0

boqnajar

f g1 (-ray, -rtay)

Eeg: boqnagoo

0

boqnajarid

m dh

Eeg: boqnagoyn

0

boqol

m l t

Tiro ka kooban toban meelood oo min toban ah; “100”.

0

boqolaad

m l t j

Tirada jagaalaha ah, tan u dhiganta boqolka.

0

boqollaal

m l t

Tiro ka kooban dhawr boqol.

0

boqolle

m l (-layaal, m.l/dh)

1. Qof lab ah. 2. Nin aad u fiican. ld boqollow.

0

boqollow

m l (-wyo, m.dh)

Eeg: boqolle

0

boqon

m l (-nno, m.dh)

Xarig laga sameeyo seedda boqonta oo lagu xiro qaansada.

0

boqondhaw

m l

1. Geed digir meseggo imw oo soo fufay. 2. ld boqondhebid.

0

boqondhebid

m f dh

ld boqondhaw¹ (2).

0

boqongoo

f g2 (-ooyay, -ooysay)

Eeg: boqnagoo

0

boqongooyo

m dh

Eeg: boqnagooyo

0

boqongoyn

m dh

Eeg: boqnagoyn

0

boqool

m l

Eeg: baqoolid

0

boqoole

m l

Socod la socdo waqtiga qorraxdu aad u kulushahay. ld baqoolid.

0

boqooli

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: baqooli

0

boqoolid

m dh

Eeg: baqoolid

0

boqoolin

m dh

Eeg: baqoolin

0

boqoolis

m l

Eeg: baqoolin

0

boqoolsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: baqoolsii

0

boqoolsiin

m dh

Eeg: baqoolin

0

boqoolsiis

m l

Eeg: boqoolin

0

boqor

m l (-rro, m.dh)

1. Nin madax u ah tol ama qaran oo xakunkiisu dhaxaltooyo yahay. 2. Maro dhuuban, dheer, qurux badan, dacallada bul ku leh oo haweenku dhexda ku xirtaan. 3. B. ah: neef riyo ah oo dhexda midab ku leh.

0

boqorad

m dh (-do, m.l)

Haweeney madax u ah tol ama qaran xukunkeedu dhaxaltooyo yahay; marantida boqorka.

0

boqornimo

m dh

Boqor ahaansho.

0

boqortiirshe

m l (-shayaal, m.l/dh)

Gacan yaraha boqorka.

0

boqortooyo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Nidaam iyo xukun ka jira dal boqor u taliya. 2. Waddan boqor xukumo.

0

boqoshaa

m l

Nooc ka mid ah likaha oo la cuno.

0

boqran

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof boqornimo loo caleemo saaray ahaansho.

0

boqranaan

m dh

ld boqranaansho.

0

boqranaansho

m l

/dh ld boqranaan.

0

boqrasho

m f dh

Eeg: boqro

0

boqrid

m f dh

Eeg: boqor²

0

boqro

f mg3 (-raday, -ratay)

Qof boqornimo u caleemo saarasho.

0

boqshad

m dh

Eeg: baqshad

0

borobogaanda

m dh (siyaa.)

War iwm oo la xiriira fidin dicaayad ama xayeesiin arrimo siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi iwm.

0

borojekshan-koombeed

m l (-dyo, m.dh)

(juqr.) Khariidad la soo saaro marka warqad koombo oo kale u samaysan lagu wareejiyo galoobka. Khariidadda waxaa lagu xardhaa koombada dusheeda, dabadeedna koombada waa la kala fidiyaa.

0

borojekshan-sargo'an

m l (-no, m.dh)

(juqr.) Nooc khariidad brojekshan ah, taas oo u muuqata sida iyadoo galoobka laga arko fogaansho ma dhawaato ah, sidaas darteed hal galoob-badh ayaa lagu muujiyaa khariidad brojekshan. Fallaaraha ilayska ee borojekshanka samayntiisa saldhig u ah waa barbaro waxayna ku qotomaan sallaxa borojekshanka.

0

borojekshan-toobineed

m l (-dyo, m.dh)

(juqr.) Khariidad la sameeyo marka galoobka lagu wareejiyo warqad toobin oo kale u samaysan. Figta toobinku way ka sarraysaa cidhifka dhulka. Khariidadda waxaa lagu xardhaa toobinka dushiisa, dabadeedna toobinka ayaa la kala fidiyaa.

