0

biicis

m l

/dh ld biicin.

0

biicmushtar

m l

; biicmushtarid.

0

biicmushtari

m l (-iyo, m.dh)

Qof badeeco gadiddeeda ama iibsashadeeda hawshiisu tahay; ganacsade. ld baayacmushtar¹ (2), baayacmushtari, beecmushtar¹.

0

biicmushtarid

m dh

ld baayacmushtar¹ (1), baayacmushtarid, beecmushtari

0

biicsad

m l

Eeg: biicsasho

0

biicsasho

m dh

ld beecsad, beecsasho, beecsi, biicsad, biicsi.

0

biicsi

m l

Eeg: beecsasho

0

biicso

f g3 (-saday, -satay)

Wax beec u raadsasho. ld beecso.

0

biid

m l

1. Wax aad u yar. 2. B. ah: xarrago badan oo dharkiisu hab gaar ah u tolanyahay (qof).

0

biif

f g1 (-fay, -ftay)

1. Badar, digir iwm oo la tumayo ama la shiiday biyo yar ku qoyn. 2. Caddayn, qurxin. biif-abaar

0

biif-abaar

m l

Badar biyo lagu bilbilay oo weli qallalan.

0

biifane

m l

Digir ama badar la dubay oo biyo lagu bilbilay.

0

biifayn

m f dh

Eeg: biifee

0

biifee

f g2 (-feeyay, -feysay)

Wax, wax aad u cad ka dhigid; qurxin.

0

biifid

m f dh

ld biif¹ (3).

0

biig

m l u

1. Warqadaha turubka inta u dhexeysa labaalaha ilaa shanlaha (ama tobanlaha). 2. Wax qiimo sidaa ah lahayn.

0

biijo

m dh

Cudur bushimaha ku dhaco oo caddeeyo; barraaqdo; dhaleeco.

0

biil

f g1 (-iilay, -iishay)

Kharash maalmeed cid bixin; masaruufid.

0

biilasho

m f dh

Eeg: biilo

0

biilid

m f dh

Eeg: biil²

0

biilo

f g3 (-iishay, -iilatay)

Lacag biil ka dhigasho; masruufasho.

0

biimayn

m f dh

Eeg: biimee

0

biime

m l

B. ah: qof wax cabsi leh ama meel aan nabadgelyadeedu sugnayn u bareera. ld biimo.

0

biimee

f g2 (-meeyay, -maysay)

1. Naf, hanti iwm biime ka dhigid. 2. Isku b.: meel cabsi leh ama nabaddeeda la hubin kas iyo ogaal ugu bareerid.

0

biimo

m dh

Eeg: biime

0

biin

m l (-nan, m.l)

1. Qodxo bir ah, noocyo kala duwan leh oo wax la iskula qabto. 2. Nooc ka mid ah gorgorka oo aad u dheereeya.

0

biinan

m l

1. Jirro maskaxeed qofka ka dhigta mid fudud oo aan dagganayn. 2. (w) eeg biin.

0

biindhayn

m f dh

Eeg: biindhee

0

biindhee

f g2 (-dheeyay, -dheysay)

Ciyaar turub, haad la degey fas yar saarid.

0

biindho

m dh (-ooyin, m.l)

Saaridda (ciyaar turub).

0

biiq

f mg1 (-qay, -qday)

1. Cabsi dareemid. 2. Macluul iyo tabardarro la kulmid.

0

biiqid

m f dh

Eeg: biiq²

0

biir

m dh

1. Neef sun ah oo ur gaar ah leh oo ceelasha aan muddo laga cabin marmar yeeshaan. 2. Wax aad u khamiiray. 3. Caano aad u dhanaan.

0

biire

m l (-rayaal, m.l/dh)

Nooc qalimada ka mid ah oo khad fadhida ku jirto.

0

biiri

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax si tiradoodu u badato uruurin. 2. Wax inta uu yahay wax kale oo la nooc ah ku kordhin.

0

biirid

m f dh

ld biiris².

0

biirin

m f dh

ld biiris¹.

0

biiriqaate

m l (-tayaal, m.l/dh)

Qof si xishood darro ah u qaata laaluush.

0

biiris

m l

Eeg: biirin

0

biirjeex

m l (-xyo, m.dh)

Qof aan dhibta ka waaban; qof firfircoon oo aan halista ka waaban. ld birjeex.

0

biirjeexnimo

m dh

Birjeex ahaansho (qof). ld birjeexnimo.

0

biiro

m dh

Cunto, lacag iwm oo in yarba meel laga keenay si loo siyo cid baahan.

0

biiroo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Wax biiri qabatay noqosho. Tus. “Cali waa biirooday”.

0

biiroobid

m f dh

Eeg: biirow

0

biirood

m f l

Eeg: biiroo

0

biirow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Wax biir leh noqosho (biyo, caano iwm).

0

biirqool

f g1 (-oolay, -ooshay)

Qof ceel biir leh gelaya si haddii uu biiroodo dhaqsi loogu soo baxsho, hab gaar ah xarig ugu xirxirid.

0

biirqoolan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Qof la biirqoolay ahaansho.

0

biirqoolid

m f dh

Eeg: biirqool²

0

biirqoolnaan

m f dh

ld biirqoolnaansho.

