0

badbadin

m f dh

Eeg: badbadi

0

badbax

m l

Guuridda reero xagga badda u guuraan si ay uga samatabbaxaan dhibaatada dhuugga, baalka iwm.

0

badbeed

f g1 (-day, -dday)

Si toos ah wax uga hortagid.

0

badbeedid

m f dh

Eeg: badbeed

0

badbixid

m f dh

Eeg: badbax

0

baddal

m l

Eeg: beddelid

0

baddalaad

m dh

Eeg: beddelid

0

baddalan

f mg1 (-lmay, -lantay; -lmi)

Eeg: beddelan¹

0

baddalasho

m f dh

Eeg: beddelasho

0

baddalid

m dh

Eeg: beddelid

0

baddalmid

m dh

Eeg: beddelmid

0

baddalnaan

m dh

Eeg: beddelnaan

0

baddalnaansho

m l

/dh ld beddelnaan.

0

baddalo

f g

/f.mg3 (-ashay, -alatay) ld beddelo.

0

baddelo

xaaladda nolosha, mushaarada iyo lacagta.

0

badeecad

m dh (-do, m.l)

1. ld badeeco. Alaab loogu talagalay in laga ganacsado. 2. Jalxad dhuun dheer oo bir ah oo lagu nuugo qaaca ka dhasha tubaakada ay dhuxushu shiddo ee ku jirta saxanka afkeeda daboola.

0

badeeco

m dh (-ooyin, m.l)

(1).

0

badeel

m l

Eeg: badiil

0

badfur

m l (juqr.)

Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadidka baddu uu jiro ama uu furanyahay. Badda Carabta, waqtiga jilaalka ah oo ay dhacayso dabaysha mansuunta ee ka immaanaysa lid-gufaacada Sayberiya, kolkaas oo dabayluhu fududyihiin Badda Carabta dusheeda, taas oo u wanaagsan badmaaxidda gobolkaas. ld badfuran.

0

badfuran

m l

Eeg: badfur

0

badhan

m l (-amo, m.dh)

Shey yar oo caag, bir iwm ka samaysan, wareegsan xalleefsan daloollo leh oo dharka la gashado meelo gaar ah looga tolo si uu dacalladooda isugu qabto; galuus.

0

badhax

m l (-xyo, m.dh)

(baay.) Tafiirta ay waalidkood ugu yaraan hal astaan ku kala duwanyihiin.

0

badhaysi

m l

Wax tiradooda aad u badantahay qiimahooduna yaryahay.

0

badhe

m l (-dhayaal, m.l/dh)

(juqr.) Goobo la mala-awaalay oo taalla bartamaha labada cirif dhexdooda, waxaana sameeyay goobahaas sallax la dhex mariyay bartamaha goobahaasi isla markaas waa bartamaha dhulka, waa goobo weyn, wareeggeeduna waa kan ugu dheer ee dhulka; dhulbar.

0

badhi

m dh (-iyaal, m.l/dh)

(bot.) Xubin (dhir) qaybta dhulka ka hoosaysa ah, taas oo u suurta gelisa inuu noolaado xilli abuur ilaa xilliga ku xiga. Badhidu waa xiddo isbeddel ku dhacay oo jirrid gaaban oo ballaadhan leh. Tus. “Basal”.

0

badhiwale

m l (-ayaal, m.l/dh)

Qof shaqo hoosaadka xafiiska qabta; adeege.

0

badho

m dh

1. Neef caano yar; baaqimo; gabno. 2. Dhex, kalabar, bartame.

0

badi

m dh

1. Wax tirsama intooda badan. 2. (fk) Alaaba, sida qaliibka ah, inta badan, badanaa, guud ahaan.

0

badid

m dh

ld bidid.

0

badidhace

m l (xis.)

Walaxda ama qiimaha leh rakaadka ugu sarreeya ee daato.

