banqi
Ceel biyo badan. ld banqay.
bantar
1. B. ah: fal aan qiimo lahayn, kibir ku jiro oo cidi ku kacdo. 2. B. ah: hilib aad caato u ah oo aan la cuni karin.
baq
1. Caano xumaaday oo aan la dhammi karin. 2. ld biqid.
baqaal
Doonyaha safarrada dhaadheer gala tan ugu weyn oo qaadi karta kun jawaan iyo ka badan. ld baqaalad, baqlad.
baqabbeenlayn
baqabbeenlee. ld baqabeen, baqabeenle, baqabbeeno.
baqabbeenle
Baqe xeeldagaal ah oo cadow lagu dago. ld baqabbeenlayn.
baqabbeenlee
Baqabbeenle sameyn.
baqacarar
Orod dheer oo ay nafleydu sameeyso baqdin awgeed. ld baqacararid.
baqacararid
ld baqacarar¹.
baqal
1. Gammaan lab oo ay dameer iyo geenyo iska dhaleen. 2. ld bagal.
baqalye
Jaad ka mid ah haadda hilibcunka ah oo galleyrka u eg, lehna midab ciira ah lugahana u cas. ld baqalyo, baqaye.
baqas
Barwaaqo badan; baraare.
baqasho
ld baqe, baqo¹.
baqay
Dibi dhufaan ah oo shilis.
baqaynimo
Baqay ahaansho.
baqbaq
1. Xabag aan saafi ahayn oo jilif, duux iwm ku dhafanyihiin. 2. Dhegdhegga indhaha buka ama aan nadiifka ahayn yeeshaan; fiish, dhalxan. 3. Dalool yar oo ku yaal albaab, dariishad iwm.
baqbeeno
Subag iyo caano isku jira oo aan weli la kala miirin.
baqdhoos
Qof aan karti lahayn.
baqdin
Dareen geesinnimo la'aaneed oo xasillooni darro iyo welwel leh oo ku dhasha nafleyda marka ay dareento inay nafteeda halis ku jirto; cabsi.
baqe
Ka tegidda dad meel ay ku sugnaayeen baqdin awgeed. ld baqasho.
baqo
Ka b.: baqdin awgeed meel lagu sugnaa ka tegid; wax ka cabsasho.
baqool
Safar duhurkii la socdo; dhalandhool. ld baqoolid.
baqoole
Socodka duhurkii la socdo. ld baqoolid.
baqooli
Nafley, duhur socodsiin. ld baqoolsii, boqooli, boqoolsii.
baqoolid
ld baqool¹, baqoole, boqool¹, boqoole, boqoolid.
baqoolin
ld baqoolis, baqoolsiin, baqoolsiin, boqoolin, boqool
baqshad
Kiish yar oo xaashi ah, xabag lagu xiro afka ku leh, qaabab kala duwan leh oo warqadaha lagu xiro. ld boqshad, buqshad.
baqshadee
Wax baqshad dhex gelin (waraaq).
baqshiish
Hanti yar oo qof adeegay farxin ahaan loo siiyo.
baqti
1. Nafley iyadoon la birayn nafbaxday. 2. Nafley nafbaxday oo quruntay. ld bakhti¹.
baqti-afuuf
1. Diqsi waaweynoo aan laga waayin meesha baqti yaal. 2. B. ah: qof wax aan qiimo lahayn bunbuuniya. ld bakhti-afuuf¹.
baqti-afuufid
ld bakhti afuufid.
baqtifuul
Duqsi waaweyn, leh midab qurxoon oo buluug ama cagaar ah oo laga helo meelaha waxa qurmay yaaliin. ld bakhtifuul.
baqtiggowrac
Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iwm); baqtiwareen. ld bakhtiggowrac¹.
baqtii
1. Nafley, nafta ka goyn. 2. Nal, raadiye, dab iwm damin. 3. Nafley xannaano darreyn. 4. Xoolo, ugaar iwm oo nafbaxaya gawrici waayid. ld bakhtii, bakhtiiji, baqtiiji.