0

biirqoolnaansho

m l

/dh ld biirqoolnaan.

0

biirsad

m l

Eeg: biirsasho

0

biirsamid

m f dh

Eeg: biirsan¹

0

biirsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax biiray ahaansho.

0

biirsanaan

m f dh

ld biirsanaansho.

0

biirsanaansho

m l

/dh ld biirsanaan.

0

biirsasho

m f dh

ld biirsad, biirsi.

0

biirsi

m l

Eeg: biirsasho

0

biirso

f g3 (-saday, -satay)

Wax la kaydinayo hadba in ku kordhisasho.

0

biish-bicaddaan

m l (-nno, m.dh)

bibiish.

0

biish-bidooh

m l (-hyo, m.dh)

bibanji.

0

biish-bijoohaar

m l (-rro, m.dh)

bibanji.

0

biish-bijoohar

m l

Eeg: joohar-bibanji

0

biish-bisaliim

m l (-mo, m.dh)

bibanji.

0

biish-bishiish

m l (-sho, m.dh)

bibanji.

0

biish-biyeeg

m l (-gyo, m.dh)

Eeg: yeeg-bibiish

0

biishad

m dh (-do, m.dh)

Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min shan dhibcood ku leh. ld banjiyad.

0

biitaysad

m l

Eeg: biitaysasho

0

biitaysasho

m f dh

ld biitaysad, biitaysi.

0

biitaysi

m l

Guuguun. ld biitaysasho.

0

biitayso

f mg3 (-saday, -satay)

Biito ciyaarid.

0

biito

m dh

Ciyaar-carruureed fadhiga lagu dheelo, oo inta lugaha la fidiyo, wax la tiriyo oo qofka ay tiradaasi ku dhammaato lugihiisa mid laabo; guunguun.

0

biixi

m dh (-xyo, m.l)

1. Lafaha dhaardheer oo ad'adag oo naflayda middooda. 2. Qayb laf ah. 3. B. ah: qof caato ah ee aad xoog u leh.

0

biixiweyn

m dh (-nno, m.dh)

(c.nafl.) Lafdhabarleyda berriga ku nool, addimadooda dambe (kubka), labadiisa lafood tan weyn.

0

bijaamo

m dh (-ooyin, m.l)

Isku joog ka kooban surwaal iyo shaati ka samaysan dhar jilicsan oo la gashado marka la seexanayo.

0

bikaac

m dh sh r

Cod lagu muujiyo bikaacsashada; b. dheh; b. ka sii.

0

bikaaco

m dh (-ooyin, m.l)

(fiis.) Walax kasta oo ileys mootiye ah, lehna hal dhinac oo xoodan ama labada dhinacba xoodan. Bikaacada waxa lagu tilmaansadaa nooca dulaheeda ama raadka duluhu ku leeyihiin dhud ileys.

0

bikaacsad

m l

Eeg: bikaacsasho

0

bikaacsasho

m f dh

ld bikaacsad, bikaacsi.

0

bikaacsi

m l

Eeg: bikaacsasho

0

bikaacso

f g3 (-saday, -satay)

Kala qaadid, kala qabasho (il iwm).

0

bikil

f g1 (-ilay, -ishay)

Weel inta uu qaado ku shubid.

0

bikilan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Weel wax la bikilay ahaansho.

0

bikilid

m f dh

Eeg: bikil²

0

bikilmid

m f dh

Eeg: bikilan¹

0

bikilnaan

m f dh

ld bikilnaansho.

0

bikilnaansho

m l

/dh ld bikilnaan.

0

bikrad

m dh (-do, m.l)

Inan gabarnimadeeda qabta oo aan weli rag la gogolgelin; cadrad.

0

bikrajebi

f g2 (-iyay, -isay)

Gabar cadradnimada ka bi'in.

0

bikrajebin

m f dh

ld bikrajebis.

0

bikrajebis

m l

Eeg: bikrajebin

0

bil

m dh (-lo, m.l)

1. Laba iyo tobanka qaybood ee sanadka middood oo ah sagaal iyo labaatan ama soddon beri. 2. Marka dayaxu aanu dhammays ahayn. 3. Calaamad qaab dayax billow ah u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. Bisha cas: urur caalami ah, oo dalal islaanku maalgeliyaan oo u qeybsan daryeelka ama samafalka dadka oo ay astaan u tahay dayax billaw ah oo cas.

0

bila-yaro

m dh

Uuryaro.

0

bilaaban

f mg1 (-bmay, -bantay; -bmi)

1. Wax la bilaabay noqosho. 2. Waqti xaddidan qaybtiisa hore gelid. ld billaaban.

0

bilaabasho

m f dh

ld billaabasho.

0

bilaabid

m f dh

ld billaabid.

0

bilaabmid

m f dh

ld billaabmid.

0

bilaabo

f mg3 (-lowday, -laabatay)

Bilaw yeelasho; abuurmid; curasho. ld billaabo.

0

bilaale

m l (-layaal, m.l/dh)

Koob yar oo sida badan dhoob ka samaysan oo lagu cabbo bunka.

0

bilaash

m l

1. Wax aan waxtar la ahayn. 2. Wax shuruud la'aan ama lacag la'aan lagu helo.