka mid ah sarrifka rubbiyadda oo u dhiganta toban senti.

0

beeso

m dh u

Lacag.

0

beestayn

m l (-nno, m.dh)

Lacag bir ah oo ka mid ah sarifka rubiyadda oo u dhiganta hal santi, dhuruuruq. ld beesteen.

0

beesteen

m l

Eeg: beestayn

0

beexaamid

m f dh

Eeg: beexaan²

0

beexaan

m l

1. Dhammaad; idlaad. 2. Kibir.

0

beeyo

m dh

Xabag udgoon, lagu uunsado oo ka baxda geedaha meyddiga moxorka, guraha iwm.

0

begel

m l

Eeg: bagal

0

beji

f mg2 (-iyay, -isay)

Eeg: boji

0

bejiino

m dh

Eeg: bojin

0

bejin

m dh

Eeg: bojin

0

bejis

m l

Eeg: bojin

0

bejiye

m dh

Eeg: bejiyo

0

bejiyo

m dh

Digir la shiiday basbaas, toon iyo basal lagu daray oo la dubay. ld bejiye.

0

bekeeri

m l

Eeg: bakeeri

0

bekel

m l

B. ah: qof fuley ah oo cabsi badan.

0

bekelnimo

m dh

Bekel ahaansho.

0

belaayo

m dh

Belo dhibaato weyn oo xambaarsan murugo iyo tiiraanyo. ld balaayo, belo.

0

belbel

m l

1. Holac weyn oo dabka ka baxo marka la shido. 2. ld belbelid. ld belel¹.

0

belbeli

f g2 (-iyay, -isay)

Dab si aad ah u holcin. ld beleli.

0

belbelid

m f dh

ld belbel¹ (2), belel¹, belelid.

0

belbelin

m f dh

ld belbelis, belelin, belelis.

0

belbelis

m l

Eeg: belbelin

0

beldaan

m dh w

Eeg: beled

0

beled

m l (-ldaan, m.dh)

Degaan leh guryo badan, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo, waddooyin dhaadheer iwm; magaalo.

0

beledee

f g2 (-deeyay, -deysay)

Meel beled ka dhigid.

0

beledeyn

m f dh

Eeg: beledee

0

beledeysasho

m f dh

ld beledeysi.

0

beledeysi

m l

Eeg: beledeysasho

0

beledeyso

f mg3 (-stay, -satay)

Qof, beled aadid si uu ugu soo nasto.

0

belediyad

m dh

Dawladda hoose.

0

belee

f g2 (-leeyay, -leysay)

Wax belo ku ridid.

0

belel

m l

Eeg: belbelid

0

beleli

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: belbeli

0

belelid

m dh

Eeg: belbelid

0

belelin

m dh

Eeg: belbelin

0

belelis

m l

Eeg: belbelin

0

beleyn

m f dh

Eeg: belee

0

beleysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax beloobay ahaansho.

0

beleysnaan

m f dh

ld beleysnaansho.

0

beleysnaansho

m l

/dh ld beleysnaan.

0

bellaagra

m l (daaw.)

Cudur nafaqoxumo ama nafaqodarro oo ay keento la'aanta ama kayaraanta jirka fitamiinka la yiraahdo PP oo ka sameysan “nikotiinika asidh”. Astaamaha: maqaarka inta muuqda oo galdhaca, shuban iyo qalbixumo ama qulub.

0

belo

m dh

Eeg: belaayo

0

beloobid

m f dh

Eeg: below

0

below

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Wax belo la kulmay noqosho.

0

belwo

m dh

Eeg: balwo

0

bender

m l (-rro, m.dh)

1. Magaalo meel xeeb ah ku taal. 2. Beled marso leh. 3. Yoolka ciyaarta imbiliga. ld bandar.

0

bengali

m l

Sonkor buda ah oo laga keeni jirey Bengaladeesh.

0

beni

m l (-iyo, m.dh)

1. Deyd dhagax ka samaysan oo beeraha timirta lagu kala qoqobo. 2. Cariish ka samaysan dhagax iyo qoryo. 3. (ld bini) Lacag bir ah ka mid ah lacagta sarrifka ee Ingiriisiga o laba iyo tobankii beni u dhiganta hal shilin.

0

benii-aadan

m l u

Eeg: banii-aadan

0

benii-aadannimo

m dh

Eeg: banii-aadannimo

0

benii-aadmi

m l u

Eeg: banii-aadan

0

benisiliin

m dh (daaw.)

