Words starting with 'S'
3,161 Somali words beginning with 'S' — page 22 of 32.
shummo
Calaamad dhibic ah; joogsi. ld shumme.
shunuuf
Suuqadda dumarku quruxda u qaato waxyaalaha laga lulo oo lagu qurxiyo.
shuqee
1. Ul afkeed iwm wax ku mudmudid. 2. Badar si ishu uga baxdo aayar kal ku tumid.
shuqlan
Wax la shuqliyey ahaansho. ld shuqloon.
shuqlanaan
ld shuqlanaansho, shuqloonaan, shuqloo-naansho.
shuqlanaansho
/dh ld shuqlanaan.
shuqli
Cid hawl gelin.
shuqloonaansho
/dh ld shuqlanaan.
shuqul
Shaqo; hawl.
shurbad
Meseggo, qamadi iwm oo la budeeyey si biyo-biyo ahna loo kariyey oo badanaa soonka lagu afuro; mushaalli.
shurbadee
Meseg-go, qamadi iwm shurbad ka dhigid.
shurgi
Qof ishiisa laga baqayo hanti yar siin si ishiisa looga badbaado.
shurgin
ld shurgis.
shurug
1. Wax la sharaysto. 2. Sh. ah: qof la sharaysto.
shuruglow
Qof la baasaysto oo la aaminsanyahay in uu balaayo wato.
shuruud
1. Ballan hore loo dhigtay. 2. Qodob muhiim ah in la fuliyo. 3. (w) eeg sharad 1 (2).
shuruudla'aan
Shardi ku xirnaan la'aan.
shushub
1. Dabaadiga guga xilli roob aad u badani ka da'o gobollada koonfureed gaar ahaan jubbooyinka. 2. Shulshul. 3. Sh. ah: cadar, saliid iwm oo waxyaabo la isku dardaray ka kooban.
shushuban
Qof wax xubnihiisu isu dheeli tiranyihiin ahaansho.
shushubi
Maro, daah iwm shushub u yeelid.
shushubin
ld shu-shubis.
shushubnaan
ld shu-shubnaansho.
shushubnaansho
/dh ld shuhsubnaan.
shushubo
1. Hoore weel ku gedgeddisasho. 2. Maro shushub u yeelasho.
shushubsan
maro, daah iwm wax shushub loo yeelay ahaansho.
shushubsanaan
ld shushubnsanaansho.
shushubsanaansho
/dh ld shushub-sanaan.
shushubsasho
ld shushubsad.
shushubso
Maro, daah iwm shushub u yeelasho.
shuuci
Qof raacsan madba'a shuuciyadda.
shuuciyad
Hab dhaqan-dhaqaale oo qalabka wax soo saarka ay dawladdu gacanta ku hayso. ld shuyuuciyad.
shuuf
Wax ama qof ilaalin ama fiirin.
shuun
Timo ka soo baxa gumaarka dadka; bisqin; bisqan.
shuunley
Gumaarka dadka.
shuuq
1. Awr, abeeso iwm cod aan qeexnayn bushimaha oo is haysta ka soo saarid. 2. Wax weynaa yaraansho.
shuuqsasho
ld shuuqsi.
shuuqshuuq
Kadafka qaarkiis oo raxa-raxan u socda. ld shuushuunle, shuuq-shuuqle.
shuuqso
Quwaax la calalinayo dhacaan ka nuugid.
shuur
Dhul dhir badan leh oo jiq ah; cayn.
shuuran
Badar wax biyo laga shuuray ahaansho.
shuuri
Kibir iyo isla weyni la aamusid.
shuurin
ld shuuris.
shuurnaan
ld shuur-naansho.
shuurnaansho
/dh ld shuurnaan.
shuuro
Soor galley ama meseggo oo si gaar ah loo kariyey.
shuush
1. Cudur. 2. Xumaan uurka la isugu hayo; uurkutaallo.
shuushaami
1. Xoolo si gaar ah oo lexejeclo iyo turidi ku jirto u wadid. 2. Wax si gaar u xannaanayn. ld shuushi.
shuushaamin
ldshuushaamis, shuushin.
shuushuu
Hadal cid gaar ah wax looga sheegayo oo hoos ahaan laysugu gudbiyo.
shuushuule
Sh. ah: qof xan badan oo dadka hoos ka dicaayadeeya.
shuushuulee
Shuushuu fidin.
shuushuuleyn
ld shuushuuleys.
shuux
Roob aan tabar lahayn oo dhibco yaryar.
shux
Duxda ka baxda shay dufan leh marka qorraxda la dhigo.
shuxlee
Si xarrago ku jirto u socosho.
si
1. Sah lagu suganyahay ama la yahay. 2. Hab; han-naan. 3. Tilmaan ama tayo wax leeyihiin. ld sida, sidaan, sidaas, sidii, sikasta, siwalba.
sibbaaq
Rinji dharka la geliyo.
sibbaaqan
Dhar iwm wax midab loo yeelay ahaansho.
sibbaaqnaan
ld sib-baaqnaansho.
sibbaaqnaansho
/dh ld sibbaaqnaan.
sibbaaqo
Dhar iwm midab u yeelasho.
sibbaar
Cid daryeelid; cid taakulayn.
sibbi
1. Silsillad dahab ah. 2. Kuul leh midab ka kooban dhibicyo madow iyo caddaan ah oo haweenku qoorta ku xirtaan.
sibiib
/dh ld sabiib.
sibiibix
S. ah: meel kor siman ama qoyan oo lagu simbiriirixanayo.
sibiibixasho
ld sibiibixo¹ (2).
sibiibixi
Wax meel siman ama qoyan ku taraarixin.

