safradaysan
Wax safradi hayso ahaansho.
safradaysnaan
ld safradaysnaansho.
safradaysnaansho
/dh ld safradaysnaan.
safri
Badeeco meel fog u iibgeyn.
sagaal
Tirada siddeedda iyo tobanka u dhexeysa; “9”.
sagaalaad
1. Maalinta bisha Arrafo sagaalka tahay oo muslimiintu xajinaysaa banka carrafo taaganyihiin. 2. Roob da'ay maalintiisa sagaalaad ee riibigu kaco.
sagaalle
Xaashi turub oo sagaal dhibcood leh.
sagaara-furdug
Nooc sagaarada ka mid ah oo aad u waaweyn; kuna nool dhulka carro madowga ah.
sagaarasalool
Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban iyo caleemo yaryar oo ka mid ah dhirta daawada.
sagaaro
Nooc ugaarta yaryar ka mid ah, dhawr jaad u kala baxda oo keeda lab geeso leeyahay.
sagaaromuri
Nooc sagaarada ka mid ah kana yara waaweyn oo leh midab ciiromadow xigeen ah.
sagaashameeye
Tiro qiyaas ahaan sagashan u dhow. ld sagaashameeyo, sagaashaneeye, sagaashaneeyo.
sagaashan
Tiro ka kooban sagaal meelood oo min toban ah; sagaal tobnaad; “90”.
sagaashanaad
Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma sagaashanka. ld saga-shamaad.
sagaashaneeye
ld sagaashameeye.
sagal
Daliigo cas-cas oo moodda galbeed u eg oo xilliga roobka aroortii cirka ku dhigma.
sagan
Godob, utun, aano, dakano.
sagandaaq
Ugaarta keeda lab oo inta tamar yareeyo raxanta ka taga ee gooni-joog noqda.
sagaro
Sigaar buuriga iyo xaashidu kala samaysanyihiin oo qofka cabbayaa duubto.
sagax
S. ah: wax fidsan oo aan gun hoos u qodan lahayn.
sagli
Cir aroor hore sagal yeelasho.
sagsaag
1. Googoynta shaqo loo googooyo. 2. Si isweydaar ah oo makiinadda harqaanku dunta dharka ugu tosho. 3. S. ah: qof aan si joogto ah u imaan oo googoys badan. 4. S. ah: makiinad harqaan oo si isweydaar ah wax u tosha.
sagsaagad
Naag hawl way ka maqantahay.
sagsaagan
Maro wax sagsaag lagu tolay ahaansho.
sagsaagnaan
ld sagsaagnaansho.
sagsaagnaansho
/dh ld sagsaagnaan.
sagsaagnimo
Sagsaag ahaansho.
sagsaago
Dhar sagsaag ku tolasho.
sagxad
1. Meel fidsan oo aan godnayn. 2. ld sadax.
sah
Hadba xaalka markaas lagu sugan yahay.
sahal
Wax aan dhib lahayn ama fudud.
sahami
Sahan aadid. ld sahmi².
sahamin
ld sahamis, sahmin, sahmis.
sahamiye
Qof meel loo diro si uu u soo arko oo uga war keeno.
sahan
1. Aadidda meel la aado si looga war keeno. 2. S. ah: qof meel loo diro si uu uga war keeno.
sahansan
Wax la sahmiyey ahaansho.
sahansanaan
ld sahan-sanaansho.
sahansanaansho
/dh ld sahansanaan.
sahanso
Meel dan laga leeyahay soo dayasho.
sahay
Cunto loo qaato in lagu jidma-ro; jiscin.
sahaysasho
ld sahaya-sho.
sahayso
Cunto sahay ka dhigasho. ld sahayo.
sahlan
Wax aan dhi-baato lagala kulmin ahaansho.
sahlanaan
ld sahla-naansho.
sahlanaansho
/dh ld sahlanaan.
sahlo
Wax, wax dhib yar ka dhigasho.
sahmi
1. ld saami¹. 2. Habeen barkii.
saho
1. Mindi iwm af u yeelasho. 2. Ku s.: wax ku xoqasho.
sahra
Xiddig weyn oo arooryada hore soo baxa; xiddig waaberi.
sahwi
Illowshaha wax la kala illaawo.
sahwisan
Wax sahwiyey ahaansho (qof).sal²
sahwisanaan
ld sahwisanaansho.
sahwisanaansho
/dh ld sahwisanaan.
sahwisii
Qof wax illowsiin.
sahwiyid
ld sahwin.
sahyuuni
Qof aaminsan sahyuuniyadda.
sahyuuniyad
Dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid diineed oo ku dhisan mabda' ujeeddadiisu tahay in Yuhuudda la ururiyo, la mideeyo oo loo helo meel la dejiyo.
sajaayad
Salli yar oo lagu tukado. ld sijaayad.
sajaro
Qof aan dembi lahayn galaafasho.
sakaar
Bartamaha xabadka halka ay feeraha sare isaga yimaadaan.
sakaarjab
Legriix.
sakad
Daaro badan oo is haysta oo aan dariiq u dhexeyn. ld seked.
sakal
Meel ciriiri ah. ld shakal¹.
sakalid
ld shakalid.
sakar
1. Dhulbeereedka barna la abuurto barna la dego. 2. Oodda reerka iyo beerta u dhexaysa.
sakaraad
1. Xanuun aad u daran. 2. S. ah: nafley xaaladdeedu aad u liidato oo geeri halis u ah.
sakareed
Tubaako shiidan oo xaashi qafiif ah lagu shubay oo la qiijiyo. ld sigaar
sakati
Cabsi yar shaki.
sakatisan
Wax naxsan ahaansho (qof).
sakatisanaan
ld saka-tisanaansho.
sakatisanaansho
/dh ld sakatisanaan.
sakatiyid
ld sakatin.
sakee
Hanti seko u bixin.

