Qaamuuska Asalka
baal
(-lal, m.l/dh)MagacLafdheeri
Macnaha
1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
Erayo la-mid ah
baalal1. Dad daawanaya cayaarta xayaadka. 2. (w) eeg baal¹.baalalleyXasharaad yaryar oo baalal leh sida badan waqtiga roobka la …baalash1. Rinji midabbo badan leh oo gasacado yaryar ku jira oo kab…baalashKabo luujito marin. ld baalashee.baalashidld baalasheyn.baalbaalMacmacaan ka samaysan bur, sonkor iyo ukun oo sida baalka oo…baalcadWaxaro abab ah.baalcad1. Qaloon loogu talagalay in alla bari lagu samaysto; salool…