0

boromiin

m dh (kiim.)

Curiye hoor ah oo guduudan, firfircoonidiisuna heer dhexe tahay, kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).

0

boronkiito

m dh (daaw.)

Halamacoodka dhuumaha neefta waxayna u kala baxdaa mid muddo gaaban (acute) iyo mid muddo dheer (chronic). Midda hore waxa lagu yaqaan: qufac xaako leh, isku roorid dhuumaha neefta; midda labaad waxaa lagu yaqaan: xab badan oo dhuumaha neefta ka xaruuma.

0

borookaariyootig

m l (-gyo, m.dh)

(baay.) Noole walxaha hiddo-sidaha aanay ku xidhnayn bu'da unugga.

0

boroolataariyad

m dh (siyaa.)

Dabaqadda shaqaale ee waddan oo qaata mushahar la xiriira wax qabadkooda.

0

borootiin

m l (-nno, m.dh)

(baay.) Dheef asaasi u ah caafimaadka, jirdhiska oo laga helo cunnada la quuto qaar ka mid ah.

0

borotiin-bu'eed

m l (-dyo, m.dh)

(baay.) Iskudhis kasta oo laga helo unugyada noolaha kasta oo ka kooban asiidh bu'eedyo (DNA ama RNA) iyo borotiin isu tegay.

0

borotista

m dh (-ooyin, m.l)

(baay.) Boqortooyo koobaysa kala soocidda noolayaasha sahlan ee bayoolajiyeed. Waxa ka mid ah aljiga, fangiga, bakteeriyada iyo borotosoowaha.

0

borotobalaasam

m u (baay.)

Walax miromiro leh ee ka kooban muxtawiyaadka nool ee unugga. Taa waxa looga jeedaa walxaha ku jira unugga oo dhan marka laga reebo daloollada waaweyn iyo walxaha markaa soo gelay ama la qashin saarayo. Waxay ka koobantahay bu' dhex taalla saytobalaasam xab oo kale ah.

0

borotokool

m l

1. Diiwaan. 2. Heshiis caalami ah oo ku saabsan habka loo maro xafladaha dibloomaasiga ah.

0

borotoon

m l (-nno, m.dh)

(kiim.) Saxar asaasi ah oo leh saldanab togan. B.nnadu waa iniin-bu'eedyo laga helo dhammaan bu'leyda.

0

botani

m l

Barashada cilmiyaysan ee dhirta oo ay ka mid yihiin anatamiga, morfoolojiga, bayookimistariga, abla-ablaynta, saytoolajiga, hiddo-barashada, ikoolojiga, tadawurka iyo filiqsanaantooda juqraafiyeed.

0

bow

m dh

1. Jug; b. sii: qof wax ku dhufasho. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo dhufashada.

0

bowbow

m dh

B. dheh: codka durbaanka iwm ay sameeyaan marka la tumo.

0

bowd

m l (-dad, m.l)

Xeyndaab ood ah oo beerta, guriga, xerada xoolaha lagu wareejiyo, deyd.

0

bowd-dumis

m l

Xaal laga qaado nin naag meher xaday.

0

bowdabbaariile

m l (-layaal, m.l/dh)

Meesha ay barida iyo bowdadu iska galaan.

0

bowdaqaawi

f mg2 (-iyay, -isay)

U b.: qof cid uusan doonayn in uu la dagaallamo ereyo iyo falal cabsi geliya u jeedin.

0

bowdaqaawin

m f dh

ld bowdaqaawis.

0

bowdaqaawis

m l

Eeg: bowdaqaawin

0

bowdlameer

m l

Ood cusub oo la saaro bowd gaboobay.

0

bowdlameeri

f g2 (-iyay, -isay)

Bowd, bowdlameer u samayn.

0

bowdlameerin

m f dh

Eeg: bowdlameeri

0

bowdlameersan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax bowdlameeri la mariyey ahaansho.

0

bowdlameersanaan

m f dh

ld bowdlameersanaansho.

0

bowdlameersanaansho

m l

/dh ld bowdlameersanaan.

0

bowdo

m dh (-ooyin, m.l)

Lugta inteeda u dhexeysa lowga iyo sinta.

