Words starting with 'S'
3,161 Somali words beginning with 'S' — page 27 of 32.
siyaadso
Wax kor-dhisasho.
siyaakhad
Qalab ka samaysan macdan qaali ah oo ay ka mid yihiin dahabka, qalinka iwm oo haweenku isku qurxiyaan; suuqad.
siyaal
Ereyga loo isticmaalay si loogu garto dhadhaabaha khafiifka ah oogada dhulka, oo uu ka mid yahay garanaytka qaaradaha hoostooda.
siyaara
(Isbaanish) silsilad dheer oo buuro ah oo leh oogo aan sinnayn, Isbeyn iyo Isbaanishka Maraykanka.
siyaaro
1. Booqasho cid loogu tago. 2. Xus qof dhintay loo dhigo oo loogu duceeyo.
siyaasad
1. Hab maamul dawladeed oo lagu wado waddan gudihiisa ama dibaddiisa. 2. Laan cilmiga bulshada ka mid ah oo lagu barto hab maamulka dawladeed. 3. Basar; dhagar. ld siyaaso. siyaasad dhaqaale m.dh Barashada habka ama qaabka ay dawlad ku wadda ama ku dhista dhaqaalaha unmadda.
siyaasad-waxbarasho
(siyaa.) Barashada habka ama qaabka ay dawlado ku waddo nidaamka waxbara-shada, iyo ujeeddoyinkiisa.
siyaasadayn
ld siyaasadays.
siyaasadee
1. Cid siyaasad kula dhaqmid. 2. Cid khayaa-mayn.
siyaasi
1. Qof cilmiga siyaasadda yaqaan kuna shaqeeya. 2. Qof si xirfad leh arrimaha u maareeya.
so'
1. Hilibka intiisa jiirka ah ama cad. 2. Cagaarka meel bannaan oo biyo ku fideen ku hara. 3. Meel ceelal badan oo isu dhow ku yaallaan. 4. Dhulka intay joogsadaan xoolaha ceelka ka cabbayaa.
so'yaqaan
Nafley hilib keliya ku nool; hilib-cun.
socdaal
1. Safar meel fog lagu aado. 2. S. ah: qof safar ah. ld sadcaal¹, sodcaal¹.
socdaalid
ld sadcaalid, sodcaalid.
soco
/mg3 (-cday, -cotay) 1. (f.g) Socod samayn. 2. (f.g) Hadal la hayey sii wadid. 3. (f.mg) La s.: cid la saaxiibid. 4. (f.mg) La s.: wax xogtooda hayn.
socod
1. Lugaha oo si isbada-joog ah loo qaado iyadoo meel laga dhaqaajinayo. 2. Dhaqdhaqaaq aan joogsi lahayn.
socod-iskudubbaridan
Socod kaleedka saxar ama walhasho leh muuqaal-ka hireed ee qaabka garaafka sayn.
socod-iskudubbaridan-oo-fudud
Saxar ama walax ee waxa ay ku socotaa socod iskudubbaridan oo fudud, marka ay ku washato bar maguur, ayna raacdo xarriiq toosan. eeg socod iskudubbaridan.
socodka-barawn
Socodka hablaawaha joogtada ah ee saxarada maatarka (ugu dhawaan dhexroor 1æm ah) marka ay dul heehaabayaan hoor.
socodsii
1. Wax dha-qaajin. 2. La s.: wax xogtooda cid ogaysiin.
socoto
Cid meel ka tagtay oo meel kale safar u aaday.
soddog
Haweeney la qabo aabbaheed waxa uu ninkeeda u yahay ama waxa ninka aabihiis u yahay haweeneyda uu qabo.
soddognimo
Soddog ahaansho.
soddogow
Soddog noqosho.
soddoh
1. Haweeney gabadha ay dhashay ninka qaba waxa ay u tahay ama haweeney wiilka ay dhashay gabadha uu qabo waxa ay u tahay. 2. Haweeney gabadh leh.
soddohnimo
Soddoh ahaansho.
soddoho
Dabayl weyn, qashin iyo boor badan oo cirka isku sha-reerta.
soddohow
soddoh noqosho.
soddomaad
Taariikhda u dhexeysa bilawga soddonka iyo afartanka. ld soddo-naad¹.