0

badiil

m l (-llo, m.dh)

Qalab loo adeegsado carro qaadidda oo ka kooban bir yar ballaaran, godan iyo daab la qabsado. ld badeel.

0

badin

m f dh

Eeg: badiyid

0

badis

m l

Eeg: badiyid

0

badiyid

m f dh

ld badin, badis.

0

badmaax

m l (-xyo, m.dh)

Nin ka mid ah shaqaalaha maraakiibta ka shaqeeya.

0

badmar

m l (-rro, m.dh)

Qof safarro badeed oo badan ka qeybgalay. ld badmareen.

0

badmareen

m l

Eeg: badmar

0

badmarid

m dh

Safarka biyaha dushooda ama hawada dhexdeeda.

0

badnaan

m f dh

1. ld badnaansho, badni. eeg badan². 2. (fk) Ugu b.: ugu weyn, ugu sarraysa.

0

badnaansho

m l

/dh eeg badnow. ld badnaan (1).

0

badni

m dh

(1).

0

badnow

f mg3 (-naaday, -naatay)

Wax badan noqosho.

0

bado

f mg3 (-atay, -adatay)

Wax tiradooda kordhid.

0

badow

m l (badow /-wyo, m.dh)

1. Qof degaanka uu markaa joogo aqoon yar u leh. 2. Qof aan ilbax ahayn.

0

badownimo

m dh

Badow ahaansho.

0

badraan

m l

/dh (-nno, m.dh) Qof isla weyni iyo kibir badan.

0

badraannimo

m dh

Batraan ahaansho.

0

badrad

m dh (-do, m.l)

1. Kibir iyo aabi badan. 2. Saxan dheer oo bir ka samaysan oo rootiga lagu safo marka la dubayo.

0

badsad

m l

Eeg: badsasho

0

badsasho

m f dh

ld badsad, badsi.

0

badsi

m l

Eeg: badsasho

0

badso

f g3 (-saday, -satay)

1. Wax la haystay in kale oo la nooc ah ku darsasho. 2. Qof, qeybtiisii in ka badan qaadasho.

0

baduug

f g1 (-gay, -gtay)

Alaab aad u burburin. ld baduuji, baduuq.

0

baduugan

f mg1 (-gmay, -gantay; -gmi)

Wax la baduuqay noqosho. ld baduuqan¹.

0

baduugid

m f dh

ld baduugis, baduujin, baduujis, baduuqid, baduuqis.

0

baduugis

m dh

Eeg: baduugid

0

baduugmid

m f dh

ld baduuqmid.

0

baduugnaan

m f dh

ld baduugnaansho, baduuqnaan, baduuqnaansho.

0

baduugnaansho

m l

/dh ld baduugnaan.

0

baduuji

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: baduug

0

baduujin

m dh

Eeg: baduugid

0

baduujis

m l

Eeg: baduugid

0

baduuq

f g1 (-qay, -qtay)

Eeg: baduug

0

baduuqan

f mg1 (-qmay, -qantay; -qmi)

Eeg: baduugan¹

0

baduuqid

m dh

Eeg: baduugid

0

baduuqis

m dh

Eeg: baduugid

0

baduuqmid

m dh

Eeg: baduugmid

0

baduuqnaan

m dh

Eeg: baduugnaan

0

baduuqnaansho

m l

/dh ld baduugnaan.

0

badweyn

m dh

1. Biyo badeed badan, dhul aad u ballaaran ku fadhiya oo adduunka u kala qeybiya qaarado, sida Atlaantigga, Hindiya iwm. 2. Meel badda dhexdeeda ah oo xeebta ka fog.

0

badwi

m l (badwi/-iyo, m.dh)

Eeg: badow

0

badwiyad

m dh (-do, m.dh)

Haweeney, aan reer magaal ahayn, aan wax aqoonin.

0

badxidhan

m dh (juqr.)

Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadiidka baddu uu xiranyahay. Badda Carabta, xilliga xagaaga oo ay dhacayaan dabaylaha mansuunta waqooyi galbeed, waa marka dabaylaha xeeb-ku-jeedka ah ee ka immaanaya dhanka Soomaaliya ay ka dhigaan Badda Carabta mid duufaani ka dhacayso oo aan suurtaggelinayn badmaaxidda gobolkaas. ld badxir, badxiran.

0

badxir

m l

Xilliga baddu kacsantahay oo ayan dhoofi karin doonyaha shiraaca lihi. ld badxidhan.

0

badxiran

m l

Eeg: badxidhan

0

badyaro

m dh (-ooyin, m.l)

Bad yar oo badweynta ka so dillaacday oo berri fadhida; gacan.

0

baf

m dh sh r

B. dheh: cod lagu muujiyo wax si kedo ah lagu jebiyo.

0

bafto

m dh (-ooyin, m.l)

Dhar cudbi ka samaysan, aad u cad, fudud, quruxsan oo go'yo shaarar iwm laga tosho.

0

baga

e d

Waa ku fiican tahay! Istaahil!

0

bagaago

m dh (-ooyin, m.l)

Dhako.

0

bagaf

m l

1. Weel aan weyneyn, in yar godan oo aan wax badan qaadin. 2. Nooc warmaha ka mid ah oo af ballaaran oo badeelka u eg leh.

0

bagafsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax bagaf ah ahaansho.

0

bagafsanaan

m f dh

ld bagafsanaansho.

0

bagafsanaansho

m f dh

Eeg: bagafsanaan

0

bagagax

m dh sh r

Eeg: baf

0

bagagi

m dh kh

B. ah: basari; baali, areebo.

0

bagal

m l

Khudrad cagaar ah oo leh caleemo balballaaran iyo buruq dhuuban oo dheer oo la cuno. ld baqal¹ (2), begel.

0

bah

m dh (-ho, m.l)

1. Naago nin qabo middood iyo carruurteeda. 2. Isku b. ah: carruur hooyo keli ahi wada dhashay.

0

bąh

m dh (-ho, m.l)

Xiddigo dayaxu maro oo u dhexeeya xoor iyo faruuryo. ld baho.

0

bah-cadceed

m dh (-ho ..., m.l)

(c.fal) Koox walax cireeddo ah oo ka kooban qorraxda, meereyaasha, oo ku dul meeraysta, meereyareyaasha (plannetoid or asteroid), seefta cirka, shuhuubaha, cirka-soo-dhacaha iyo dayax gacmeeddada ku meeraysta meerayaasha, sida dayuxu dhulka ugu meeraysto.

0

bahaa'in

m l

Eeg: bahaahin

0

bahaahin

m l

1. (u) Xoolo la dhaqdo. 2. Qof aan caqli badan lahayn. ld bahaa'in, bahaayin.

0

bahaayin

m l

Eeg: bahaahin

0

bahal

m l (-llo /-lo, m.dh)

1. Nafleyda inta dadka iyo duunyada wax yeeleysa ama qaabkoodu cabsi geliya ee aan cayayaanka ahayn. 2. Wax. 3. B. ah: qof dilaa ah.

0

bahaldile

m l (-layaal, m.dh)

1. Nin qolo ama col wada oo ugu horreeya xagga geesinnimada iyo dagaalka. 2. Nin beel madax u ah. ld bahaldileen.

0

bahaldileen

m l (-nno, m.dh)

Eeg: bahaldile

0

bahalhiglo

m dh (bahalahiglo, m.l)

Bahal cagaardaaq ah oo koox koox u socda oo yeyda u eg aadse uga yar.

0

bahalhoosaad

m l u

Xamaaratada iyo cayayaanka intooda sunta leh ama qaabkooda laga cabsado ee habeenkii socda. ld bahalhoose.

0

bahalhoose

m l u

Eeg: bahalhoosaad

0

bahalnimo

m dh

Bahal ahaansho.