0

bowsad

m l

Eeg: bowsasho

0

bowsasho

m f dh

ld bowsad, bowsi.

0

bowsi

m l

Aqoon kooban oo aan dugsi iyo macalin toos ah laga baran. ld bowsasho.

0

bowso

f g3 (-stay, -satay)

Aqoon kooban oo aan dugsi iyo macallin toos ah laga baran helid.

0

boy

f mg1 (boyay, boysay)

Eeg: oy

0

braagmatiismaha

m l

Hab loo fikiro ama ku saabsan dhibaatada ficil ahaan, oo aan ahayn dariiq aragtiyeed.

0

bu'

m dh

1. (baay.) Jidh dhex yaallo saytobalaasamka unugyada, kaasoo ay ku jiraan walxaha hiddo side DNA. 2. (kiim.) Qaybta atamka ee saldanabeedku toganyahay, cufka atamkuna ka yimaado; b.du borotoonno iyo niyuutroonno ayay ka koobantahay; b.da atamka waxaa lagu muujin karaa summad tilmaamaysa tirada (cufka, borotoonnada, atamka) iyo curyaha magaciisa.

0

bu'asho

m f dh

'o.

0

bu'o

f mg3 (-'day, -'dday)

Weel cadaadiska gudahiisa ku jira oo aad u batay awgeed furtuurid.

0

bu'yaro

m dh (-ooyin, m.l)

(baay.) Jidh yar oo wareegsan oo isku cufan oo laga helo bu'da aan qaybsamin ee unugga dhirta iyo xayawaanka, taas oo ka kooban borotiin, DNA, iyo RNA. Waxay door muhiin ah ka ciyaartaa soo saaridda ribosoomka iyo borotiinka.

0

bub

m dh

Cayaar u eg shaxda oo ay ciyaaraan laba qof ama ka badan; yib; shantarad.

0

bubbucood

m l (-dyo, m.dh)

Dhul buurar ciid ah iyo geedo leh.

0

bucabbucayn

m dh

Eeg: buhabbuhayn

0

bucabbucee

f g2 (-ceeyay, -ceysay)

Eeg: buhabbuhee

0

bucasho

m f dh

Eeg: buco

0

bucayn

m dh

Eeg: bugayn

0

bucee

f g2 (-ceeyay, -ceysay)

Eeg: bugee

0

buco

f mg3 (-cday, -catay)

Badar la dubay xamur noqosho.

0

bucshirad

m dh

(1).

0

bucshiro

m dh

1. ld bucshirad. Ganacsi. 2. Alaab laga ganacsado, badeeco. 3. Nooc ka mid ah ciyaaraha turubka oo afarta warqadood ee badda taal la baayaco.

0

buctureen

m l (bot.)

Geed yar oo caleemo iyo ubax udgoon leh oo guryaha, xafiisyada iwm lagu beero.

0

bucul

m dh u

Qodaxda geedka sarmaanta marka ay qallasho.

0

bud

m dh

1. Ciidda la tuuro qabriga dushiisa oo calaamad u ah. 2. Iil. 3. B. soo dheh: soo bixid (qorrax, dayax iwm).

0

bud-dhig

m l (dii.)

Dhigitaanka qof dhintay iilka la dhigo. ld bud-dhigid.

0

bud-dhige

m l (-gayaal, m.l/dh)

Qofka qofka dhintay dad ugu xiga oo buddhiggiisa leh.

0

bud-dhigid

m f dh

ld bud-dhig¹.

0

budaddar

f g1 (-ray, -rtay)

Soor bislaatay budo ku adkayn.

0

budaddaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Soor, wax la buddadaray ahaansho.

0

budaddarid

m f dh

Eeg: budaddar²

0

budaddarnaan

m f dh

ld budaddarnaansho.

0

budaddarnaansho

m l

/dh ld budaddar-naan.

0

budayn

m f dh

Eeg: budee

0

buddi

m l (-iyiin, m.dh)

(dii.) Qof raacsan diinta loo yaqaan buddiyadda.

0

budee

f g2 (-deeyay, -daysay)

Wax budo ka dhigid.

0

budli

f g2 (-iyay, -isay)

Wax aad u jilcin ama budul ka dhigid.