0

saliim-biyeeg

m l (-gyo, m.dh)

Eeg: yeeg-bisaliim

0

saliimad

m dh

Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min saddex dhibcood ku leh.

0

saljigle

m l (-layaal, m.l/dh)

Eeg: barijugle

0

saljugle

m l (-layaal, m.l/dh)

Salka oo loo dhaco.

0

sallaaddo

m dh (-ooyin, m.l)

Waran yar oo lagu dagaalo.

0

sallaan

m l (-aamo, m.dh)

Jaranjaro.

0

sallaatulqasri

m l

Eeg: salaatulqasri

0

sallad

m l kh

S. ah: qof dhibaatadiisu joogto tahay.

0

salladan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

Ku s.: wax, wax kale dhibaato joogto ah ku sameeya ahaansho. ld sallidan.

0

salladid

m f dh

ld sallidid.

0

salladnaan

m f dh

ld salad-naansho.

0

salladnaansho

m l

/dh ld salladnaan.

0

sallax

m l (-xyo, m.dh)

Dhagax fidsan oo siib ah.

0

sallax-barafeed

m l (juqr.)

Cuf ballaaran oo baraf ah oo daboola dhulal ballaaran ee ku dhaca cirifyada; sallaxa barafka dushiisu sida badan waa simanyahay. Baraf gogollada Giriinland iyo Antaartika waa kuwa keliya o waaweyn oo imminka jira.

0

sallaxaad

m dh

1. (-dyo, m.l) Diyaarinta wax sidii la rabay loo diyaariyo si hawl loogu qabsado. 2. ld sallixid.

0

salleelli

m l

1. Qof nacas ah oo aad u garasho yar naacoo. 2. S. ah: wan ama orgi la xiniinyo baxshay ama la tumay.

0

salleellinimo

m dh

Salleelli ahaansho (qof). ld saleelnimo.

0

salleelnimo

m dh

Eeg: salleellinimo

0

salli

m l (-iyo, m.dh)

1. Duco gaar ah oo Muslimiintu Nabiga ugu duceeyaan. 2. Gogol yar oo lagu tukada. 3. Derin yar.

0

sallid

m l

Ibtilo.

0

sallidan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

Eeg: salladan

0

sallidid

m f dh

Eeg: sallid²

0

sallikaroon

m dh (-nno, m.dh)

Derin yar oo in yar ka weyn salliga oo lagu fariisto laguna tukado.

0

sallim

f g1 (-imay, -intay; -imi)

Wax dhiibid. ld sellim.

0

sallimid

m f dh

ld sellimid.

0

sallin

m dh

Eeg: salliyid

0

sallixid

m f dh

Eeg: sallax²

0

salliyid

m f dh

Eeg: salli²

0

sallo

m dh (-ooyin, m.l)

Rako fidsan.

0

saloobid

m f dh

Eeg: salow¹

0

saloog

f g1 (-gay, -gtay)

Xarig iwm isku soohid.

0

saloogan

f mg1 (-gmay, -gantay; -gmi)

Xarig iwm wax isku marmay noqosho. 2. Nafley caato noqosho.

0

saloogid

m f dh

ld saloog¹ (3).

0

saloogmid

m f dh

Eeg: saloogan¹

0

saloognaan

m f dh

ld saloog-naansho.

0

saloognaansho

m l

/dh ld saloognaan.

0

salool

m l

1. Hilib odkac ah oo subaggii laga miiray. 2. Badar, raran kulul ama dufan lagu dubay.

0

saloolad

m l

Eeg: saloolasho

0

saloolasho

m f dh

ld saloolad.

0

saloolid

m f dh

egg salool².

0

saloolo

f g3 (-ooshay, -oolatay)

1. Badar raran ama dufan ku dubasho. 2. Ariga iyo ugaarta qaarkeed, si ay u daaqaan jeenyaha geed ku qabsasho.

0

salooto

m dh (-ooyin, m.l)

1. Qolka fadhiga. 2. Qalabka lagu fariisto ee qolka fadhiga la dhigo.

0

salow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

1. Wax aasaas leh noqosho. 2. Wax la xaqiijiyey noqosho.

0

salsal

m l

Hees awrta loogu heeso.

0

salsalid

m f dh

Eeg: salasal²

0

saluug

m l

Qawadidda qof wax la siiyey ka qawado.

0

saluugid

m f dh

ld saluugmo.

0

saluugmo

m dh

Qawadidda wax laga qawado. ld saluugud.

0

saluugsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Cid wax la siiyey ka qawadday ahaansho.

0

saluugsanaan

m f dh

ld saluugsanaansho.

0

saluugsanaansho

m l

/dh ld saluugsanaan.

0

salwi

f g2 (-iyay, -isay)

Nafley salaw ku ridid.

0

salwid

m f dh

Eeg: salaw²

0

salwin

m f dh

Eeg: salwi

0

salwo

m dh

Nooc cayaarihii hore ka mid ah (batar).

0

salxaale

m l (xis.)

