0

balqi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Hoore weel ka buuxa in yar ka daadin. 2. Is b.: wax suuxsan iska dhigid.

0

balqin

m f dh

Eeg: balqi

0

balqo

f mg3 (-qaday, -qatay)

Hoore weel ka buuxa in yar ka daadasho.

0

balwad

m dh (-do, m.l)

1. Caado xun, waxyeello leh oo aan si sahlan lagu dhaafi karin. 2. Balwo.

0

balwee

f mg2 (-eeyay, -eysay)

Balwo ku luuqeyn.

0

balweyn

m f dh

Eeg: balwee

0

balwid

m f dh

ąlow³. ld bąlow¹ (2).

0

balwo

m dh

1. Heeso hore oo lagu tumi jirey kaban, daf iyo foori. ld balwad (2), belwo.

0

balxad

m l

Eeg: balxasho

0

balxasho

m f dh

ld balxad.

0

balxo

f mg3 (-xaday, -xatay)

Cabbitaan laga dhergey ku noqnoqosho (dad); biyo badan, had iyo goor cabbid (xoolo); biyo durdurasho.

0

bambaani

f g2 (-iyay, -isay)

1. Cid si naxariis iyo xushmad leh u kaalmeyn. 2. Iska b.: cid, wax ay dhibsaneyso is ka ilaalin.

0

bambaanin

m f dh

Eeg: bambaani

0

bambaano

m dh (-ooyin, m.l)

Nooc hubka ka mid ah, qaabab kala duwan leh oo wax lagu qarxiyo marka la tuuro. ld bambo, banaano, bombo, bumbo.

0

bamban

m l (-nno, m.dh)

Nooc hubka ka mid ah oo leh lugo loo fidsho, xabbaduhuna ay darandoori uga dhacaan. ld babban.

0

bambas

m l (-syo, m.dh)

Eeg: dambas

0

bambasayn

m dh

Eeg: dambasayn

0

bambasee

f g2 (-seeyay, -seysay)

Eeg: dambasee

0

bambasoobid

m dh

Eeg: dambasoobid

0

bambasow

f mg1 (-ooway, -oowday)

Eeg: dambasow

0

bambax

m l

1. Isugu imaanshaha ay dad badan oo ujeeddo gaar ah lihi isugu yimaadaan meel fagaare ah. 2. ld bambixid.ld bannaambax¹.

0

bambiiro

m dh

1. Shey jilicsan, ramal ka sameysan oo midabbo iyo tooxyo kala duwan leh oo biyaha celiya. 2. Xarko dhudhuuban oo lacagta lagu rito oo ramal ka samaysan. 3. B. ah: kabo ramal ah oo roobka laga gashado. ld ambiiro.

0

bambixid

m f dh

ld bambax¹, bannaambax¹, bannaambixid.

0

bambo

m dh

Eeg: bambaano

0

bamgaree

f g2 (-reeyay, -reysay)

Meel bumbo la dhicid. ld bangaree, bongaree, bungaree.

0

bamgareyn

m f dh

ld bangareyn, bongareyn, bungareyn.

0

ban

m l (-nan, m.l)

Dhul bannaan oo aan dhir la hargalo lahayn.

0

banaadiiq

m dh w

ld banaatiiq.

0

banaag

m l

Dabaqad; nooc; koox ka kooban dad ama waxyaabo kale oo ay wadaagaan astaamo u gaar ah.

0

banaanadi

f g

/mg2 (-iyay, -isay) 1.(f.g) Qof nafley kale legdid. Tus. “Cali baa Xasan dibir ku banaanadiyey”. 2. (f.mg) Leegleegsasho.

0

banaanadin

m f dh

ld banaanadis.

0

banaanadis

m l

Eeg: banaanadin

0

banaatiiq

m dh u

ld banaadiiq.

0

banaaxi

f mg1

/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Lo' barwaaqo joogto ciyid. ld bunaaxi², bunnaahi².

0

banaaxin

m dh

Eeg: banaaxiyid

0

banaaxiyid

m f dh

ld banaaxi¹, banaaxin, bunaaxi¹, bunaaxin, bunaaxis

0

banaaxo

m dh

Cida ay lo'du sameyso kolkay barwaaqo joogto. ld bunaaxo, bunnaaho.

0

banbaano

m dh (-ooyin, m.l)

Eeg: bambaano

0

bandar

m l

Eeg: bender

0

bandhig

m l

1. Keenidda meel fagaare ah wax-soo-saar warshadeed, beereed, faneed iwm si loo daawado. 2. ld bandhigid.

0

bandhigan

f mg4 (-gnaa, -gnayd)

Wax la bandhigay ahaansho (alaab).

0

bandhigid

m f dh

ld bandhig¹ (2).

0

bandhignaan

m f dh

ld bandhignaansho.

0

bandhignaansho

m l

/dh ld bandhignaan.

0

bandiirad

m dh (-do, m.l)

Cad maro ah oo midabyo iyo qiyaas loo yaqaan leh oo astaan u ah qarannimada ummadeed; calan. ld bandiiro.

0

bandiiro

m dh

Eeg: bandiirad

0

bandoo

m l

Eeg: bandow

0

bandow

m l

Amar dowladeed oo ku xukumayo dad magaalo deggan inaanay isu socon waqti go'an nabadgalyo awgeed. ld bandoo.

0

banduul

m l

Meel doonyaha dhexdooda ku taal oo loo sameeyo inay biyuhu ku soo uruuraan si looga dhuro.

0

banfadhi

m l kh (-iyo, m.dh)

Eeg: danfadhi

0

banfariisad

m l

Eeg: danfariisasho

0

banfariisasho

m l

/dh ld danfariisasho.

