Words starting with 'S'
3,161 Somali words beginning with 'S' — page 17 of 32.
sharaf
/dh Magac; xurmo; haybad; maamuus.
sharafdhac
Maamuus xumo qof gaarta.
sharafjab
Cid maamuus jebid.
sharafjebi
Cid sharafteeda wax u dhimid.
sharaq
Biro laysku garaaco oo muusiko ahaan loo adeegsado ciyaaraha qarkood; yaambooyin.
shararraax
Sh. ah: wax midab isku dhafan leh.
sharatamid
ld shartan¹(2), shiratan¹, shiratamid.
sharatan
1. Sharad la isu dhigto. 2. ld sharatamid. ld shiratan¹.
sharax
1. Macnaynta wax la macneeyo. 2. Qurxinta wax la qurxiyo. 3. Cayaar daf, durbaan, sacab iyo jiib leh oo ragga iyo dumarku wada cayaaraan.
sharaysasho
ld sharay-sad, sharaysi.
sharayso
Wax inuu baas leeyahay u qaadasho.
sharbad
Wax la cabbo oo laysku qarasfalo.
sharbeed
Hoore layiig ah, macaan, midabbo kala duwan oo inta biyo lagu qaso la cabbo.
sharci
1. Axkaam-ta diinta islaamka; shareeco. 2. Xeerar dawladdu samayso oo dadka lagu xakumo.
sharcidarro
Wax sharciga khilaafsan oo lagu kaco.
sharcidejin
Samaynta sharci la sa-meeyo.
sharciyayn
ld sharciyays.
sharciyee
Wax ku dhaqmiddiisa sharci ka dhigid.
sharciyeed
1. (qaan.) Waxaa loo isticmaalaa in lagu sifeeyo waxyaabaha la xiriira sharciga, aqoonta sharciga, ama isticmaalada sharciga. 2. (qaan.) Ficil ama xaalad sharciyeysan uu sharcigu oggolaa-day ama ansixiyey.
shardan
Wax la sharday ahaansho.
shardanaan
ld sharda-naansho.
shardanaansho
/dh ld shardanaan.
shardi
(xis.) Hawraar ama weedh M oo lo baahanyahay in ay run noqoto si hawrar kale N ay u noqoto run. Haddii M ay tahay xaalad lagama maarmaan ah, markaa N ma noqon karto run M la'aanteed. Haddii M ay tahay xaalad kaafi ah markaa; markasta oo ay M noqoto run Nna waa run. Dhanka kale run ma noqon karto. Tusaale ahaan, haddii afar geesle uu noqon karo laydi waa in uu raaliggeliyaa xaaladaha lagama marmaan-ka ah in laba ka mid ah dhinacyada afar geesluhu ay yihiin barbaro, haseyeeshe, kani ma aha xaalad kaafiya ah, xaaladaha kaafiga ah ee afar geesle in uu yahay qardhaas waa in ay dhammaan dhinacyada afar geesluhu yihiin 5 cm., haseyeeshe kani ama xalaad lagama maarmaan ah. in laydi uu yahay labajibbaarane waa in uu raaliggeliyaa xaalad dhererka dhinacya-diisa in ay isle'egyihiin. Sida kale haddi M ay tahay xaalad lagama maarmaan ee N -> M, haddii M ay tahay xaalad kaafi ah markaa M -> N. Haddii M ay tahay xaalad lagama maarmaan ah iyo xaalad kaafi ah ee N markaa M N.
shareeco
Axkaamta diinta islaamka.
shareer
1. Wax, wax kale lagu qariyo. 2. Sh. ah: meel hawd ah oo dhir badan oo aan la dhex mari karin. 3. Wax dheer sida buuraha, geedaha, dhis-mooyinka iwm meesha ugu sarraysa.
shareeran
1. Wax la qariyey noqosho. 2. Wax la awday noqosho.
shareernaan
ld shareernaansho.
