Words starting with 'S'
3,161 Somali words beginning with 'S' — page 30 of 32.
sumalhaadin
ld su-malhaadis.
sumalhaadsan
Wax hiyikacsan ahaansho (qof).
sumalhaadsanaan
ld sumalhaadsanaansho.
sumalhaadsanaansho
/dh ld sumalhaad-sanaan.
sumayn
ld sumays.
sumaysan
Wax la sumeeyey ahaansho.
sumaysnaan
ld sumaysnaansho.
sumaysnaansho
/dh ld sumaysnaan.
sumbaax
Ur udgoon oo la jeclaysto.
sumbay
1. Nooc gooryaanka ka mid ah oo xubnaha uurka qaarkood gala oo barariya. 2. Wan tuman. 3. Nacas; doqon.
sumbo
Baali; areebo; basari.
sumcad
Magac iyo sharaf laga kasbado bulshada dhexdeeda.
sumcan
Wax la sumcay ahaansho (badar).
sumcanaan
ld sumca-naansho
sumcanaansho
/dh ld sumcanaan.
sumco
Badar tumasho.
sumee
1. Nafley sun siin. 2. Wax sun ku darid.
summad
1. Calaamad xoolaha lagu dhigo oo lagu kala sooco. 2. Lambarrada iyo xuruufta diiwaansan ee la siiyo warqadaha xafiisyadu isu diraan. ld sumad¹.
summad-caanood
Summad xoolaha dhegta looga dhigo.
summad-dooris
Sumaad neef ku taalay oo la beddelo.
sumow
Wax sumaysan noqosho.
sun
Maaddo haddii ay jirka nafleyda gasho ama oogada gaarto loo dhinto ama lala bukoon karo; waabaayo.
sunnee
1. Wax sunno ah samayn. 2. Cunto ama cabbid in yar ka dhadhamin.
sunni
Qof sunnadii Nabi Maxamed (n.k.h.a.) ku dhaqma.
sunno
1. Salaad aan faral ahayn oo ajar kororsi awgeed loo tukado. 2. Wax kasta oo Nabigii samayn jirey oo ay tahay in looga daydo. 3. Koofiyad culimada islaamku qaataan. ld sunne.
sunsumid
ld sulsulid, susumid.
sunsun
Wax badan aayar wada socosho. ld sulsul, sunsun².
suntan
Wax summad loo yeelay ahaansho.
suntanaan
ld sunta-naansho.
suntanaansho
/dh ld suntanaan.
sunto
Wax summad u yeelasho.
suqayar
Inan yar oo doonyaha ka adeega oo aan weli noqon baxri.
suqdi
Dhar midab leh oo qaali ah oo badanaa dumarku qaato.
suqul
Habaas; firo.
sur
Luqun; qoor.
surad
/dh Geed faalala oo xooluhu daaqaan waxna lagu daaweeyo.
surad-rare
Xarig dheer oo saan ka samaysan oo wax lagu raro.
suran
1. Wax meel laga lulay ahaansho. 2. Isa s.: laba shay wax siddooyinkooda lays dhexgeliyey ahaansho.
surayo
Weelasha miyiga laga isticmaalo, inta siddada leh oo meel la suran karo.
surbac
Ul yar nafley ku tumid.
surbacaad
Rafaad; dhibaato.
surbacasho
ld surba-cad.
surbaco
Cid wax ka sirasho.
surbiyaan
Bariis karsan oo dhir midabbo leh lagu daray.
surgoo
Cid nabar xoog leh surka kaga dhifasho.
surgooyo
Nabar cid surka si xoog leh looga dhufto.
surin
Marin ciriiriyon ama yer. ld surmo (3), surun.
surmee
1. Daro gelin. 2. Cid guureysa dhul hawd ah waddo uga samayn.
surmi
Harraad aad u badan.
surmo
1. Qaab awrta qooqani u dagallamaan oo ah luqun isku marid iyo qaniinyo; daro. 2. (-ooyin, ml.) Dhiil yar oo caanaha lagu shubto. 3. ld surin.
surnaan
ld surnaansho.
surnaansho
/dh ld surnaan.
suro
Wax meel ka soo laalaadsasho.
surow
Nooc cayaaraha ka mid ah oo jiib iyo jaan leh oo dumarku cayaaraan.
surqo
Lo' dhaadheer, aan caal lahayn, oo caano badan leh.
surrad
Alaabta guriga inta duubmi karta sida dermooyinka, rarada, kebdaha iwm.
surrad-sare
Xarig dheer, saan ka samaysan oo wax lagu raro.
surrucaad
Naxdin weyn oo lala argag-gaxo; qarraacan.
sursuur
Marin ciriiri ama halis ah.
suruciyo
Jirrooyinka dhimirka nooc ka mid ah oo dadka ka gariirsiiya. ld suruciye.
surwaal
Dhar badanaa raggu qaato oo lugaha ilaa dhexda qariya; targal. ld surweel.
suryaysan
Xarig, wax suryo loo yeelay ahaansho.
suryaysnaan
ld suryaysnaansho.
suryaysnaansho
/dh ld suryaysnaan.
suryee
Xarig suryo u yeelid.
suryo
1. Wadiiqo yar oo ciriiri ah. 2. Qaab loo qoolo xargaha oo leh siriq isku roorta oo xoolaha toojada ah lagu qabto.
susun-aritmatig
(xis.) Sunsun faraqa u dhexeya tibix kasta iyo tan ka horreysa uu yahay madoorsoome. Faraqa madoorsoomaha ah waxaa lagu magacaabaa faraqa ay wadagaan. Jidka lagu helo tibixda n-aad ee sunsun aritmatig waa: an = a1 + (n-l)d, taas oo a1 ay tahay tibixda kowaad ee sunsunta, d-na tahay faraqa.
susun-joometeri
Susun saamiga u dhexeeya tibix kasta iyo tan ka horreysa madoorsoomaha ah waxaa lagu magacaabaa saamiga ay wadaagaan. Dansaanka susun joometeri waa sidan: a, ar, ar2, a3, a4,..., an taas oo r ay tahay saamiga ay wadaagaan, a-na tibixda koowaad.
suti
1. Jilib dhigidda wax layska daafacayo loo jilib dhigo. 2. (-iyo, m.l) Gaashaan.
suubaan
Dhagax sulub ah oo aan xanaf lahayn.
suubaan-marawaxadeed
Tuuridda burburka dhagxaanta ee ka dhasha webi ama farac si degdegsan u qulqulaya. Suubaan marawaxadeed wuxuu caan ku yahay gobollada oomanaha ah waayo waxa jira fatahyo webi oo ka dhasha aago ka soo dega buuraha iyo iyaga oo gura waqtiyada oomanaha; waxayna suurageliyaan samayska suuban marawaxadeed.suuldhabasho
suubaansalaax
Cid sasabid. ld suubasalaax.
suubaansalaaxid
ld suubasalaaxid.