0

banfariisi

m l

Eeg: danfariisi¹

0

banfariiso

f mg3 (-stay, -satay)

Eeg: danfariiso

0

bangalo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Guri dhul weyn ku fadhiya, si qurux badan u dhisan, baabuurta dhex geli karto oo dhiri ku tallaalantahay. 2. Dhismo hareeraha ka guran oo guryaha hortooda ama dushooda lagu dhiso oo lagu leersado.

0

bangaree

f g2 (-reeyay, -reysay)

Eeg: bamgaree

0

bangareyn

m dh

Eeg: bamgareyn

0

bangeeriyaad

m l (-dyo, m.dh)

Shuban ka yimaadda qofku marka uu dhimanayo.

0

bangi

m l (-iyo, m.dh)

Eeg: banki

0

banii-aadan

m l u

Dadka Eebehay dunida guudkeeda ku abuuray oo dhan. ld banii aadmi, benii-aadan, benii-aadmi, binii-aadan.

0

banii-aadannimo

m dh

Banii-aadan ahaansho. ld benii-aadannimo, binii-aadannimo.

0

banii-aadmi

m l u

Eeg: banii-aadan

0

banji

m l

Geedgaab iniinahiisa lagu sakhraamo oo leh caleemo balballaaran iyo miro kulkulucsan, waaweyn oo dusha qodxo jiljilicsan ku leh.

0

banji-bicaddaan

m l (-nno, m.dh)

Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu cayaaro dhinac ka cad, dhinaca kalena ku leh shan dhibcood. ld caddaan-bibiish.

0

banji-bidooh

m l (-hyo, m.dh)

Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu cayaaro dhinac labo dhibcood ku leh, dhinaca kalena ku leh shan dhibcood. ld dooh-bibanji.

0

banji-bijoohaar

m l (-rro, m.dh)

Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac afar dhibic ku leh, dhinaca kalena shan dhibic. ld joohaar-bibanji.

0

banji-bisaliim

m l

Eeg: saliim-bibanji

0

banji-bishiish

m l (-shyo, m.dh)

Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac shan dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld biish-bishiish, shiish-bibanji, shiish bibiish.

0

banji-biyeeg

m l (-gyo, m.dh)

Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro hal dhibic ku leh, dhinaca kalena shan ku leh. ld yeeg- bibiish.

0

banjiyad

m dh (-do, m.dh)

Dhagax dubnadeed oo labada wejiba ku leh, shan dhibcood. ld biishad.

0

banjoog

m dh u

Xayawaanka intiisa nacfiga leh ee aan dadka la noolayn; duurjoog.

0

banjoogoobid

m f dh

Eeg: banjoogow

0

banjoogow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Banjoog noqosho (xayawaan).

0

bankad

m dh (-yo, m.l/dh)

Nooc marwaxadaha gacanta lagu socodisiiyo ka mid ah oo tumaaluhu dabka ku huriyo.

0

bankarroor

m l kh

1. B. ah: qof fulannimo dheeraad ah ku sifoobay. 2. B. ah: cabsi badan oo cidi dareento.

0

bankarroori

f g2 (-iyay, -isay)

Cabsi badan cid ku abuurid.

0

bankarroorid

m f dh

Eeg: bankarroor²

0

bankarroorin

m f dh

Eeg: bankarroori

0

bankarroorsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax bankarroor ku dhacay ahaansho.

0

bankarroorsanaan

m dh

ld bankarroorsanaansho.

0

bankarroorsanaansho

m l

/dh ld bankarroorsanaan.

0

banki

m l (-iyo/bunuug, m.dh)

Maamul xafiisyo leh oo lacagta lagu keydiyo ama layska amaahiyo, fuliyana adeegyo maaliyadeed sida sarrifka lacagaha qalaad, xawaaladaha gudaha iyo dibadda iyo furidda ictimadyada. ld bangi.

0

banmar

m l

1. Cudur caaliriya candho neef markaa dhalay oo ka yimaadda nadaafaddarro. 2. ld banmarid.

0

banmari

f g2 (-iyay, -isay)

Neef markaa dhalay banmar ku ridid.

0

banmarid

m f dh

ld banmar¹ (2).

0

banmarin

m f dh

ld banmaris.

0

banmaris

m dh

Eeg: banmarin

0

bannaambax

m l

Eeg: bambax¹

0

bannaambixid

m dh

Eeg: bambixid

0

bannaan

m l

1. Dhul siman oo aan geedo iyo buuro lahayn; ban. 2. Meel xadeysan dhulka dibadda ka ah.

0

bannaan-fatah

m l (jool.)

Dhul siman oo webi saaran oo ka samaysmay tuullimaadyada xaabka webigu uu sido.

0

bannaanaan

m f dh

ld bannaanaansho.

0

bannaanaansho

m l

/dh eeg bannaanow. ld bannaan.

0

bannaanayn

m f dh

Eeg: bannayn

0

bannaanee

f g2 (-neeyay, -neysay)

Eeg: bannee

0

bannaanow

f mg3 (-naaday, -naatay)

1. Meel aan geedo iyo dhis midna lahayn; dhul siman oo aan geedo iyo buuro iyo boholo midna lahayn; ban. 2. Wax xalaal ah noqosho.

0

bannayn

m f dh

ld bannaanayn.

0

bannee

f g2 (-neeyay, -naysay)

1. Wax meel sida waddo, irrid iwm ku gudban ka wareejin. 2. Meel xadeysan wax ku jira ka saarid. 3. Meel geedo ku yaalin bannaan ka dhigid. 4. Wax samayntooda oggolaan (sharci).

0

bano

m dh

1. Dhaxan badan. 2. B. ah: meel dhaxan badan oo aan gabbaad lahayn.

0

banoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Candho neef markaa dhalay nadaafaddarro awgeed caalirid.