balambal
1. (balambal, m.dh) Geed gaab dhirta daawada leh ka mid ah oo leh caleemo balballaaran, miro yaryar oo kuuskuusan iyo laamo jilicsan oo jabi og; geed-jinni. 2. ld balaambalid.
balambam
Summad: Pb. Curiye cufan oo bir jilicsan ah, midabkiisuna yahay boor furan. Waa curiyaha shanaad ee ururka IV ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa uu ku jiraa macdan kala duwan, hasayeeshee, waxyar ayaa dhaqaale ahaan waxtar leh. Kuwa ugu muhumsani wa a galiina (Pbs), angalisayt (Pbso), litaraj (Pbo), iyo siirusayt (PbCO ).
balanqo
Goodir dheddig.
balaq
1. Cad yar oo hilib ah oo aan waxtar lahayn. 2. Cad hilib ah oo meel ka lusha. 3. Afka b. ha igu siin: ha ila hadlin!
balaqow
Wax balaq ah noqosho (hilib).
balaqsan
Wax balaq ah ahaansho.
balaqsanaan
ld balaqsanaansho.
balaqsanaansho
/dh ld balaqsanaan.
balaqsasho
ld balaqso, balaqsi.
balaqso
Carrabka wax ku cabbid (eyga iwm).
balashi
Diyaafad ama martiqaad weyn oo marti sharaf loo sameeyo.
balaslee
Si aan degganeyn u socosho (haween).
balbal
Cabsi la gariirid.
balbalee
Wax, balbalo u yeelid.
balbalo
1. Meel dhisan oo kor ka dadan, dhinacyadana ka furan oo wax lagu iibsado. 2. Dhismo yar oo la harsado oo guriga hortiisa lagu dhiso. ld balanbalo.
baldaaq
Xilliga beeraha laga goosto miraha oo ku beegan dhammaadka guga ama dayrta, oo xoolaha lagu daayo balka.
baldhoole
Caws dhaadheer, caleemo adag leh oo xooluhu daaqaan raradana laga sameysto oo ka baxa meelaha biyo qabatinka leh.
balfi
Ul ama waran iwm oo la soo riday ama tumaati ah iska weecin.
bąlfi
Ilmo, biyo iwm diidid (xoolo). ld bąlaf².
balfid
ąlfin.
balfin
ld balfis.
bąlfin
ąlfi. ld balfid, bąlfis.
bąlfis
ąlfin.
balki
fk. Halqabsi ahaan, tusaale ahaan, bilmesel.
ballaa
Indha la'.
ballaaran
1. Wax ballac weyn leh ahaansho. 2. Wax waasac ah ahaansho (dhul, weel iwm).
ballaarasho
ld ballaarnaan.
ballaari
1. Wax, wax ballac leh ka dhigid. 2. Wax, wax waasac ah ka dhigid.
ballaarin
Isqaad joometiriyeed ee soo saara humaag ka weyn (ka yar haddii iskeelka la qaatay uu ka yaryahay 1). Haseyeeshe u eg, qaabka asalka ah (eegisqaad). Sida kale waa weynayn iyo yareyn shaxan joometari.
ballaarnaan
ld ballaarnaansho.
ballaarnaansho
/dh ld ballaarnaan.
ballaaro
Wax ballaaran noqosho.
ballaarsasho
ld ballaarsad, ballaarsi.
ballaarso
1. Dhul iwm cabbirkooda kordhisasho. 2. Wax ballaciisa weyneysasho.
ballaas
Nooc ka mid ah noocyada ashuumada waaweyn.
ballac
Wax jir leh saddexdiisa cabbir (dherer, ballac, qoddo) midkood. ld ballaar.
ballad
Hees hawleed la qaado marka xargaha iyo shabaagta la samaynayo.
ballami
Cid, ballan u dhigid.
ballamid
ld ballan¹.
ballan
1. Arrin laba qof ama ka badan meel marinteeda ku heshiyaan in ay meel mariyaan. 2. Nooc bariidka waaweyn ka mid ah, oo macaan. 3. Neef indhaha beelay.
ballanbaaji
Cid, ballan ay dhigtay ka maqnaan.
ballanbaajin
ld ballanbaajis.
ballandaran
Wax aan ballan lahayn ahaansho (qof).
ballandarnaan
ld ballandarnaansho, ballandarri, ballandarro.
ballandarnaansho
/dh ld ballandarnaan.
ballandhigasho
ld ballandhigad.
ballandhigo
Qof ballan la dhigasho, la yeelasho.
ballanfur
Ka bixidda ballan horey loo dhigtay. ld ballanfurid.
ballanfurid
ld ballanfur¹, ballabfuryo.
ballanqaad
1. Caddeynta cidi bixiso ee ay ku shaqeyso in ay ballan meel marineyso. 2. Warqad rasmi ah oo cidi ku caddeynayso gudidda qiimaha waxa la soo dalbaday. ld ballangaal¹.
ballanqaadid
ld ballangelid, ballanqaadis.
ballansan
Wax ballan loo dhigay ahaansho.
ballansanaan
ld ballansanaansho.
ballansanaansho
/dh ld ballansanaan.
ballaq
1. Albaab, dariishad iwm wada furid. 2. Arrin wax ka qabashadeeda cid u dhigid. Tus. “Maxamed arrinti wuxuu u ballaqay maxkamadda”.
ballaqan
Wax wada furan noqosho (albaab, dariishad iwm).
ballaqnaan
ld ballaqnaansho.
ballaqnaansho
/dh ld ballaqnaan.
ballayn
ld ballaysimo, ballaysin, billayn, billaysimo, billay
ballee
Ilmo markaa dhashay booqashadiisa ugu horrayn (dhaqankuna wuxuu qabaa in ilmahaas dabeecaddiisu ay u ekaato midda qofkaas hore). ld billee.
balli
Biyo fariisin dabiici ah, yara godan oo roobku biyeeyo.
balliqid
ld ballaq¹, ballaqid.
balool
Dhul xaaluf ah oo aad loo degay.
balooley
Jaad ka mid ah ciyaaraha saarka.
baloolley
1. Gabar yar oo markaas timihii loo reebay oo aan weli inan noqon. 2. Hal igar ah oo mar oggolato in caanaha laga liso marna diiddo.
balow
B. dheh: baw dheh.
bąlow
1. Cod dheer oo lo'da, geela, dadka iwm sameeyaan marka ay la kulmaan dareen ay dhibsanayaan. 2. ld balwid.
balqami
Nafley, balqan ka keenid.
balqamin
ld balqamis.
balqan
Xab jiidma oo laabta ka soo go'a oo afka ka yimaada marka la cadayo.
balqan-keene
(daaw.) Dawo badinaysa sii deynta calyada ee neefmareennada taaso sahleysa qufaca. Waxaana lagu daraa dawooyinka qufaca; waxayna ka falgashaa kordhinta sii deynta dhuumaha neefta, wayna jilcisaa xaakada.

