0

s

m dh

Xarafka siddeed iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.

0

saa

¹ fk. 1. Armaa, billaa, sow. 2. Sida tan.

0

saa'id

m l

Eeg: saayid¹

0

saa'idcalayn

m f dh

Eeg: saayidcalayn

0

saa'idcalee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Eeg: saayidcalee

0

saab

m l (-bab, m.l)

1. Qalab ka samaysan xididdo, maqaar, laamo yaryar oo weelasha qaarkood lagu rido laguna qaado. 2. Oogada qaarkeeda sare, inta ka samay-san isku qoofalka feeraha, lafdhabarta iyo lafsakaarta oo wadnaha iyo sambabbadu ku dhex jiraan. 3. Taliye.

0

saabaan

m l w

Alaabta guryaha la dhigto oo ay ka mid yihiin kuraasta, miisadaha, sariiraha iwm oo lagu dhaqmo. ld saa-maan.

0

saaban

f mg4 (-bnaa, -bnayd)

Wax saab leh ahaansho. ld saabsan.

0

saabasho

m f dh

ld saabsasho.

0

saabbilaash

m l

Saab weyn oo alaabta lagu rito.

0

saabbir

m l kh

S. ah: cayr fara maran.

0

saabbuun

m dh

Xayr iyo maadooyin kale oo la isku kariyey, adke laga dhigay oo dharka iyo jirka lagu mayrto, biyahana ku milma. ld saabuun.

0

saabbuuncadar

m dh

Saabbuun udgoon oo lagu mayrto.

0

saabbuunee

f g2 (-neeyay, -neysay)

Dhar saabbun ku dhaqid.

0

saabbuuneyn

m f dh

Eeg: saabbuunee

0

saabbuunmadow

m dh

Saabbuun dharka lagu dhaqdo oo leh midab madow buluug xigeen ah.

0

saabbuunmaris

m l

Saabbuunta noocyada dharka lagu dhaqo.

0

saabcaarayn

m f dh

Eeg: saabcaaree

0

saabcaaree

f g2 (-reeyay, -raysay)

Wax qaabka xuubka caarada leh samayn.

0

saabcaaro

m l

/dh (-ooyin, m.l) 1. Xuubka caarada. 2. Dunta xuubka caarada oo dharka lagu kor tolo si loogu qurxiyo.

0

saabi

f g2 (-iyay, -isay)

Weel saab u yeelid.

0

saabid

m f dh

Eeg: saab²

0

saabil

f g1 (-ilay, -ishay)

1. Cayaarta (turubka) dabaka-eriga ran yaryar hor marin si uu ranka waaweyni u soo haro. 2. Cid qayaamo wax ugu qaadid.

0

saabilid

m f dh

Eeg: saabil

0

saabin

m f dh

ld saabis.

0

saabis

m l

Eeg: saabin

0

saabley

m dh (-yo, m.l)

Jirka dadka inta xudunta ka korreysa luquntana ka hoosaysa.

0

saabnaan

m f dh

ld saab-naansho, saabsanaan, saabsanaansho

0

saabnaansho

m l

/dh ld saabnaan.

0

saabo

f g3 (-btay, -batay)

Cudur, gaajo, roob iwm berrin wada gaarid. ld saabso.

0

saabsan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax saab loo yeelay ahaansho. 2. Ku s.: arrin iwm wax la xiriira ahaansho. 3. ld saaban.

0

saabsanaan

m f dh

ld saabsanaansho, saabnaan, saabnaansho

0

saabsanaansho

m l

/dh ld saabsanaan.

0

saabsasho

m dh

Eeg: saabasho

0

saabso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: saabo

0

saabuun

m l

/dh (-nno, m.dh) (kiim.) Iskudhisyada naatriyam ama kaaliyam ay la sameeyaan nooc asiidhada orgaanikada ah; kuwaas oo badanaaba lagu isticmaalo in ay hagaajiso astaanta dhiqidda ee biyaha. ld saabbuun.

0

saabuunayn

m dh

Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh.

0

saac

m l

1. Maalinta oo afar iyo labaatan meelood loo qaybiyey meesheed; saacad. 2. Uraad; urshi.

0

saacad

m dh (-do, m.l)

1. Qalab waqtiga lagu cabbiro oo leh meel wareegsan oo lambaro ku yaalliin iyo laba irbadood oo kala dheer oo mid saacadda muujiso midda kalena daqiiqadaha muujiso. 2. Maalinta oo 24 meelood loo qaybiyey meesheed. 3. Wakhti. saacaddiya m.dh Neef si xoog leh loo soo saaro marka la qaadayo qasiiddada digriga.

0

saaci

f mg2 (-iyay, -isay)

Wax soo socda saadaalin.

0

saacid

f g1 (-day, -dday)

Cid u kaalmayn.

0

saacidid

m f dh

Eeg: saacid

0

saacin

m f dh

Eeg: saaci

0

saad

m dh

Sii sheegidda la sii sheego wax dhici doona.

0

sąad

m l

1. Geed weyn oo looxaan adag leh oo wax lagu dhisto, alaab qurux badanna laga samaysto. 2. Cunto safarka loo qaato; sahay. 3. Xarun ciidamada looga maamulo huga iyo raashinka. ld saaj.

0

saadaal

m dh

1. Astaamo iyo calaamado muujinaya wax dhici doona. 2. Malaynta wax dhici doona la maleeyo; odoros.

0

saadaal-cudur

m dh (daaw.)

