sakeysasho
ld sakeysad, sakeysi, sekeysad, sekeysasho, sekeysi.
sakeyso
Seko urursa-sho. ld sekeyso.
sakhraami
Cid sakhraan ka dhigid.
sakhraamin
ld sakhraamis.
sakhraan
Qof khamro ka dhergey oo sakhradi hayso oo aan ogayn waxa uu samaynayo. ld sarqaan.
sakhraannimo
Sakhraan ahaansho.
sakhraansan
Qof wax sakhradi hayso noqosho. ld sakhradeysan.
sakhraansanaan
ld sakhraansanaansho, sakhradeysnaan.
sakhraansanaansho
/dh ld sakhraan-sanaan.
sakhrad
Miyir la'aanta ku dhacda qof khamro ka dhergey.
sakhradeysnaansho
/dh ld sakhraas-naan.
sakiin
Bir yar oo xalleefsan labada dhinacna af ku leh oo timaha lagu xiiro. ld sikiin.
sakiino
Nooc ka mid ah siyaabaha turubka loo ciyaaro.
sakiiro
1. Iin lugaha dadka gasha oo jilbaha isu soo dhoweysa. 2. Nabar ka dhasha shafka iyo jeeniga geelu markay is xoqaan. ld sakiir, sikiir, sikiiro.
sako
1. Saddaqo maalka iyo xoolaha ku waajibta oo sanad walba laga bixiyo. 2. Bilaha dayaxa oo muslinku tirsado, bisha ugu horreysa oo xoolaha saddaqo ku waajibta laga bixiyo dago. ld seko.
sal
1. Jirrid, gun. 2. Marka la fadhiyo meesha dhulka la dhigo, bari.
sal-habdhis-tirooyin
Sal tiro.
sal-jibbaar
(xis.) Tirada jibbaarkeedu tusinaayo inta jeer ee tiradaasi la isku dhuftay. Tusaale ahaan 2(4), 2 waa salka, 4-tuna waa jibbaarka.
sal-kadhaban
Dhibaato qof ku timaadda oo ku dhalisa welwel iyo walaac gayeysiisana inuu ka tago meeshii uu joogay.
sal-logardam
Tirada jibbaarkeedu la midka yahay logardamka tirada. Haddii logardamka x ee sal b (loo qoro logb x) yahay y, marka; b y = x . Salka logardamka caadiga ah waa 10.
sal-tiro
(xis.) Baaxadda kooxda tirinta loo adeegsado. Habdhiska tobanle salku waa toban. Astirooyinka la adeegsado waa “0”, 1, 2, 3, 4, ,5 ,6, 7, iyo 9 oo loo kooxeeyo toban koowaad, toban tobnaad iwm. Habdhiska labaale salku waa labo. Astirooyinka la adeegsado waa “0” iyo 1.
salaad
1. Subixii aroorta hore. 2. (-do, m.l) Baryo ka kooban wax afka laga akhriyo iyo addimada laga falo oo waqti la yaqaan muslinku oogaan; tukasho.
salaaf
Dabeecad fudayd ku jiro oo badanaa keenta in la sameeyo falal aan laga fiirsan.
salaama
Erey duco ah oo ka dhigan: “nabad gal!”; nabaaddiino. ld salaamad.
salaamaco
Geed dhererkiisu dhexdhexaad yahay oo laamo jiljilicsan oo aan jebin iyo qodax yaryar leh. ld saleelmac.
salaan
1. Ereyo laysu jeediyo ama gacanta oo si gaar ah laysugu taago marka laysu yimaad ama la kala tegayo, iyadoo laysu muujinayo kalgacal. 2. Bartanka wejiga fardaha, lo'da iwm.
salaatulqasri
Salaadda oo la soo gaabiyo waqtiyada lagu jiro safarrada dhaadheer oo aan la istaageyn. ld sallaatulqasri.
salaax
1. Wax wanaagsan. 2. Sacabka oo si dabacsan wax loo kor mariyo. 3. Dhismo dhammaaday oo dusha laga simay. 4. S. ah: dhulbeereed aan geedo lahayn oo muddo la beerayey.
salaaxan
Wax la salaaxay ahaansho.
salaaxnaan
ld salaax-naansho.
salaaxnaansho
/dh ld salaaxnaan.
salab
Qalabka lagu dagaallamo; hub.