soddomeeyo
/dh Tiro soddon ku dhawaad ah. ld soddomeeye.
soddon
Tiro ka kooban saddex tobnaad oo laysku daray.
soddonaad
/dh ld soddomaad¹.
soddoneeye
Tiro qiyaas ahaan soddon u dhow. ld soddomeeye.
sogob
Orgi xaniinyo bax-san.
sogordah
Hadal iwm maldahid; wax sarbeebid.
sogordahan
Hadal wax la maldahay ahaansho.
sogordahid
ld sogor-dah¹.
sogordahnaan
ld sogordahnaansho.
sogordahnaansho
/dh ld sogordahnaan.
sogsog
1. Geed weyn, bilcilka u eg oo xabag iyo mayrax leh. 2. S. ah: nafley caato ah.
sokay
s. ld soke.
sokee
Wax, wax kale ka dhow noqosho.
sokeeye
Dad xiriir wada dhalasho wadaaga; xigto; qaraabo.
sokeeyennimo
Sokeeye ahaansho.
sokor
Dhacaan aad u macaan oo geedka qasabka laga miiro, oo inta la farsameeyo laga dhigo budo badanaa cadcad oo wax lagu macaansado. ld son-kor.
sokornabaad
Sonkor kuuskuusan oo badanaa sida nacnaca carruurtu u cunto; sonkordhagax. ld sokornabaad.
sokow
Ka s.: waxa ka dambeeya.
sol
1. Hilib iyadoo aan weel iyo biyo la isticmaalin dab ku bislayn. 2. Biyo ku harraad-belid. ld sal³.
solan
Wax la solay ahansho.
solansii
Ilaah, cid wax garansiin.
solay
Hilib iyadoo aan biyo iyo weel la isticmaalin dab lagu bisleeyey.
solid
ld salid, solniin.
solnaan
ld solnaansho.
solnaansho
/dh ld solnaan.
solo
Hilib iyadoo aan biyo iyo weel la isticmaalin dab ku bislaysasho.
sonkor-caanood
Sonkor ka kooban hal molikiyuul oo gulukows ah oo ku xidhan hal molikiyuul oo galaktows ah. S. c.da waxa soo saara ganjidho caanoodda waxaana laga helaa caanaha oo keliya.
sonkorow
Cudur dadka ku dhaca oo kaadida maceeya, gaajo iyo harraad badanna keena.
soo
1. Qurub tilmaamaya in falku uu u jeedo dhinaca hadlaha ama yeelaha. Tus. “Soo gal! Hoosta u soo deg! Ii soo sheeg!”. 2. Qurub tilmaamaya in falku uu keenayo sii aadid iyo soo noqosho. Tus. “Cali soo eeg! Hilib baan soo iibsanayaa”.
soo-dhac
Saxarro kaahfaleed oo ka soo dhaca atmoosfeerka marka uu qarax bu'eed dhaco.
sooc
S. ah: wax xul ah.
soocan
Wax la kala soocay ahaansho.
soocanti
Wax badan oo isku jira intooda fiican oo gaar loo saaro.
soocasho
ld soocad.sooho
soocelin
Soo celintu waxay ahayd dhacdo dhacay 1660, markii Jaarleskii 2aad uu noqday boqorkii Ingiriiska, ka dib waqtigii uu noqday boqor iyo boqoradda la'aan.
soocnaan
ld sooc-naansho.
soocnaansho
/dh ld soocnaan.
sooco
1. Wax intooda fiican xulasho. 2. Kala s.: wax isku jira noocyada ay u kala baxaan u kala saarasho. 3. Wax isku darsan inta qof leeyahay ka baxsasho.
sooddoog
Jiilaal dheer ama abaar waxyeeladeed nur da'ay kaga soo kabasho. ld soodoog.
soode
Biyo cusbo leh ama budo dharka, alaabta iwm lagu dhaqo. ld soodhe.
soodha
Naatriyam Kaarbooneyt (Na2CO3). Budo wiriqlaawe ah oo cad, taas oo kuusanta marka loo banneeyo hawada sababtoo ah waxa ay noqotaa cokane.
soofayn
ld soofays.
soofaysan
Wax la soofeeyey ahaansho.

