0

berridambe

m dh

Maalinta markaas la joogo ayaanteeda saddexaad oo soo socota; saaddambe.

0

berrin

m l (-nno, m.dh)

Meel bannaan, dhir ku hareereysan oo degaan ku habboon, ruun.

0

berrito

fk. ld berri² (1).

0

berriyeed

m l u (-dyo, m.dh)

(baay.) Noolayaasha ku nool dhulka.

0

bersad

m dh

Eeg: bersed

0

bersed

m dh (-do, m.l)

Qeyb guriga ka mid ah oo fadhi loogu tala galay. ld barsad, barso, bersad, berso.

0

berso

m dh

Eeg: bersed

0

bes

m dh

1.(ld bis) 2. Erey lagu yiraahdo dameerka marka la doonayo in la joojiyo. 3. Erey loo jeediyo qof hawl hayey si uu ujoojiyo. 3. B.tay baan ahay: waan liitaa.

0

betrooliyam

m l (kiim.)

Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada(saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).

0

bey

m l

Midab cad oo madow yari ku dheehanyahay oo ay yeeshaan lo'da, fardaha iyo riyaha.

0

bey'ad

m dh (-do, m.l)

Degaan. ld bii'ad.

0

beycad

m l

Midab ciira boos ah oo caddaanxiggeen ah oo ay yeeshaan lo'da iyo fardaha.ld giircad.

0

beycas

m l

Midab ciira boos ah oo casaan yarku dheehanyahay oo ay yeeshaan lo'dafardaha iyo riyaha. ld beyguduud.

0

beyd

m l (-dad, m.l)

1. Guri; aqal. 2. Hal sadaroo maanso ah.

0

beydacar

m l (-rro, m.dh)

Bey midab dacar ahku dhafanyahay.

0

beygag

m l

Eeg: baydadid

0

beygagi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: baydadi

0

beygagid

m dh

Eeg: baydadid

0

beygagin

m dh

Eeg: baydadin

0

beyguduud

m l

Midab lo'aad ah, bey guduud ku dhafanyahay. ld beycas.

0

beymmadow

m l

Midab bey ah oo madowgu ku badan yahay. ld giirmadow.

0

beynaad

m dh (-do, m.l)

Bir mindida u eg oo labada dhinac af ku leh oo buntukha afkiisa la suro.

0

beynajaho

m dh (-ooyin, m.l)

Afarta jaho middood.

0

beys

m l (kiim.)

Iskudhis sii daaya ayoonka haydarogsayl, OH- , marka uu ku jiro milanbiyood. Milannada beysyada ahi waxay leeyihiin pH ka sarreeya 7.

0

beytalmay

m l (-aayo, m.dh)

Musqul.

0

beytimmaal

m l

1. B. ah: hanti baylah ah. 2. Keydka dhexe ee Dawladda Islaanka. ld baytammaal¹, baytimmaal¹, beytummaal¹.

0

beytimmaali

f g2 (-iyay, -isay)

Hanti baylah ka dhigid. ld baytimmaali.

0

beytimmaalid

m f dh

ldbaytammaalid, baytimmaalid, beytummaalid.

0

beytimmaalin

m f dh

ld baytimmaalin, baytimmaalis, beytimmaalis.

0

beytimmaalis

m l

Eeg: beytimmaalin

0

beytulxaraam

m l

Masjidka barakeysan eemasaajaddada Islaanka ugu weyn oo Maka ku yaal.

0

beytummaal

f g1 (-aalay, -aashay)

id m.dh ld beytimmaalid.

0

bi'i

f g2 (-iyay, -isay)

1. Hoog iyo dhibaato gaarsiin; hoojin, beleyn. 2. Hawl, arrin iwm. si gurracan u fulin. 3. “Ka bi'i”: wax meel ku yaal ka tirid; baabi'i.

0

bi'id

m f dh

'². ld ba'id.

0

bi'in

m f dh

'i. ld bi'is.

0

bi'is

m l

'in.

0

biciid

m l

Jaad ugaarta waaweyn ka mid ah, leh midab dacar ah, geeso dhaadheer oo toosan, bogcad iyo labo diillimood oo madow oo dhinacyada ku yaal.

0

bicir

m l

Eeg: dubayo

0

biciriir

m l

Eegitaan aan indhaha dhab loo kala qaadin iyadoo muruqyadooda la adkaynayo kolka aragtidoodu yartahay ama if xoog badani ka hor yimaado.

0

biciriirsad

m l

Eeg: biciriirsasho

0

biciriirsasho

m f dh

ld biciriirsad, biciriirsi.

0

biciriirsi

m l

Eeg: biciirsasho

0

biciriirso

f mg3 (-saday, -satay)

Indhaha oo aan dhab loo kala qaadin oo muruqyadooda la adkaynayo wax ku eegid.

0

bid

f g

/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Wax dan moodid. 2. (f.g) Cid wax ku tuhmid. 3. (f.mg) Wax dabayl raacid.

0

bidaa'i

m l

Bilow ah; aasaasi ah.

0

bidaal

m l

Male aan hubaal ku dhisnayn.

0

bidaar

m l

Nin ay timaha bidaar ka gashay. ld bidaarle, bidaarre.

0

bidaarhoraad

m dh

Bidaarta gasha madaxa intiisa hore.