Daawo ka sameysanta jeermiga loo yaqan “penicillum - notatum” loona isticmaalo daaweynta caabuqa oo ay keenaan jeermiyaal aad u kala duwan.

0

benned

f g1 (-day, -dday)

Hawl ama ciyaar socotay joojin.

0

bennedan

f mg1 (-dmay, -dantay; -dmi)

Hawl, ciyaar iwm wax la benneday noqosho.

0

bennedid

m f dh

Eeg: benned

0

bennednaan

m f dh

ld bennednaansho.

0

bennednaansho

m l

/dh ld bennednaan.

0

bensiin

m l (kiim.)

Haydarokaarboon hoor ah oo midablaawe ah, ur gaar ahna leh. B.tu waa iskudhis sun ah; uumigeeduna wuxuu keena waxyeello haddii isdabajoog loo neef qaato. ld baansiin.

0

berber

m l

Eeg: barbar¹

0

berberan

f mg1 (-ray, -rtay)

Eeg: dardaran¹

0

berberid

m dh

Eeg: dardarid

0

berbermid

m dh

Eeg: dardarmid

0

berbernaan

m dh

Eeg: dardarnaan

0

berbernaansho

m l

/dh ld dardarnaan.

0

berded

m l

Eeg: bardad¹

0

berdedid

m dh

Eeg: bardadid

0

berdedsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: bardadsan

0

berdedsanaan

m dh

Eeg: bardadsanaan

0

berdedsanaansho

m l

/dh ld bardadsanaan.

0

beretami

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: bedertami

0

beretamid

m dh

Eeg: bedertamid

0

beretamin

m dh

Eeg: bedertamin

0

beretan

m l

Eeg: bedertan¹

0

beretansii

f g2 (-yay, -say)

Eeg: bedertami

0

beretansiin

m dh

Eeg: bedertamin

0

beretansiis

m l

Eeg: bedertamin

0

beri

m l

1. Waqti aan xaddidnayn ee la soo dhaafay; waa; jeer; seben. 2.(-iyo m.dh) Dharaar iyo habeenkeeda. 3. B.ga: maanta.

0

beriberi

m l (daaw.)

Cudur ka yimaada cunnoxumo gaar ahaan fiitamiin B1 la'aan. Waxuu ku badanyahay dadka badsada cunidda badarka ama bariiska la tumay. Kaasoo xuubka laga qaaday, xuubka waxa kubadan fiitamiin B1.

0

beridhax

m l

Baryidda habeen meel la baryo. ld beridhaxmo (2).

0

beridhaxmo

m dh

1. Sahay ku filan hal beri oo safar ah. 2. ld beridhax.

0

berisabool

m l

Xilli ay dhibaato badan jirto.

0

berisamaad

m l (-dyo, m.dh)

Waqti barwaaqo badan oo aan dhibaato jirin.

0

beritalsis

m l (daaw.)

Dhaqdhaqaaq mawjadda oo kale ah oo ku socda xubnaha qaarkood ee jirka kuma xirna rabista qofka, wuxuuna caan ku yahay xubnaha ka sameysan muruq wareegsan iyo muruq dherer u dhigan - sida: xiidmaha.

0

beriyid

m f dh

Eeg: beri²

0

berkad

m dh

Eeg: berked

0

berked

m dh (-do, m.l)

Meel loo dhisay in ay biyo galaan oo lagu kaydsado.².

0

berkeg

m l

Eeg: bardad¹

0

berkegid

m dh

Eeg: bardadid

0

berkegsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: bardadsan

0

berkegsanaan

m dh

Eeg: bardadsanaan

0

berkegsanaansho

m l

/dh ld bardadsanaan.

0

berri

m dh fk

1. ld berrito. Maalinta maanta iyo saaddambe u dhexeysa. 2. B. dambe: maalinta b. xigta, saaddambe.

0

berribiyood

m l u (-yo, m.dh)

Dir ka mid ah lafdhabarleyda sida raha. Berribiyoodka waxa lagu tiriyaa inay yihiin xayawaankii ugu horreeyey ee lafdhabarleyda ahaa ee dhulka ku noolaa, qaar badan oo astaamahooda kamid ahina waxay muujinayaan inay qabatimeen nolosha berriga.