Words starting with 'B'
2,881 Somali words beginning with 'B' — page 21 of 29.
biqlid
ld biqil¹ (2).
biqlo
(2).
bir
Wax sida iftiin bilig dhihid.
bir-ajuuraan
1. Bir budo laga dhigay oo lagu daaweeyo caruurta caddaadka qabta. 2. ld birxaar. 3. bir 1 (3).
bir-u-eke
(kiim.) Curiye kasta leh astaamo u dhexeeya kuwa biraha iyo kuwa birma-ahayaasha. Sida runta ahna, ma jirto kala soocid cad oo lagu kala qaybiyo biraha iyo birma-ahayaasha. Marka kalka tusaha kalgalka bidix ilaa midig loo socdaba waxa laga tegayaa astaamaha biraha lana tegayaa astaamaha birma-ahayaasha.
biraha-alkaali
Curiyayaasha ururka 1aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay dhammaantood ku leeyihiin hal elektaroon heertamarkooda ugu sarreeya. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay I. Ogsaydhadoodu waxay ku milmaan biyaha si ay u sameeyaan alkaaliyo. Biraha alkali waa litiyam (li), soodiyam (Na), botaasiyam (K), rubiidiyam (Rb), susiyam (Cs) iyo faransiyam (Fr).
birdaawe
Weel fidsan oo bir ah, leh dheg la qabsado oo canjeerada iwm. lagu dubo; birlaxooxeed. ld birdaawo, birtaawe, birtaawo.
birdanab
Bir la aaminsanyahay in ay danabka la socota oo dhulka gasho waxay ku dhacdana disha.
birdhaf
(kiim.) Iskujir ka kooban laba birood ama in ka badan (sida boronas, araas) ama bir ay ku dhafanyihiin xaddi yar oo birmaahayaal ahi (sida istiil). B.yadu waxay ahaan karaan laba weji oo isku laban ama iskujir iskukaan ah.
birdhi
1. Macdan qaali ah. 2. Cad yar oo xabag ah. 3. ld birdhic.
birdhic
1. Bar yar oo leh midab ka geddisan meesha ay ku taal. 2. ld birdhi.
birdhigid
ld birdhig¹.
bire
Weel qori ka samaysan leh af ballaaran sidde la qabsado oo geela lagu maalo, gaawe, toobke. ld bure.
biree
1. Nafley dhuunta iyo halbowlayaasha mindi ugu goyn. 2. Neef la qalanayo si sharciga waafaqsan dhuunta iyo halbowlahayaasha mindi ugu goyn.
bireeris
Duuduubka deggan, badanaa: fidsan, guud ahaan aan dhir lahayn, bannanno caws leh - dhul cawsaadka loolka dhexe - ee woqooyiga maraykanka,ee qariya gobollada koonfureed ee Alberta, Saskatuun iyo Manitoba oo Kanada ah iyo Badhtamaha midowga Mareykanka ilaa bilow-kureed Buur Dhadhaabeedyada oo ay ugu barayeyso ilaa dhigta harada Mishigan.
biresbiyobiya
Dhibaato lagala kulmo akhriska caadiga ah iyo fulinta hawlo dhow oo ay keento hoos u dhac xagga aragga oo da'du keento, taasoo ishu ayan awoodin in ay beddesho qallooca birta isha si ay faseex ugu aragto wixii u dhow. Sababta middaas waxay tahay ayadoo marba marka ka dambeysa ay lumeyso awood jiitimaadka birta isha (lens) sidaas awgeed qallooceedu ma beddelmi karo marka si fiican ugu muuqan mayaan wixii u dhow. Waxa lagu saxa muraayadaha indhaha oo uu takhtar kuu qoro.
biri
Dab iwm holcin.
biriir
1. Gaashi weyn, cad oo ku taal neef lo' ah oo midab aan caddaan ahayn leh. 2. Caro ama naxdin laga dareemo qofka wejigiisa. ld bariir.
biriiri
Weji biriir u yeelid.
biriirin
ld biriiris.
biriirix
Wax aqoon yar ka helid.
biriiryaabid
ld biriiryow¹.
biriiryow
Baraarugid.
birilaxooxeed
Weel bir ah, fidsan, culus, dheg la qabsado leh oo laxooxda lagu dubo.
birimbirqayn
ld birimbirqo.
birimbirqee
Birimbirqo samayn.
birimbirqo
Boodbood iyo durduro ay sameeyaan weylaha; naylaha, waxaraha iwm marka ay barwaaqeysanyihiin. ld birimbirqayn.
biriq
Gantaal danab ah, xoog badan, wuxuu ku dhaco dila oo ka dhasha isku dhac daruuro marka roob da'ayo. ld wiriq.
biririf
Dhowr daqiiqadood oo hawl la hayey laga nasto.
birisam
1. (xis.) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah iskuna sargo'an iyo dhammaan wejiyada kale ay yihiin barbarooleyaal. 2. (xis.) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah oo iska soo horjeeda laguna magacaabo salalka ahna geesooleyaal isku sargo'an. Dhammaan wejiyada kale waa barbarro ah oo u dhexeeya geesaha talantaaliga ah ee salalka.
biriwixid
ld birikinnaas¹, birikinnaasid, biriwax¹.