0

bidaarle

m l (-layaal, m.l/dh)

Eeg: bidaar¹

0

bidaarloobid

m f dh

ld bidaarroobid.

0

bidaarlow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Wax bidaar ghashay noqosho. ld bidaarrow.

0

bidaarre

m l (-rayaal, m.l/dh)

Eeg: bidaar¹

0

bidaarroobid

m dh

Eeg: bidaarloobid

0

bidaarrow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Eeg: bidaarlow

0

bidcee

f g2 (-ceeyay, -ceysay)

Qof bidci ka dhigid.

0

bidceyn

m f dh

Eeg: bidcee

0

bidceysasho

m f dh

Eeg: bidceyso

0

bidceyso

f g3 (-saday, -satay)

(dii.) Wax, wax bidco ah, tixgelin.

0

bidci

m l (-iyo, m.dh)

(dii.) Qof ku sifoobay dhaqanka bidcada.

0

bidcinnimo

m dh

Bidci ahaansho.

0

bidco

m dh (-ooyin, m.l)

(dii.) Dhaqan diimeed cusub oo aan diinta Islaanka ka mid ahayn oo lagu soo daro.

0

bidcoobid

m f dh

Eeg: bidcow

0

bidcow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

(dii) Qof bidcinnimo ku sifoobay noqosho.

0

biddad

m dh (-do, m.l)

Haweeney la leeyahay aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto.

0

biddannimo

m dh

Bidde ahaansho (qof).

0

bidde

m l (-dayaal, m.l/dh)

Nin la leeyahay, aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto; addoon; cabiid.

0

biddo

m dh (-ooyin, m.l)

Bacaad yar ka dhasha dhul geedaha laga guray.

0

biddood

m l u

Dad la leeyahay aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto; addoomo.

0

bidhaamid

m f dh

ld bidhaan¹ (3).

0

bidhaan

m l (-aamo, m.l)

1. Muqaal meel fog laga arko. 2. Tiro aad u yar oo ari ah oo gaar u daaqa. 3. ld bidhaamid.

0

bidhaansad

m l

Eeg: bidhaansasho

0

bidhaansasho

m f dh

ld bidhaansad, bidhaansi.

0

bidhaansi

m l

Eeg: bidhaansasho

0

bidhaanso

f mg3 (-saday, -satay)

Wax bidhaantooda eegasho.

0

bidibidi

m dh (-iyaal, m.l/dh)

Shimbir kashifta dugaagga oo ugaarsatadu neceb tahay.

0

bidid

m f dh

ld badid.

0

bidix

m dh

Qof wejigiisu waqooyi ku aaddan yahay dhankiisa ku toosan galbeed ee ay ku taal gacanta aan aad wax loogu qabsan.

0

bidixee

f g

/mg2 (-xeeyay, -xeysay) 1. (f.g) Wax si hagar leh u sameyn. 2. (f.mg) Ka b.: wax dhanka bidix ka marid.

0

bidixeyn

m f dh

Eeg: bidixee

0

big

m dh

1. Sharrax, bilid, naqash, qurxin. 2. (sh.r) If, inta muuqda durbadiiba qarsooma; bilig. 3. B. dheh: carar meel si deg-deg ah looga tago.

0

bigayn

m f dh

ld bigays (2).

0

bigays

m l

1. Shaah aan caano lahayn; rinji. 2. ld bigayn.

0

bigee

f g2 (-geeyay, -geysay)

Shaah karin.

0

bigil

m l (-llo, m.dh)

(muus.) Qalab muusig hawada ku shaqeeya, labada dacal ka furan, leh daloolo sawdkeeda lagu codeeyo oo sida badan ay ciidammadu isticmaalaan, turumbo.

0

biglayn

m f dh

Eeg: biglee

0

biglee

f mg2 (-leeyay, -laysay)

Iftiin kala googgo'an oo is daba jooga samayn.

0

bigrojebi

f g2 (-iyay, -isay)

Gabar cadradnimo ka bi'in.

0

bigrojebin

m f dh

Eeg: bigrojebi

0

bihimbih

m l

Oohin beerlaxawsi leh oo ay siiba carruurtu sameeyaan marka ay wax doonayaan.

0

bihimbihi

f g2 (-iyay, -isay)

Is b.: bihimbih samayn.

0

bihimbihin

m f dh

Eeg: bihimbihi

0

bii'ad

m dh

'ad.

0

biibbiilayn

m f dh

ld biibbiile (3).

0

biibbiile

m l

1. Haraatida labada addin ee dambe iyadoo wada jira ay dameeruhu gadaal wax ugu dhuftaan. 2. Qalab noocyo badan leh oo carruurtu marka ay afuufaan luuq kala duwan bixisa. 3. ld biibbiilayn.

0

biibbiilee

f mg2 (-leeyay, -laysay)

1. Faras, dameer iwm addimada dambe wax ku haraatin.

0

biibbo

m dh

Eeg: bayb

0

biibiile

m l (muus.)

Siinbaar.

0

biic

m l

1. ld beec. Qiimaha wax lagu iibinayo. 2. B. ah: wax iib u yaal.

0

biici

f g2 (-iyay, -isay)

Wax iib u raadin. ld beeci.

0

biicin

m dh

ld beecin, beecis, biicis.