salabee
1. Cid hubayn. 2 Wax xaaqid. 3. Wax galayn.
salabo
Nooc xaaqimada ka mid ah oo madaxiisu ulo dhuudhuuban ka samaysan yahay.
salal
Naxdin iyo argagax hurdada lagala soo boodo. ld selel¹.
salali
Qof hurda selel ku ridid. ld seleli.
salalid
ld selelid.
salalin
ld selelin.
salalsanaansho
/dh ld selelsanaan.
salammadle
Shimbir Afrika ku nool oo aad u xoog badan, luqun iyo lugo dhaadheerna leh oo dusha ka madow hoostana ka cad oo cunaha hoos-tisa ku leh kiish dheer oo uu cuntada ku kaydsado. ld shalammadle.
salaw
Qaylo iyo buuq dhiillo leh.
salax
1. Dhul goof noqday. 2. Dhul siman oo sisib ah.
salayn
ld salays.
salaysan
Ku s.: wax, wax kale ku tiirsan ahaansho.
salaysnaan
ld salays-naansho.
salaysnaansho
/dh ld salaysnaan.
salbuko
Nooc digirta ka mid ah oo yaryar midab cagaaranna leh.
saldanab
Summad: Q. Astaan ay leeyihiin saxarro saleedyada oo sababta in xoogag ka dhex dhashaan. Elektaroonku waxa uu leeyahay saldanab taban, borotoonkuna saldanab togan.
saldano
1. Awood xukun. 2. Boqor-tooyo. ld saldanad.
saldhig
1. Aasaas. 2. Meel ciidan xarun u ah. 3. Rug ciidan ay ku leeyihiin dal aan kooda ahayn. 4. Maamul booliis oo heer degmo ah.
salee
1. Ku s.: wax sal u yeelid. 2. Arrin xaqiiqdeeda sugid.
saleelmac
Geedgaab leh caleemo jiljilicsan oo aan jebin iyo qodxo yaryar. ld salaamaco.
salfar
Curiye kiimiko ah oo summaddiisu tahay (S) atamka culays-kiisuna yahay 16 oo midab hurdi ah leh oo macdanta ama dhagxaanta karkarin looga miiro waxyaalo badanna lagu qabsado.sallax-barafeed
salfiyuurik-asiidh
(H2SO4) Hoor saliidda u eg oo midablaawe ah, laguna diyaariyo habka kulanka.
salfudaansho
/dh ld salfududaan.
salfudayd
Dabeecad salfudayd iyo samir la'aan leh. ld salfududaan.
salfudud
Qof wuxuu samaynayo aan ka fiirsan ahaansho.
salfududaan
ld sal-fudayd, salfududaansho.
salfududaansho
/dh ld salfududaan.
salgaar
Ka s.: arrin iwm xaqiiqdeeda ka jiba gaarid.
salgan
Dhaqdhaqaaq badan oo aan loo baahnayn oo nafleydu samayso.
salguur
Ciribtirmidda wax ciribtirmaan.
saliib
Istillaab kirishtaanka summad u ah.
saliibiyiin
Ciidamadii masiixiga ahaa oo soo weerarey baytulmaqdis, Suuriya iyo meelo Falastiin ka mid ah, qarnigii kow iyo tobnaad ilaa qarnigii saddex iyo tobnaad.
saliid
1. Hoore dufan ah oo miraha dhirta qaarkeed laga miiro raashinkana lagu iidaanto. 2. Hoore layiig ah, isku qasan oo idarokarbuuri ah oo ka dhasha isbedello, ka yimid haraayo orgaaniko ah oo tiro badan, dhulka hoostiisa muddo dheer ku biirsamay oo marka la sifeeyo loo isticmaalo iftiinsasho iyo shidaal. ld seriir.
saliidee
1. Wax saliid ku darid. 2. Wax saliid marin.
saliideyn
ld saliideys.
saliifad
Weel yar oo qori ah oo biyaha looga dhuro.
saliilyo
Dareen jiriirico leh oo jirka ku fida marka ilkaha ciid iwm gaaraan.
saliilyoo
Saliilyo dareemid.
saliim-bibanji
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac saddex dhibcood ku leh, dhinaca kalena shan. ld banji-bisaliim, biish-bisaliim, saliim-bibiish.
saliim-bijoohaar
Dhagaxdubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac saddex dhibcood ku leh, dhinaca kalena afar.ld joohaar-bisaliim.
saliim-bishiish
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac saddex dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld shiish-bisaliim.

