0

saamayn

m f dh

ld saamays.

0

saamays

m l

Eeg: saamayn

0

saamee

f g2 (-meeyay, -maysay)

1. Wax raad ku reebid. 2. Wax cid khuseyn.

0

saami

m l (-iyo, m.dh)

1. Wax la qaybsaday inta qof walba gooni u helo. 2. Hantida qof kaga qaybgalo shirkad beecmushtari. 3. Xiriir ka dhexeeya laba tiro-xisaabeed. ld sahmi¹

0

saamiggal

m l (-llo, m.dh)

(xis.) Isgarabdhigidda laba ama dhawr saami. Haddii, tusaale ahaan, a, b, c ay yihiin saddex tiro oo ay a:b:c = 2:3:5, warkaa a/2, b/3, c/5 waxa la yiraahdaa waxa ay saamiggal u yihiin 2, 3, 5, xiriirkuna waxa loo muujinkaraa a=b=c. Sidaa oo kale, waxa aan oran karna a:b = 2:3, b:c = 3:5, iyo a:c = 2:5.

0

saamile

m l (-layaal, m.l/dh)

Qof dad badan wax ka dhexeeya saami ku leh. ld sahmile.

0

saamiley

m dh

Naag wax dad badan ka dhexeeya saami ku leh.

0

saamisuge

m l (-gayaal, m.l/dh)

1. Qof meel xoolo lagu saanyanayo yimid oo in wax la siiyo sugaya. 2. Qof mashaqayste ah oo mar walba in wax la taro sugaya.

0

saamixid

m f dh

Eeg: saamax²

0

saamiyid

m f dh

ld saanyid.

0

saan

m dh (-aamo, m.l)

1. Harag xoolaad siiba kan geela iyo lo'da. 2. Tillaabo. 3. Raad.

0

saanac

m l (-cyo/-ciin, m.dh)

Qof farsamo yaqaan ah.

0

saanad

m dh u (-do, m.dh)

Xabbadaha buntuqa laga rido oo lagu dagaalamo; ra-saas.

0

saanahasho

m f dh

Eeg: saanaho

0

saanaho

f g3 (-hday, -hatay)

1. Qof balaayo dhaxalsiin. 2. Qof uurka cadaawad ugu hayn.

0

saancad

m l

/dh (-dyo, m.dh) ld saancaddaale; saancaddo.

0

saancaddaale

m l (-layaal, m.l/dh)

Qof nasiib xun (tag xun); bacaw. ld saancad (1).

0

saancadde

m l

1. Qof cago cad. 2. Qumay.

0

saancaddo

m dh

Tagxumo; nasiibdarro. ld saancad (2).

0

saandambayn

m f dh

Eeg: saandambee

0

saandambee

f mg2 (-beeyay, -baysey)

1. Tallaabo gaabin. 2. Ka s.: cid lala socday in yar dib uga harid.

0

saandambeedi

f mg2 (-iyay, -isay)

Dib u harid.

0

saandambeedin

m f dh

Eeg: saandambeedi

0

saangaman

f mg4 (-mnaa, -mnayd)

Eeg: saangan¹

0

saangamid

m f dh

Eeg: saangan¹

0

saangamnaan

m f dh

Eeg: saangannaan

0

saangamnaansho

m l

/dh ld saangamnaan.

0

saangan

f g1 (-gamay, -gantay; -gmi)

Qof sixir uu kaga cararo meel uu joogay ku samayn.

0

saangannaan

m f dh

ld saan-gamnaan, saangaamnaansho, saangan-naansho.

0

saangannaansho

m l

/dh ld saangannaan.

0

saangur

m dh

Eeg: soongur

0

saani

m l (-iyo, m.dh)

Macsilow.

0

saanifad

m dh

Eeg: saniifad

0

saanqaad

m l

1. S. ah: ilmo socod-barad ah. 2. Habka qofku u tallaabsado. 3. ld saaqaadid.

0

saanqaadid

m f dh

ld saan-qaad¹ (3).

0

saanqaaf

m l (-fyo, m.dh)

Dedka sare ee aqalka. ld saqaf.

0

saanreeb

m l (-byo, m.dh)

1. Cudur geela ku dhaca oo tabar-yaraan ku reeba. 2. S. ah: neef geel ah oo caato ah.

0

saanyasho

m f dh

ld saanyood.

0

saanyid

m dh

Eeg: saamiyid

0

saanyo

f g3 (-yaday, -yatay)

Hanti saami ku qaybsasho. ld saanyoo.

0

saanyoo

f g3 (-ooday, -ootay)

Eeg: saanyo

0

saanyood

m l

Eeg: saanyasho

0

saaq

m l

1. Dhir geedaha kale ku faalasha. 2. Lacag ka mid ah sarrifka rubbiyadaha oo u dhiganta laba caanadood oo waayadii hore la isticmaali jirey.

0

saaqan

m dh (fiis.)

Isbeddelka ku dhaca xaaladda walax ayna sababtay badad xoog.

0

saaqid

m l (-dyo/-diin, m.dh)

1. Nin liita oo aan meelna ku wanaagsanayn. 2. Arday waxbarasho la socon waayey.

0

saaqid-birlabdanabeed

m dh (fiis.)

Xoog danab-wadaha ku abuurma mareeg danab ayna ugu wacantahay mareegta iyo badad birlabeedka isdhexmaraaya, ama isbeddel-ka ku dhaca burqad birlabeedka jaraaya. mareegta danab. X.d.w. saaqmay waxuu abuuraa qulqul danab oo u socda jihada uu sheegayo xeerka Lenz.