baqtiin
ld bakhtiijiin, bakhtiin, baqtiijiin, baqtiijis.
baqtijiid
Qof saqajaan ah oo aan waxba ka xishoon. ld bakhtijiid¹.
baqtijiidid
ld bakhtijiidid, bakhtijiidis, baqtijiidis.
baqtiquf
B. ah: qof aan ka xishoon in uu sheego waxyaabaha xun. ld bakhtiquf¹.
baqtiqufid
ld bakhtiqufid.
baqtiwareemid
ld bakhtiwareemid, baqtiwareen¹.
baqtiwareen
Baqtigowracid. ld bakhtiwareen².
baqtiyaanasiib
Ciyaar dadka ka qeyb gala intooda nasiibka leh wax ka helaan. ld bakhtiyaanasiib.
baqtiyid
ld bakhtiyid.
bar
Wax laba meelood oo is le'eg loo qaybshay, meeshood; nus. Tus. “Lacagta bar i sii”.
baraacuud
Baro badan oo isugu jira midabbo kala duwan.
baraakin
Nooc ka mid ah ruuxaanta dadka ku dhacdo.
baraako
Guri ka sameysan alwaax dushana jiingad kaga dedan tahay. ld baraakad.
baraale
B. leh: wax baro leh.
baraaley
B. leh: wax baro leh (dheddig).
baraamitir
(fiis.) Madoorsoome ama doorsoome kala saaraya xaalado gaar ahaaneed ee tibaax guud ee xisaabeed.
baraaq
Fadhi caajisnimo ku jirto oo in muddo ah si macnala'aan ah meel loo fadhiyo.
baraar
1. Naylo waaweyn oo aan dhibaato mudanayn haddii naaska hooyada ay waayaan. 2. Meesha markabka loogu xiro borosinka.
baraaraysan
Wax baraare ku jira ahaansho.
baraaraysnaan
ld baraaraysnaansho.
baraaraysnaansho
/dh ld baraaraysnaan.
baraare
Nolol barwaaqo, caafimaad iyo nabadgalyo leh. ld baraaro.
baraari
Cid baraare siin (Eebbe).
baraarin
ld baraaris.
baraarnimo
Baraar ahaansho (ido).
baraarshishi
1. Sabeen asooshay iyadoo aan gaarin da'dii ay ku rimi lahayd. 2. ld baraarshishiyid
baraarshishiyid
ld baraarshishi¹.
baraarug
1. Dareen iyo feejignaan dheeraad ah oo arrin loo yeesho. 2. Si aan caadi ahayn oo dhaqsi leh oo hurdo looga koco. ld baraarugid.
baraarugid
ld baraarug¹.
baraarugsan
Wax baraarugay ahaansho.
baraarugsanaan
ld baraarugsanaansho.
baraarugsanaansho
/dh ld baraarugsanaan.
baraaruji
1. Cid hurdo ka toosin. 2. Dareen iyo shucuur dad kicin.
baraarujin
ld baraarujis.
baraarujin-caafimaad
Habab qanciya dadka si loogu dhiirraggeliyo in ay ku dhaqmaan hab nololeed wanaajinaya caafimaadka kana fogaadaan caadooyinka loo haysto in ay caafimaadka wax u dhimayaan cimri nololeedka soo gaabinaya.
baraarujsanaan
Fikrado kasta, afkaar, dareen, rajooyin, ujeeddooyin, xusuus uu qofka ama dadka u leeyahay.
baraas
(kiim.) Nooc kasta oo ka mid ah birdhafyada kubram-sink oo ilaa 50% tahay sink. Marka xaddiga sink la kordhiyaba, midabka birdhafku wuxuu iskula beddelaa sidan: dahabi-cas oo noqda dahabi; ilaa laga gaadho caddaan-qalimeed. Baraasyada si fudud ayaa loo sameeyaa, si wacanna way ugu adkaystaan daxalaysiga.

