Words starting with 'B'
2,881 Somali words beginning with 'B' — page 11 of 29.
barbardi'id
'².
barbarnaansho
/dh ld dardarnaan.
barbarree
1. Dood, run ka sheegiddeeda ka warwareegid. 2. Cid tartan kula sinmid.
barbarro
Barbarkadhac; barbardhac; kalagurad; garbadhac.
barbartan
Isku barbar dhicid; kalaggurasho; kala badin waayid.
barbax
1. Xilli kulul oo biyo iyo baadba ciriiri yihiin. 2. Wax looga baxo dhibaatada xilli kulul sida baad, raashin, biyo. 3. ld barbixid.
barbixi
Nafley, dhibaato xilli kulul ka samatabixin.
barbixid
ld barbax¹ (3).
barbixin
ld barbixis.
bardad
Cabsi iyo naxdin weyn oo qofka ka lumisa is hanashada. ld barkad¹, barkag¹, berded¹, berkeg¹ (2).
bardadid
ld barkadid, barkagid, berdedid, berkegid.
bardadsan
Qof, wax bardaday ahaansho. ld barkadsan, barkagsan, berdedsan, berkegsan.
bardadsanaan
ld bardadsanaansho, barkadsanaan, barkadsanaansho.
bardadsanaansho
/dh ld bardadsanaan.
bardaq
Qof buuran oo jir jilicsan leh.
bardaqsan
Bardaq ahaansho (qof).
bardaqsanaan
ld bardaqsanaansho.
bardaqsanaansho
/dh ld bardaqsanaan.
bardiil
Hanti la siiyo qof awood maamul leh si weji looga helo.
bardooddamid
ld bardooddan¹, bardootamid, bardootan¹.
bardooddan
1. bardootan 1. Ciyaar farakacayaar, legdiniyo is ceyrsi leh oo waqtiga la isaga lumiyo. 2. ld bardooddamid.
bare
Qof aqoon u leh habka dadka wax loo baro, kuna shaqeeya; macallin.
bareeg
Fariin.
bareer
1. Fal ulakac ah oo aan qarsoodi ahayn; caddaan; kas. 2. ld bareerid. ld bareero.
bareerid
ld bareer¹, bareero.
bareero
(2). bareerid.
barfasoor
1. Qof aqoon sare oo cilmiyeed leh. 2. Bare sare oo jaammacadeed. ld barafasoor.
bargaro
1. Nafley muuqaalkeed garasho. 2. Fal eex iyo qabyaalad ka muuqato cid wax ugu samayn.
bari
Jahada ay qoraxda ka soo baxdo.
baricadde
Nooc ka mid ah quraanyada waaweyn oo daba cad leh.
barid
ld baris, baritan.
baridhawr
Barkin xalleefsan oo koore, kursi iwm layska xajiyo.
bariggo'an
Daruur weyn, biyo lahayn oo aan daruur kale ka hooseyn.
bariggoo
U b.: qof dhaawac ah neef ida ah oo lagu baaniyo u qalid.
bariggooyo
B. ah: 1. Neef ida ah oo qof dhaawac ah in lagu baaniyo loo qalo. 2. Hanti la siiyo qof la dhaawacay qaansimidda ka hor.
barii
Habeen meel ku nabad gelin (nafley). ld bariisii.
bariidi
1. Cid, subax bariido ugu tegid. 2. Cid, salaan ugu tegid.
bariidin
ld bariidis, bariido.
bariido
1. Casho baartay oo maalintii xigtay gaartay. 2. Salaanta kolka waagu beryo. 3. Hanti laga bixiyo gabar guur laga doonayo oo la siiyo soddohda. 4. ld bariidin.
bariin
ld bariisiin.
bariiq
Qolofta ku dahaaran iniinyaha bariiska intaan la tumin.
bariis
Geed cawseed dalagga la beerto ka mid ah dhala iniinyo yaryar oo kuwa sarreenka ka yar oo la cuno marka la karsho. ld bariid.
bariiso
1. Waqtiga u dhexeeya qorax soobaxa ilaa ay qoraxdu diirimaad dhaxanta kiciya ka yeelato. 2. Roob da'a arooryada hore.
barijab
Meesha barida iyo bowdadu iska galaan.
barijugle
Dhicidda qof barida si xoog leh dhulka ugu dhufto. ld barijugleyn.
barijuglee
Barida si xoog leh dhulka ugu dhufasho.
barijugley
Nooc cayayaanka lix lugoodlaha ah ka mid ah oo leh madax ay ku dahaarantahay qolof adag oo kurtumo leh iyo qaar danbe oo buuran oo jilicsan; dhiidhiiyo, xaabley, xabgaal.
barijugleyn
ld barijugle.
barimarsi
Dhulka ku xiga deked badeedda, kaasoo wixi dibadda loo dhoofinayo oo dekeddaas maraya ay ka yimaadaan, wixii dibadda looga soo dhoofiyana ay dekeddaas u soo maraan.
baritaar
Xoogga lagu taakuleeyo, qof meel sare oo aan sallaan lahayn fuulaya.
bariweyne
Bayd faal, oo manjaha, iyo tan ka sarraysa min laba ka ah, madaxa iyo tan ka hoosaysana min hal.
barjaho
Afarta jaho oo asaasiga ah middood.
barje
Jabto.
barjee
/mg2 (-jeeyay, -jaysay) 1. (f.g) Galmoo. 2. (f.mg) Meel goglan oo barkimooyin lagu tiirsado leh jaad ku cunid.
barjimo
Ari subax xero ku daahid.
barjo
1. Madaxa hore oo kuusan ee xubinta taranka ragga; dhalfo; fanjar. 2. Qayilaad meel fadhi fiican oo lagu raaxeysto leh lagu qayilo.
barjooqo
Caanaha neef guraya ibihiisa ku hara.
barkadhac
Muruq dadka luqunta ka gala marka barkinta si xun u barkadaan. ld barkindhac¹.
barkadhicid
ld barkindhicid.
barkadsanaansho
/dh ld bardadsanaan.
barkagsanaansho
/dh ld bardadsanaan.
barkarkareed
(fiis.) Heerkulka uu cadaadiska uumiga hoorku le'egyahay cadaadiska atmoosfeerka, taas oo uumibaxu ka muuqdo hoorka dhammaantiis.
barkasho
ld barkad¹.
barkhad
Kheyr badan oo Eebbe laga helo.
barkhadee
Cid barkhad siin (Eebbe).