0

saaqid-danab

m dh

Saaqid birlabdanabeed.

0

saaqidad

m dh (-do, m.l)

Naag liidata oo aan meelna ku wanaagsanayn.

0

saaqidid

m f dh

Eeg: saaqid³

0

saaqmid

m f dh

Eeg: saaqan¹

0

saaqnaan

m f dh

ld saaqnaansho, saaqsanaan, saaqsanaan-sho.

0

saaqnaansho

m l

/dh ld saaqnaan.

0

saaqniin

m l (fiis.)

Astaanta ay leedahay mareeg danab, ee u suurtogelisa isbeddelka qulqulka danabka maraaya mareegta in uu ku saaqo x.d.w. mareegta, waxana bada-naaba loo yaqaanaa laftii-saaqniin.

0

saaqsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: saaqan²

0

saaqsanaan

m dh

Eeg: saaqnaan

0

saaqsanaansho

m l

/dh ld saaqsanaan.

0

saaquun

m dh (-nno, m.dh)

1. Qof haween ah oo aan waxtar iyo caqli midna lahayn. 2. Wax caato ah, aanna dhaleyn ahaansho (lax).

0

saaquunnimo

m dh

1. Haweeney aan caqli iyo waxtar lahayn ahaansho. 2. Wax caato ah, aanna dhaleyn ahaansho (lax).

0

saar

m l (-rar, m.l)

1. (bot.) Dhirta faalasha nooc ka mid ah oo caleemo yaryar iyo laamo jilicsan leh oo geedaha ku dul faafa geeluna aad u jecelyahay. 2. Cayaar jaadad badan u kala baxda oo siyaalo kala duwan loo tumo; saar-lugeed, saar-mooye.

0

saaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax meel dhulka ka sarreysa la dhigay ahaansho.

0

saarasaare

m l (-rayaal, m.l/dh)

Geed faalala, leh caleemo iyo laamo jiljilicsan oo dhirta kale ku saaqa.

0

saarasho

m f dh

Eeg: saaro

0

saardiin

m l (-nno, m.dh)

Kalluun badeed lullumada u eg oo badanaa la qasacadeeyo.

0

saari

m dh

Maro badanaa xariir ah oo dumarka hindidu qaataan oo guntiino iyo hagoogba u ah.

0

saarid

m f dh

Eeg: saar²

0

saariq

m l (-qyo/-rqyo, m.dh)

Qof wax xada; tuug.

0

saarnaan

m f dh

ld saar-naansho.

0

saarnaansho

m l

/dh ld saarnaan.sabarad

0

saaro

f g

/lg3 (-rtay, -ratay) 1. Nin naag u galmoosho. 2. Wan lax kudud. 3. Wax, wax kale dul dhigasho.

0

saarsaaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax, wax kale dushooda yaalyaal ahaansho. Xeerada bariiska ah hilib baa saarsaaran.

0

saarsaarnaan

m f dh

ld saarsaarnaansho.

0

saarsaarnaansho

m l

/dh ld saarsarnaan.

0

saarsasho

m f dh

Eeg: saarso

0

saarso

f g3 (-saday, -satay)

Xamuul dusha ku qaadasho.

0

saaruq

m dh (-qyo, m.dh)

Laamaha iyo caleemaha dhirta badda oo hirku xeebta ku soo tufo ama biyaha dul sabbeeya.

0

saaruukh

m l (sawaariikh, m.dh)

Eeg: say-ruukh

0

saas

fk. Sidaas.

0

saatan

fk. Sidan, sida tan.

0

saatir

m l (-rro, m.dh)

Magacyada Ilaahay mid ka mid ah.

0

saawayn

m f dh

ld sawayn.

0

saawee

f g2 (-weeyay, -waysay)

1. Wax, wax kale u ekaysiin. 2. Beden, huuri iwm seeb ku wadid. ld sawee.

0

saawir

m l (-ro, m.l)

Wax kasta oo la sharaysto.

0

saaxi

m l kh

S. ah: qof maskaxdiisu tamaam tahay.

0

saaxiib

m l (-bbo, m.dh)

Nin xiriir gacaltooyo qof kale la leh; wadey.

0

saaxiibad

m dh (-do, m.l)

Gabar xiriir gacaltooyo lala leeyahay.

0

saaxiibid

m f dh

Eeg: saaxiib³

0

saaxiibnimo

m dh

Saaxiib ahaansho. ld saaxiibtinnimo.

0

saaxiibtinnimo

m dh

Eeg: saaxiibnimo

0

saaxil

m l

Xeeb.

0

saaxir

m l (-riin, m.dh)

Nin sixirka yaqaan.

0

saaxirad

m dh (-do, m.l)

Naag sixirka taqaan.

0

saaxirnimo

m dh

Saaxir ahaansho.

0

saayaq

m l (-qiin, m.dh)

Nin qalinka, dahabka iwm ka sameeya waxyaalaha lagu xarragooda.

0

saayid

m l

S. ah: wax dheeraad ah. ld saa'id¹.

0

saayidcalayn

m f dh

ld saa'idcalayn.

0

saayidcalee

f mg2 (-leeyay, -laysay)

Ka s.: cid ka gacan sarreyn. ld saa'idcalee.

0

saayidi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax tiradooda kordhin. ld saa'idi.

0

saayidid

m f dh

ld saa'idid.

0

saayidin

m f dh

ld saa'idin.

0

saayir

m l

Dhaqaalayn; turaal gaar ah oo laysu galo.