0

shinrin

m l

1. Neef xoolo ah oo xilligii laga rabay in uu rimo rimay. 2. ld shinrimid.

0

shinsad

m l

Eeg: shinsasho

0

shinsasho

m f dh

ld shinsad, shinsi.

0

shinshin

m l

Hilib karshin ah.

0

shinsi

m l

Eeg: shinsasho

0

shinso

f g3 (-saday, -satay)

1. Qof qaraaba-nimo ama saaxiibnimo awgeed wax uga filasho. 2. Wax manaafacaadkiisa isku hal-layn.

0

shintiri

f mg2 (-iyay, -isay)

Maalmo, sanado, gu'yaal iwm tirin.

0

shintirin

m f dh

ld shintiris.

0

shintiris

m l

Eeg: shintirin

0

shiqib

m l (-byo, m.dh)

Qof xun oo nasiib daran.

0

shir

m l (-rar, m.l)

1. Isu imaadka dad badan isugu imaadaan meel si ay arrimo waaweyn oo u dan ah uga wada hadlaan. 2. Baabuur intiisa hore, meesha uu waduhu fariisto. 3. Waqti, goor. 4. Cayaar sacab, jaan iyo jiiba leh oo ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo hab dhoolatusad ah loo soo bandhigo.

0

shiraac

m l (-cyo, m.dh)

1. Maro weyn oo adag qaabab badanna loo yeelo oo lagu xiro dakhalka doonyaha, oo marka dabayshu buubiso doonyaha hore u wada. 2. Dhar adag oo qallafsan lagana dhigto darbaal iyo teendho. ld shiraaq.

0

shiraacasho

m f dh

Eeg: shiraaco

0

shiraacid

m f dh

Eeg: shiraac²

0

shiraaco

f mg3 (-cday, -catay)

1. Shiraac fidsasho. 2. Meel ka tegid.

0

shiraako

m dh

1. Hanti dad badan ka dhexeysa. 2. Sh. ah: dad dani ka dhexeyso oo leh heshiis qoran dhib iyo dheefna wa-daaga. ld shuraako.

0

shiraakoobid

m f dh

ld shuraakoobid.

0

shiraakow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Shiraako noqosho. ld shuraakow.

0

shiraanshirix

m l (-xyo, m.dh)

Lafo yaryar oo carjaw ah oo kala goysyada addimada iyo cumaacumta cagta ku yaal.

0

shiraaq

m l (-qyo, m.dh)

Eeg: shiraac

0

shirad

m l (-dyo, m.dh)

Eeg: sharad¹

0

shiran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax la shiray ahaansho.

0

shiratamid

m dh

Eeg: sharatamid

0

shiratan

m l

Eeg: sharatamid

0

shirayn

m f dh

ld shirays, shiro.

0

shirays

m l

Eeg: shirayn

0

shiraysad

m l

Eeg: shiraysasho

0

shiraysasho

m f dh

ld shiraysad, shiraysi.

0

shiraysi

m l

Eeg: shiraysasho

0

shirayso

f g3 (-stay, -satay)

Neef shiro u qalasho.

0

shirbi

f g2 (-iyay, -isay)

Neef irmaan oo ido ah lisid.

0

shirbid

m f dh

Eeg: shirib²

0

shirbin

m f dh

Eeg: shirbi

0

shirbo

m dh

Ciyaar hees iyo sacab leh oo la tumo munaasabadaha aroosyada.

0

shiree

f g2 (-reeyay, -raysay)

Neef shiro ahaan u qalid.

0

shirfid

m f dh

ld shurfid.

0

shiri

f g2 (-iyay, -isay)

Dad badan si ay arrin uga doodaan meel isugu keenid.

0

shirib

m l

Cayaar raggu dheelo iyadoo warmo iyo gaashaamo la qurxiyey la sito oo taagnaan iyo socodba lagu tumo.

0

shirid

m f dh

Eeg: shir²

0

shirif

m l

Ur aan la jeclaysan oo nafleyda ka soo ura. ld shuruf¹.

0

shiriid

m l

Libaaxbadeed dad qaad ah oo madax dubbaha u eg iyo indho kala fog oo midiba gees ku taal leh.

0

shirin

m f dh

ld shiris.

0

shiris

m l

Eeg: shirin

0

shirix

m l (-xyo, m.dh)

Lafo yaryar oo dhuux leh, kuna jira lugaha dadka iyo xoolaha.shoog

0

shirjaraa'id

m l

Shir wargeysyada.

0

shirkad

m dh (-do, m.l)

1. Urur ka kooban laba qof ama ka badan oo si wada jir ah hanti isugu darsada oo ku shaqaysta faa'ii-dadana wadaaga. 2. Xarunta shirkadda. ld sharikad.