birjeeb
Bir, biraha kale lagu qabto oo ka kooban laba qalbac oo dhexda iska haysta oo marka gadaal la isaga qabto hore wax ka qabata; kalbad.
birjeex
nimo m.dh ld biirijeexnimo.
birjiir
Bir jaadad badan ah jiirka lagu dabo.
birjiko
birlab m.dh 1. Bir aad u adag oo aan jebin. 2. Bir awood u leh in ay soo jiidato biraha kale. ld birsulub.
birlabnimo-duleed
Astaamaha birlabeed oo uu muujiyo dhulku, kuwaas oo dhulka keenay inuu noqdo birlab weyn oo labo cirif leh; waa sayniska barashada astaamooyinkaas.
birlaxooxeed
Birdaawe.
birmac
Nooc birta ka mid ah oo aad u jilicsan.
birmad
1. Gargaar degdeg ah oo meel ay dhibaato ka dhacday kaalmo ahaan loogu diro. 2. Ciidan hubaysan oo lagu xoojiyo ciidan kale oo dagaal ku jira ama dhibaataysan. 3. ld birmasho.
birmasho
ld birmad (3).
birmiil
Weel weyn oo bir ah qaab dhululubo leh oo qaada labo boqol oo litir, fuusto. ld barmiil.
birmo
Meel dhibaato ka aloosantay si degdeg ah ugu ciidamid.
biro-dhuleed-alkaliin
Curiyayaasha ururka 2aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Inkasta oo aanay aad ugu milmin biyaha haddana waxay la sameeyaan iyo beysyo. Waxay dhamaantood ku leeyihiin laba elektaroon heertamarta ugu sarreysa. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay II. Biraha ururkani waa: biriliyam (Be), magniisiyam (Mg), kaalsiyam (Ca), istorontiyam (Sr), baariyam (Ba) iyo radiyam (Ra).
birow
Weel yar oo bir ka samaysan; daasad.
birqaab
1. Bir laba qalbac oo gadaal ama dhexda iska haysta ah oo dhuxusha birta kulul iwm lagu qabto. 2. Summad ka kooban laba alif oo isweydaarsan oo xoolaha lagu dhigto. ld birqabad.
birqabad-dhalis
(daaw.) Alaab birqabatada qaabkeeda leh oo loogu talaggalay in takhaatiirtu wax ku qabato oo ku soo jiiddo. Noocyo kala duwan ayaa jira, midda ugu muhiimsan waa tan lagu dhaliyo ilmaha ayadoo madaxa looga qabanayo laguna soo jiidayo, dhibaatana aan la gaarsiin.
birqalax
/dh 1. Bir jajab ah oo duug ah oo aan waxtar lahayn. 2. Dad aan karti lahayn oo waxtarkooda yaryahay.
birre
1. Miiqyo dhuudhuuban, cawska fiidiisa ka baxa oo markay qallalaan wax mudi kara. 2. Qolofka badarka qaarkii sida bariiska ku rogan.
birri
1. Dhulka intiisa aan bad ahayn. 2. Dhul. ld berri¹.
birriyad
Dabayl dhanka birriga ka timaado oo dhanka badda u socota.
birsan
Nooc birta ka mid ah oo aad u adag birlab.
birshub
Qalab biraha lagu dhalaaliyo, qaabab kala duwanna u yeesho.
birshubid
Dhalaalinta iyo qaabeynta birta.
birsol
1. Neef xoolo ah oo la gowracay. 2. ld birsolid.
birsolid
ld birsol¹.
birxaar
1. Nooc biraha ka mid ah, aad u jilicsan oo si sahlan u jabta. 2. ld bir-ajuuraan.
birxarbi
1. Bir dhuuban oo dheer oo dhuunta buntukha lagu sifeeyo, wixi ku go'ana looga soo saaro.
bisabbisoo
U b.: wax la rabo in la sameeyo marmasiinyo u raadsasho. ld bisimbisoo.
bisabbisood
ld bisimbisood.
bisad
Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib kale,caano; dinnad; dummad; mukulaal, yaanyuuro; basho.
bisayl
1. Cunto dab lagu farsameeyey oo gaartay heerkii lagu cuni lahaa. 2. Miro iwm marka ay gaaraan heerkii lagu cuni ama la guran lahaa. 3. Waaya-aragnimo dheeraad ah oo la yeesho. 4. ld bislaan.
bishaaree
U b.: cid, war ay ku faraxdo u sheegid.
bishaaro
War wanaagsan oo farxad iyo reyn reyn leh. ld bishaarad, bushaarad, bushaaro.
bishiicsanaansho
/dh ld bashiicsanaan.
bishkil
Tigin ama qori yar oo wax ku shakarid, ku adkayn. ld bishil².
bishkilid
ld bishilid.
bisil
1. Cuno, wax heerkii lagu cuni lahaa gaarey ahaansho. 2. Miro iwm wax heerkii lagu cuni lahaa gaarey ahaansho. 3. Qof waaya-aragnimo dheeraad ah leh ahaansho.
bisin
Aayadda suuradaha quraanku ka wada bilawdaan, mid mooyaane oo ah Bismillaahir-raxmaanirraxiim.