Shaxan adke ah oo ku soohdimaysan dulo (wejiyo) leh qaab geesoole. Barta ah halka ay iska gooyaan saddex ama wax ka badan oo dulo (wejiyo) ah oo ku yaalla salxaale waxa la yiraahdaa gees, xarriiqda ah halka ay iska gooyan labada wejinna waxa lagu magacaabaa geftin. Salxaalaha simman dhammaan wejiyada waa geesoole simman oo isku sargo'an.

0

salxanyo

m l

Eeg: salxo

0

salxo

m l

Wejiga korkiisa, labada meelood oo kor u jiidan oo aan timaha lahayn ee foodda labadeeda dhinac ku taal. ld salxanyo.

0

samaacad

m dh (-do, m.l)

Qalab tamarta danab u beddesha tamar jabaq. Waa qaybta ugu dambeysa ee inoo fududeysa maqalkasambuuq² wararka idaacadaha, telefoonnada iwm. Samaacaddu waxaay qabataa shaqo lid ku ah ta maykarafoonku qabto, waxana ay awood u leedahay in baahinta codka kordhiso, gaarsiisana meelo fog. eeg maykarafoon.

0

samaan

m f dh

ld samaansho, sami, samo¹.

0

samaansho

m l

/dh eeg samow. ld samaan².

0

samaanyo

m l

/dh (Waayadii hore) xoolo wiilka dhasha laga bixiyo oo la siiyo dad gaar ah (yibir, caadaqaate).

0

samad

m dh

Suun dun ka samaysan, ballaaran oo haweenku dhexda ku xirtaan.

0

samaddoon

m l (-nno, m.dh)

Nin beel madax u ah.

0

samadiid

m l

Qof xumokatalis ah.

0

samadiidnimo

m dh

Samadiid ahaansho.

0

samafal

m l

Wanaag iyo taageero cid loo sameeyo.

0

samafale

m l (-layaal, m.l/dh)

Qof wax wanaagsan sameeya.

0

samafalid

m f dh

Eeg: samafal³

0

samalaha

m dh (-hayaal, m.l/dh)

1. Xilliga xagaaga waqti roobab badani ka da'aan Galbeed (Karan). 2. Xilli roobaad. ld samaloho.

0

samaloho

m dh (-hayaal, m.l/dh)

Eeg: samalaha

0

saman

m l (-nno, m.dh)

Wąa, jeer, goor. ld saben, semen.

0

samar

f mg1 (-mray, -martay)

Eeg: sabar²

0

samatabbax

m l

Ka nabad gelidda halis iyo cabsi laga nabad galo. ld sabatabbax¹.

0

samatabbixi

f g2 (-iyay, -isay)

Cid halis ah ka badbaadin. ld sabatabbixi.

0

samatabbixid

m f dh

ld sabatabbixid.

0

samatabbixin

m f dh

ld sabatabixin.

0

samawade

m l (-dayaal, m.l/dh)

Qof wanaagga iyo samaanta jecel oo bulshada dhexdeeda ku baahiya.

0

samay

m dh

Eeg: samayo

0

samayn

m f dh

ld samays.

0

samayo

m dh (-ooyin, ml.)

1. Usha waranka. 2. Ul dheer oo toosan. ld samay.

0

samays

m l (-syo, m.dh)

1. Nooc dermooyin-ka ka mid ah. 2. ld samayn¹.

0

samaysad

m l

Eeg: samaysasho

0

samaysan

f mg1 (-smay, -santay; -smi)

Wax la sameeyey noqosho.

0

samaysanka-dhiska-jidhka

m l (baay.)

Horumar ku yimaadda koritaanka ama saamiyeynta qaabka iyo dhismaha noolaha.

0

samaysasho

m f dh

ld samaysad.

0

samaysmid

m f dh

Eeg: samaysan¹

0

samaysnaan

m f dh

ld samays-naansho.

0

samaysnaansho

m l

/dh ld samaysnaan.

0

samayso

f g3 (-stay, -satay)

Wax hagaagsasho.

0

sambab

m l (-bbo, m.dh)

1. (-bbo, m.dh) Xubinta jirka ka mid ah oo neefta gesho kana soo baxdo. 2. Cudur xun oo sambabada ku dhaca (xoolaha). ld sanbab.

0

sambab-gale

m l (-bbo ..., m.l)

(c.nafl.) Farac hunguri.

0

sambac

m l kh

S. ah: qof caqli yar oo garashadiisu liidato, nacas, doqon. ld sabbac.

0

sambacaraar

m l

Sanka intiisa hore oo jilicsan. ld sambacaroor.

0

sambacaroor

m l

Eeg: sambacaraar

0

sambal

m l (-llo, m.dh)

Qayb yar oo badeeco ka mid ah oo cid wax gadanaysa la tuso.

0

sambanneeye

m l

Geed-nagaar laamo iyo caleemo jilicsan leh oo aan qodax lahayn oo sanboorka iyo cudurro badan lagu daaweeyo.

0

samboor

m l

Cudur sanka dadka ku dhaca oo hindhiso badan, san cuncun iyo dhibaa-tooyin kaleba keena.

0

samboorid

m f dh

Eeg: samboor³

0

sambuuq

m l (-qyo, m.dh)

Doonta yar.