Words starting with 'B'
2,881 Somali words beginning with 'B' — page 28 of 29.
burqo
Biyo si xoog ah meel uga soo butaacid.
burri
ųri.
burrin
ųrin.
burris
1. (-syo, m.dh) Dubbe. 2. ld bųrin.
bursaliid
Bur la rifaaqay oo saliid lagu dubay. ld bursariir.
bursasho
ld bursad, bursi.
bursayn
Xabbado badan oo hal mar dad badani ridaan.
burshaan
Buur yar; kood.
burshin
1. Labada xubnood ee ku wareegsan afka nafleyda, kana qeyb qaadata codaynta. 2. Labada xubnood ee ku wareegsan xubinta taranka ee haweenka. ld bishin, bushin (2).
burshintuur
1. Xarig yar oo lagu dhuujiyo faruurta kore ee geela si uu socodka u dheereeyo. 2. ld burshintuurid.
burshintuurid
ld burshintuur¹, bushintuur¹, bushintuurid.
bursiino
Sed dheeraad ah oo laga qaato wax la qaybsanayo.
burso
1. Wax la qaybsanayo sed dheeraad ah ka qaadasho. 2. Wax cayrsasho.
burtuur
Marka soorta la karinayo burarka yaryar oo ay yeelato.
burtuurid
ld burtuuris.
burtuursan
Soor wax burtuur yeeshay ahaansho.
burtuursanaan
ld burtuursanaansho.
burtuursanaansho
/dh ld burtuursanaan.
burumbuur
Buur aan dhagaxyo lahayn oo dhir ka baxda dusheeda.
burun
Cad yar oo is-haysta oo ciid, sonkor iwm ah.
burunbur
Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban gudguduudan iyo caleemo yaryar oo geelu aad u jecelyahay.
burunji
Hilibka intiisa jiirka ah.
burunjiyee
Cabsi, gabow, qandho iwm la gariirid.
buruq
1.Bari dhirta qaarkeed dhanka hoose ka bixiso, adag, kuuskuusan oo la cuno. 2. Miro, sida qaraha, babbayga iwm inta jilicsan oo la cuno.
burur
1. Dareen qofka ku dhasha marka uu la kulmo wax shucuurtiisa kiciyo oo ka lumiyo is-hanashada; jidbo. 2. ld burbur(1). 3. ld bururid.
bururi
1. Qof bururay ka dhigid. 2. ld burburi.
bururid
ld burur¹; burburid.
bururin
ld Bururis; burburin.
bururis
; bururin.
burursan
1. Wax bururay ahaansho. 2. ld burbursan.
burursanaan
ld burursanaansho.
burursanaansho
/dh ld burursanaan.
burush
1. Dheeraad. 2. ld buraash 1 (1).
buruud
1. Nasiib wacan. 2. ld burji. ld burad, buruuji.
buruudshiil
Ka burji sarreynta qof, qof kale ka burji sarreeyo.
bus
Boor; siigo.
busaambus
Qaybaha jilicsan ee uu leeyahay neef.
busaarad
Nolol gaajo, arrad iwm leh. ld busaaro.
busaaradeysan
Wax busaarad hayso ahaansho.
busaaradeysnaan
ld busaaradeysnaansho.
busaaradeysnaansho
/dh ld busaaradeysnaan.
busbus
Cudur dadka ku dhaca oo oogada nabarro badan oo yaryari ka soo yaacaan qandhana leh.
buseelid
ld buseel¹.
bushi
Cudur.
bushi-awaal
Saadaal cudur.
bushin
ld burshin.
bushkuleeti
Gaadiid laba lugoodle ah oo lugta lagu socdsiiyo; baaskiil. ld bushkaleeti.
bushle
Quwaax meseggo oo aan lahayn dhacaan badan oo laga mashiiqsado.
buskud
Kibis yaryar, qaabab leh, xalleefsan, fidsan, adag oo macaan sida doolshaha.
bustaan
Beer yar oo geed mirood ka baxa.
buste
Go' weyn oo dhogor jilicsan ka samaysan oo la huwado, sariirtana la saarto; kubbeerto.
busteeki
Hilib jiir ah, xalxalleefsan oo la shiilo ama la solo. ld buskeeti.
busur
Miro timireed oo heerkii bislaanshada gelaya.
butaac
1. Dareere meel uu ku jiray hal mar si xoog leh uga soo daadasho. 2. biyo fataahid.
butaaci
1. Dareere meel ay ku jireen ka daadin. 2. Biyo fataahin.
butaaco
B. ah: hoore meel uu ku jirey si xoog leh uga soo burqaday.
buto
Geed-nagaar faalala leh laamo jiljilicsan, caleemo yar oo macaan oo la cuno.
butuc
1. B. ah: qof buuran. ld Batac. 2. Ciid jilicsan oo aan dhagax qaruurax iyo boor lahayn.
butucsan
Wax butuc ah ahaansho (qof). ld batacsan.
butucsanaan
ld batacsanaan, batacsanaansho, butucsanaansho.
butucsanaansho
/dh ld butucsanaan.
buturi
Is b.: qof caro iyo isla weynaan awgeed gaar u istaagid.
buub
1. Rati raran didid. 2. Dayaarad, shimbir iwm duulid.
buubaal
Rati la rarto oo rar diid ah; layli aan weli rar baran.
buubi
1. Nafley ceyrin. 2. Wax duulin. 3. Ku b.: wax, wax kale ku kor firdhin.
buubid
ld buub¹ (2)..
buubin
ld buubis.
buubsasho
ld buubsad.
buubso
1. Wax cayrasasho. 2. Wax hor u durugsasho.
buud
1. Doon meel dhexaad ah oo qaadda afar boqol ilaa kun kintaal. 2. Kabaha waaweyn ee ay askartu qaadato.
buudhi
Qaalin geel sabiisheeda barar abaahidoon ka muuqasho.
buudhin
ld buudhis.
buudhqab
Hal awr abaahiyay oo loo malaynayo inay rintay, abaahiqab.
buuf
1. Duufsi. 2. B. ku hay: ladnaan. Tus. “Cali buuftuu ku hayaa”.

