Qaamuuska Asalka
bax
(-xay, -xday; -bixi)Falmg1
Macnaha
1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iwm). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iwm). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.
Erayo la-mid ah
baxaalliHab la dhaqanka dad ee qof leeyahay.baxaarNin saaxir ah oo ku nool hilada webiyada oo loo aqoonsanyaha…baxar1. Bad. 2. Dhibaato weyn. 3. Kuul yaryar cadcad oo haweenku …baxarsaafGeed weyn, laamo dhaadheer iyo caleemo dhuudhuuban oo midab …baxdowFaras aad u dheereya oo aan fardaha la mid ahayn ee ka baxsa…baxdownnimoBaxdow ahaansho (faras). ld baxdoynnimo.baxnaanDabeecad.baxnaani1. Wax sida ay ku dambeynayaan ka dhursugid. 2. Ilaalin (qof…