0

shirki

m l

Kelinnimada Alle iyo cibaadadiisa oo wax kale lala wadaajiyo.

0

shirkiyid

m f dh

Eeg: shirki²

0

shirko

m dh

Eeg: shirkad

0

shirkoobid

m f dh

Eeg: shirkow

0

shirkow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Shirko noqosho.

0

shirmaa

fk we

Goorma? ld shimaa.

0

shirnaan

m f dh

ld shirnaansho.

0

shirnaansho

m l

/dh ld shirnaan.

0

shiro

m dh

1. Qalashada neef xoolo ah la qasho waqti abaar ah. 2. Sh. ah: neef loogu talaggalay in la qasho. 3. ld shirayn.

0

shiroobo

m dh

Eeg: sharoobo

0

shirqool

m l (-llo, m.dh)

Tashi qarsoodi ah oo loola jeedo in cid lagu dilo ama lagu waxyeelleeyo.

0

shirqoolan

f mg1 (-lmay, -lantay, -lmi)

Wax shirqool galay noqosho.

0

shirqoolid

m f dh

Eeg: shirqool²

0

shirqoolmid

m f dh

Eeg: shirqoolan¹

0

shirrab

m l

Eeg: sharrib¹

0

shirrabaad

m dh

Eeg: sharribid

0

shirraban

f mg1 (-bmay, -bantay; -bmi)

Eeg: sharriban¹

0

shirrabasho

m f dh

Eeg: sharribasho

0

shirrabid

m dh

Eeg: sharribid

0

shirrabmid

m dh

Eeg: sharribmid

0

shirrabnaan

m f dh

Eeg: sharrabnaan

0

shirrabnaansho

m l

/dh ld sharrabnaan.

0

shirrabo

f g3 (-btay, -batay)

Eeg: sharribo

0

shirsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax shir isugu yimid ahaansho.

0

shirsanaan

m f dh

ld shirsa-naansho.

0

shirsanaansho

m l

/dh ld shirsanaan.

0

shirweyne

m l (-nayaal, m.l/dh)

Kulan wufuud badani issugu yimaadaan oo ka wada hadlaan arrimo muhiim ah oo wejiyo badan leh.

0

shishac

m l

Ood neefka la qalayo la kor saaro si aan hilibka ciiddu u gaarin; shillal.

0

shishay

s. Meel durugsan, meel aan dho-weyn. Tus. “Togga shishadiisa ayay deg-ganyihiin”. ld shishe.

0

shishayn

m f dh

Eeg: shishee

0

shishe

s. Meel durugsan.

0

shishee

f mg2 (-sheeyay, -shaysay)

Wax durugsan noqosho.

0

shisheeye

m l kh

1. Qof aan xiriir sokeeye la lahayn qolo. 2. Qof jooga dal uusan u dhalan.

0

shisheeye-naceyb

m l (c.naf)

Cabsi, ama neceeb aad u qabtid dadka waddamada ka-le.

0

shisheeynimo

m dh

Shisheeye ahaansho.

0

shishlaan

m dh

Eeg: shislaan

0

shishlaansho

m l

/dh ld shislaan.

0

shislaan

m f dh

ld shishlaan, shishlaansho, shislaansho.

0

shislaansho

m l

/dh ld shislaan.

0

shitaar

m l

Eeg: shataar¹

0

shitaarad

m dh

Eeg: shataarad

0

shitaarid

m dh

Eeg: shataarid

0

shito

m dh (-ooyin, m.l)

Siil.

0

shixid

m dh

Eeg: shaxid

0

shixnad

m dh (-do, m.l)

Xamuul doon ama markab hal mar qaado.

0

shixnadan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

Markab, doon iwm wax shixnad la saaray ahaansho.

0

shixnadid

m f dh

Eeg: shixnad²

0

shixnadnaan

m f dh

ld shix-nadnaansho.

0

shixnadnaansho

m l

/dh ld shixnadnaan.

0

shohor

m l (-rro, m.dh)

Ur xun oo labka nafleydu leeyahay oo la dhibsado; shuruf.

0

shoob

m l

1. Xarrago; mardaadi. 2. Sh. ah: neef ari ah oo leh qoobab cascas.

0

shoobid

m f dh

Eeg: shoob²

0

shood

m dh (-do, m.l)

Weel bir ka samaysan oo badarka iwm lagu beegto, una dhiganta suus barkii (banaadir).

0

shoofanisam

m l

Caadifad muujinayso in qofku uu si daran u aaminsan yahay in dalkiisa iyo dadkiisina ay ka muhiim san-yihiin ama ka fiicanyihiin dadyowga kale.