Saadaasha socodka cudurka iyo xaaladda mustaqbalka ee bukaanka iyadoo la tixraacayo aqoonta socodka cudurka oo horay loo lahaa, lana tixgelinayo caafi-maadka guud ee bukaanka, da'da iyo jin-siga bukaanka.

0

saadaali

f g2 (-iyay, isay)

Wax aan weli dhicin inay dhici doonaan sii sheegid.

0

saadaalin

m f dh

Eeg: saadaali

0

saadari

m l (-iyo, m.dh)

Doonta labadeeda cayaari ee hore xargahooda.

0

saaddambe

fk. Maalinta berri iyo saakuun u dhexeysa.

0

saaddo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Xabadka. 2. Garanbiyoole.

0

saadi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax dhici doona sii sheegid.

0

saadin

m f dh

ld saadis.

0

saadis

m l

Eeg: saadin

0

saado

m dh

Dhibaato qof aanay hayn saadsasho.

0

sąado

m dh kh

S. ah: dad sharaf leh.

0

saadsad

m l

Eeg: saadsasho

0

saadsasho

m f dh

ld saadsad, saadsi.

0

saadsi

m l

Eeg: saadsasho

0

saadso

f g3 (-saday, -satay)

Wax siraadsasho; saraadasha; wax xun isu saa-din.

0

saaf

m l

1. S. ah: hilib jiir ah oo la balballaariyey oo subag ama saliid lagu shiilay lana kaydiyey. 2. ld saafid.

0

saafan

m dh

Nooc kalluun ka mid ah.

0

saafi

m l

1. S. ah: wax nadiif ah oo aan wasaqi ku jirin. Tus. “ Cali wuxuu keenay malab

0

saafid

m f dh

ld saaf¹ (2).

0

saafid-kolorimitrieed

m dh (fiis.)

Saafid xaddiyeed oo lagu cabbiro ribnaanta milmeyaasha midabaysan iyada oo la kaashanayo itaalka midabka. Milanka la hubinayo waxa loo eegaa milanno ribnaantooda la yaqaano.

0

saafid-tireed

m dh

1. (xis.) Barashada habab xisaabin ee leh seebid. 2. (xis.) Barashada tabaha seebidda ee loo isticmaalo aritmatig marka la furfurayo mas'alooyin xisaabeed.

0

saafinnimo

m dh

Saafi ahaansho.

0

saafir

f mg1 (-ray, -rtay)

Meel safar u aadid.

0

saafirid

m f dh

Eeg: saafir

0

saafnaan

m f dh

ld saafnaansho.

0

saafnaansho

m l

/dh ld saafnaan.

0

saagooti

m l

1. Sii ambabixinta cid meel aadaysa la sii ambabixiyo. 2. ld saagoo-tiyid.

0

saagootiyid

m f dh

ld saagooti¹, sagooti¹, sagootiyid.

0

saagsaagad

m dh (-do, m.l)

Naag hawsha u googoysa.

0

saahid

m l (-diin, m.dh)

Qof cabsida Ilaah u go'ay.

0

saahidid

m f dh

Eeg: saahid²

0

saaj

m l

ąad.

0

saajac

m l kh (-cyo, m.dh)

S. ah: qof dhiiran oo aan cabsan; geesi.

0

saajacnimo

m dh

Saajac ahaansho.

0

saajin

m l (-nno, m.dh)

Askari derejediisu saddax alif tahay.

0

saaka

fk. Maalinta la joogo subaxeeda. ld saakay.

0

saakay

fk. ld saaka.

0

saakuun

fk. Maalinta saaddambe xigta.

0

saalaweyneeye

m l (-nayaal, m.l/dh)

Geed caleemo waaweyn oo xoolaha qaarkood daaqaan.

0

saalaxweetee

f mg2 (-teeyay, -teysay)

Badeeco aan badnayn hadba meel la tegid.

0

saalaxweeteyn

m f dh

Eeg: saalaxweetee

0

saalaxweeto

m dh

1. Ganacsato yaryar oo aalaaba wareegta ama aan lahayn rug loogu soo hagaago. 2. Hab loo ganacsado badeeco iyadoo aan lacagteeda la bixinb lala wareego. 3. Hab ganacsi ah oo ba-deeco yaryar habda meel wareejiyo.

0

saalimo

m dh

Midab madow oo ay iduhu ku yeeshaan barida ama agagaarka sabiisha.

0

saalimow

m l

Hangool yar oo gadaal farraarro dhawr ah ku leh oo madow, loona subko oo suufiyada qaarkood qaataan.

0

saalo

m dh

Saxaro kuuskuusan oo geela, ariga iyo ugaarta qaarkeed dhigaan.

0

saaloo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Geel, ari iyo ugaarta qaarkeed saalo dhigid.

0

saalood

m f l

Eeg: saloo

0

saam

m l

Kaltanka heeganka.

0

saamaan

m l

Eeg: saabaan

0

saamaggade

m l (-dayaal, m.l/dh)

Cayayaan yaryar oo lugo badan leh iyo midab caddaan xigeen ah oo tiro badan u wada socda.

0

saamajiid

m l

Si caajis iyo itaaldarro ku jirto oo loo socdo.

0

saamajiidid

m f dh

Eeg: saamajiid

0

saamax

m l

Dhaafidda laga dhaafo dembi ama deyn cid qabtay. ld saamaxaad.

0

saamaxaad

m dh

Eeg: saamax¹