shareernaansho
/dh ld shareernaan.shataarid
shareero
(muus.) Qalab muusikada lagu tumo oo xargo yaryar oo silig ah leh oo sida kitaaradda looga dhawaajiyo.
shariif
1. Qof ka soo jeeda faracii Faadumo Rasuul. 2. Qof suubban oo asluub wanaagsan.
shariifnimo
Shariif ahansho.
shariig
Qof jiritaanka Alle cid kale la wadaajiyey.
shariignimo
Shariig ahaansho.
shariikyeel
U sh.: Cibaadada Eebbe ruux kale la wadaajin. ld shariigyeel.
shariikyeelid
ld shariigyeelid.
shariir
Baruur subaggii laga shiilay. ld sharriir.
sharmuuto
Naag jirkeeda ka ganacsata; dhillo; qaxbo.
sharoobo
Daawo qasan oo afka laga cabbo. ld shiroobo.
sharookh
Nooc aragoostaga ka mid ah.
sharqantirasho
ld sharqantirad.
sharqantiro
Si aan sharqan loo dhalin aayar u socosho.
sharrax
1. Alaabooyin yaryar oo guryaha lagu qurxiyo. 2. (-xyo, m.dh) Qori lagu celiyo shukaanta markabka.
sharraxaad
Qurxinta meel lagu qurxiyo nalal, dhar, qalab iwm. ld sharra-xid.
sharraxan
1. Meel wax qalab lagu qurxiyey ahaansho. 2. Cid doorasho u magacaaban ahaansho.
sharraxid
ld sharra-xaad, sharrixid.
sharraxnaan
ld shar-raxnaansho.
sharraxnaansho
/dh ld sharraxnaan.
sharrib
Jarrib; tijaabo; holis; baxnaanis. ld shirrab¹.
sharribaad
1. Isku dayidda la isku dayo wax samayntooda. 2. Tijaabinta wax la tijaabiyo. ld sharribid.
sharriban
Wax la sharribay noqosho. ld shirraban¹.
sharribasho
ld shirrabasho.
sharribid
ld sharribaad, shirrabaad, shirrabid.
sharribmid
ld shir-rabmid.
sharribnaan
ld sharribnaansho, shirrabnaan, shirrab-naansho.
sharribnaansho
/dh ld sharribnaan.
sharribo
Wax waxtar-kiisa, kartidiisa iwm hubsasho. ld shir-rabo.
sharrif
Cid xushmayn.
sharuur
Iniino bun oo subag ama saliid lagu dubo oo korka la marsado lana cuno.
sharxid
ld sharaxid, sharixid.
shataar
Sh. ah: qof arrimihiisa ganacsi fulin og oo xeelad iyo baraarugsanaan daran wax ku meel marsada. ld shitaar¹.
shataarad
1. Naag arrimaheeda ganacsi fulin og oo xirrib (xeelad) iyo baraarugsanaan daran ku meel-marsata. 2. Xirribta iyo baraarugsanaanta arrimaha ganacsi iwm lagumeel-mariyo. ld shitaa-rad.
shataarid
ld shitaarid.
shati
Dukumenti dawladeed oo sharciyeeya ganacsi.
shaw-maddoonto
Nooc ka mid ah mariidka oo si degdeg ah neefka u dila, baadigoobkiisana aan loo dheeraan.
shawaal
/dh Bilaha dayaxa oo muslinku tirsado tooda tobnaad oo u dhexeysa soonqaad iyo sidataal; soonfur.
shawl
1. Cabbitaan la siiyo qof aad u jirran oo sakaraad ah. 2. Ceel meel dhagax ah ku yaal oo af dhuuban. 3. ld shawlid. ld kawl¹.
shawlax
Ciid dhagxaan yaryar leh oo bulukeetiga laga sameeyo. ld shawlaxo.
shawlid
ld kawl¹, kawlid, shawl¹.

