Words starting with 'S'
3,161 Somali words beginning with 'S' — page 23 of 32.
sibiibixo
Meel siman ama qoyan ku simbiriirixasho.
sibir
1. Lugta dambe ee geela boqonteeda. 2. Maraqsaarta geela.
sibiree
Aqal iwm dhul-dhaciisa shamiinto ku kebisid.
sibqi
Wax iyadoon la calalin liqid.
sibqo
Ku s.: wax afka ku jira iyagoo aan la rabin in la liqo hunguriga ku roorid.
sibraar
Harag neef yar oo ari ah, oo si gaar ah loo baxshay loona habeeyey oo biyaha ama caanaha lagu shubto.
sicir
Qiime. ld siir.
sid
1. Marka ilmuhu uurka galaan iyo marka ay dhashaan inta u dhexeysa. 2. Culaabta gaadiid hal mar qaadi karo.
sid-dhowee
Dheddig xoolaad oo rimman waqtigii ay dhali lahayd u dhowaasho. ld shindhowee.
sid-dhoweyn
ld shindhoweyn.
sida
fk. ld si.
sidaan
fk. ld si.
sidaas
fk. ld si.
sidataal
Bilaha soomaaliga oo dayaxa lagu tirsado, tan u dhexeysa soonfur iyo arrafo.
sidbi
Wax simbiriirixin.
sidbo
Meel siman oo qoyan ku simbiriirixasho.
siddaysan
Wax siddo loo yeelay ahaansho.
siddaysasho
ld siddays-ad, siddaysi.
siddaysnaan
ld sid-daysnaansho.
siddaysnaansho
/dh ld siddaysnaan.
siddayso
Wax siddo u yeelasho.
siddee
Wax siddo u yeelid.
siddeed
Tirada toddobada iyo sagaalka u dhexeysa; “8”.
siddeedaad
Tirada jagaalada ah, kan u dhigma siddeedda.
siddeedle
Xaashi turub oo siddeed dhib-cood leh.
siddeetameeye
Tiro qiyaas ahaan siddeetan u dhow. ld siddeetaneeye.
siddeetan
Tiro ka kooban siddeed meelood oo min toban ah; siddeed tobnaad; “80”.
siddeetanaad
Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma siddeetan. ld siddeetamaad.
siddeysan
Weel iwm wax siddo loo yeelay ahaansho.
siddeysasho
ld siddeysad, siddeysi.
siddeysnaan
ld sid-deysnaansho.
siddeysnaansho
/dh ld siddeysnaan.
siddeyso
Weel iwm siddo u yeelasho.
siddo
Meel alaabta wax lagu rito sida dambiilaha, boorsooyinka iwm loo yeelo oo loogu talaggalay in gacanta lagu qabsado marka la qaadayo. ld sidde.
sidee
Habkee; xaaladdee?; waxee?; maxaa? maxay ku noqotay?. ld see.
sidib
/dh Meel siman oo lagu simbiriirixan karo.
sidig
Laba xoog oo isle'eg, isku lid ah, barbaro ah, si wadajir ahna u saaran walax. Xoogaggaasi waxa ay sababaan in ay walaxdu ku wareegto dhidib dhexaad-keeda.
sidii
fk. ld si.
sidix
1. Harag aan dhogor lahayn. 2. S. ah: ilmo yaroo markaas dhashay.
sidkan
Wax la sidkay ahaansho (hal geel).
sidkanaan
ld sidka-naansho.
sidkanaansho
/dh ld sidkanaan.
sidkasho
ld sidko.
sidko
Hal geel sidig ka dhigasho.
sido
1. Wax qaadasho. 2. Wax xirasho.siig
sidqaad
Marka ilmuhu caloosha galaan iyo marka ay dhashaan muddada u dhexey-sa.
sif
Wan lax boodid.
sifaal
Shay badanaa ka samaysan caw, qaab wareegsanna leh oo sooryooyinka waaweyn cuntada lagu geeyo.
sifaale
Xaalad lagu suganyahay.
sifaar
Nooc cawska ka mid ah kana baxa meelaha ciid guduudka ah oo xooluhu aad u cunaan.
sifayn
ld safayn.
sifaysan
1. Wax nadiif ah noqosho. 2. Wax kala miirmay noqosho. ld safaysan¹.
sifaysmid
ld safaysmid.
sifaysnaan
ld safaysnaa, safaysnaansho, sifays-naansho.
sifaysnaansho
/dh ld sifaysnaan.
sifee
1. Wax nadiifin. 2. Wax kala miirid. 3. Wax sharxid. ld safee.
sifir
Sullan; isir; walcan.
sifo
/dh (-ooyin, m.l) 1. Sharraxa wax la sharxo. 2. Astan iwm oo wax gaar u leeyihiin.
sifow
Ku s.: wax caan ku noqosho.
sifsif
Tolmada dharka oo si gaar ah dunta la isaga kor boodbootiyo.
sig
1. Wax halis u dhawayn. 2. Wax u dhawaasho.
sigaar
Tubaako shiidan oo xaashi khafiif ah lagu duubay oo laga qiijiyo. ld saka-reed
sigaaryacab
Qof sigaarka qiijiya.
sigan
Wax halis u dhow ahaansho.
sigasho
ld sigad.
sigis
Maro si gaar ah loo tolay oo cagaha la gashado intaan kabaha la illan.
signaan
ld signaansho.
signaansho
/dh ld signaan.
sigo
Halis u dha-waansho.
sigtin
Ku dhawaanshaha nafley halis kaabiga u gaadho.
sii
1. (nax) Qurub tilmaamaya in falku uu ka fogaanayo hadlaha ama yeelaha. Tus. “Sii durug!. Guriga sii gal!” 2. Qurub tilmaamaya kordhin. Tus. “Arrintu way sii xumaatay”. 3. Qurub tilmaamaya sii socosho fal. Tus. “Hadalka sii wada!”.
siib
Qodax, musbaar, xidid iwm oo meel ku jirey ka soo saarid.
siiba
fk. Gaar ahaan. Tus. “Cali wuu hadal badanyahay, siiba markuu marqaansan-yahay”.
siibad
Dayr; heeraar.
siiban
Wax la siibay ahaansho.
siibasho
ld siibad¹.

