Qaamuuska Asalka
bixi
(-iyay, -isay)Falg2
Macnaha
1. Wax meel uu joogay ama yaallay ka saarid. 2. Wax sida musmaar qodax iwm meel uu ku mudnaa ka siibid. 3. Wax halis ka badbaadin. 4. Qof, wax uu hayey cid kale siin. 5. Dab iwm shidid. 6. Magac u b.: nafley, meel iwm magacsiin. 7. Wax u b.: qof dhintay wardi ama sadaqa u hibayn. 8. Isu b.: wax kala qoqoban isufurid. 10. Isu b.: laba qof tartansiin. 11. Kala b.: kala saar. ld bixi.
Erayo la-mid ah
Erayga Manta
marganWax margaday ahaansho (nafley). ld mergan.
