saayiraad
1. Macaamil wanaagsan, wax isdhaafsi leh oo cid dhexmara. 2. ld saayirid.
saayirid
ld saayiraad.
saaykoolojiyadda
Barasho cilmiyeed oo kusaabsan dhimirka (maan-ka) bani-adaamka iyo qaabka dabeecada dadka.
sab
1. Qolo raacatada soomaliyeed u liidi jirtay dawla'aan. 2. Cunto badan oo allabbari loogu talaggalay; dayaafad.
sabaad
Dhaashi udgoon oo timaha la marsado oo laga sameeyo dhacaan ka yimaad qanjirrada mukulaal sabaadda.
sabaal
Raalligelinta nafley wax lagu raalligeliyo.
sabaali
Wax sasabid.
sabaan
Waqti; wąa; jeer. ld samaan¹.
sabaayad
Kimis balballaaran oo si gaar ah looga dubo bur; burkaaki jabbaati.
sabab
Wax dhacay waxa keenay.
sabad
Agagaarka guriga, xerada iwm.
sabansabdho
1. Geed weyn, xoog badan oo wax lagu dhiso. 2. Wax yar oo nafley lagu sasabo sandareerto.
sabar
1. Dulqaad. 2. (-rro, m.dh) Jirka dadka, qaarka sare iyo qaarka dambe inta u dhexeysa; moxog. 3.(-rro, m.dh) Buur salkeed. ld sabbur¹, sabir (2), samir¹.
sabarad
Tib bir ah oo dhinac fiiqan leh oo ceelasha iyo dhulka adag lagu qodo.
sabbaad
Kasoobax halis ah.
sabbaar
Hadiyad qof axsaan laga filayo la siiyo.
sabbaax
1. Ciid cad oo nadiif ah oo xeebaha badda laga helo. 2. S. ah: qof araggiisa la karahsado.
sabbaaxad
S. ah: naag araggeeda laga naxo oo la karahsado.
sabbakh
Asal dharka lagu midabeeyo.
sabbakhan
Dhar wax midab loo yeelay ahaansho.
sabbakhnaan
ld sab-bakhnaansho.
sabbakhnaansho
/dh ld sabbakhnaan.
sabbatee
Cayaar turub hal mar wada helid.
sabbato
Turub la ciyaaro oo qof hal mar wada helo.
sabbayn
ld sabbays.
sabbee
Biyo, hawo iwm dul heehaabid.
sabbur
samir¹.
sabbuux
Sanadka islaamka bishiisa toddoobaad; rajab.
sabci
Sacabbo isla dhicid. ld sacbi.
sabcin
ld sabcis, sacbin, sacbis.
sabeen
Neef ido ah oo dheddig oo aan weli curan. ld subeen.
sabeenxir
Raali gelinta qof gef lagu sameeyo la raali geliyo. ld subeenxir¹
sabeenxirid
ld su-beenxirid.
sabiib
/dh Miro canab oo la qallajiyey. ld sibiib.
sabiil
Xubinta taranka ee xoolaha dheddig. ld samiil.
sabir
1. Xanuunka iyo dhibaatada oo loo adkaysto; samir. 2. ld sabar¹.
sabo
1. Dabayl kulul oo xagaaga dhacda. 2. (-ooyin, m.l) Dhul kooban oo ceel ama guri ku wareegsan heelad.
sabool
S. ah: qof aad u xoolo yar.
saboolid
ld sabooloobid.
saboolnimo
Sabool ahaansho.
sabri
Cid inay samirto gayeysiin. ld samri.
sabrid
ld sabburid, samrid.
sabrin
ld samrin.
sabsaab
Qof aad u caqli yar oo aan waxba lagu aamini karin sawaab.
sabti
Maalinta jimcada iyo axadda u dhexeysa.
sabtiye
Qayb ciidamadii fashiistaha ka mid ahayd oo soomaaliya ka jirtey.
sabuubo
Khatar; halis. ld sabuuro.
sabuul
Dalagga firiga xubinta iniinaha badarku ku yaallaan.
sabuur
Kutubkii loo soo dejiyey nabi Daa'uud.
sabuurad
Loox ballaaran oo afar gees ah, badanaa midab leh oo jeeso wax lagula qoro.
sac
Neef lo' ah, dheddig oo curtay.
sacab
1. Gacanta dhankeeda hoose iyo faraha. 2. Sacabbada oo layskusaddexaad dhufto. 3. Cayaar jaan iyo sacab leh oo habeenkii la cayaaro.
sacabbee
Sacabbada wax ku qaadid.
sacabsasho
egg sacabso.
sacabsato
Gabar yar oo dibadda ariga ku maasha.
sacabso
1. Ilmo markaa dhashay xab ka dhuuqid. 2. Neef sacab-bada ku maalid.
sacabtun
1. Calaacalaha isku dhufasho. 2. Sacab cayaarid.
sacaf
Timir lafahii iyo gobortii laga gu-ray oo la cajimay.
sacfaraan
Budo hurdi ah oo wax lagu midabeeyo, waxna lagu daweeyo.
saciim
Qof wanagsan oo deeq iyo dabeecadba leh.
saciira
Naar ka mid ah toddobada naarood.
saco
1. Koox xiddigo ah, cadcad oo ku yaal lixaha iyo cadaadda agtooda, meel aan diillincaanoodda ka fogayn. 2. Koox lo' ah.
sacoobaan
Kalluun dusha ka cagaaran oo badda ku nool. ld socoobaan.
sacsac
Qof sirqannimo awgeed aad u caqli yareeyey.
sacsacan
Qof sirqannimo awgeed aad u caqli yareyey noqosho.
sacsacnaan
ld sacsac-naansho.
sacsacnaansho
/dh ld sacsacnaan.
sactar
1. Geed yar, udgoon oo ubaxiisa wax lagu daaweeyo, cuntadana lagu darsado. 2. Sagxad weyn oo alaabta culus maraakiibta looga soo qaado ama loogu geeyo oo matoor jiido.
sad
Qaddar daawo ah oo si taxadar leh loo qiyaasay takhtar u qoray in markiiba bukaan.
sadaado
Jiiraggo'; daal.

