sannifo
Wax hor leh hindisasho.
sanoobir
Geed abaareed aad u dheeraada oo qurux iyo waxtarba isku darsaday oo leh, caleemo dhuudhuuban, cutub-cutub isugu xiran oo cirbad la moodo iyo miro isku duuban oo korka kurtumo yaryar iyo toxob ku leh oo alwaaxdiisa waxyaalo badan laga sameeyo.
sanqar
Jabaqda ka dhalata laba shay oo isku dhacday. ld shanqar¹, sharqan¹, sharqar¹.
sanqari
Ka s.: wax sanqar ka yeersiin. ld shanqari, sharqami.
sanqarid
ld shanqarid, sharqamid.
sanqarin
ld shanqarin, sharqamin.
sanqaroor
Sanka ushiisa kore.
sanqaroormadow
S. ah: miro yicibeed oo gahayr ah oo aan weli qallalin.
sanqatab
Goodir lab.
sanqo
Daloolka ay isaga furanyihiin sanka iyo afka oo codku ka soo baxo.
sanqoole
Qof daloolada sanqada iin ku leh oo aan coodkiisu bayaan ahayn.
sansaan
Baxaalli.
sanso
Gufar ku dhega weel burcad laga shiilay salkiis.
santaag
Kibir iyo isla weyn.
santariyool
(baay.) Dhisme dhululubaysan oo ku dhex yaallla unugga kana qayb qaata qaybsanka unugga.
santaroomeer
(baay.) Qayb-ta ka midka ah koromosoomyada ee aan lahayn hiddo-side.
santeec
Ku tiirsanaanta lagu tiirsanaado derbi, kursi iwm.
santeeci
Ku s.: wax derbi iwm ku tiirin.
santeecid
eegh santeec².
santeecin
ld santeecis.
santeecsan
Qof wax derbi, kursi iwm ku tirsan ahaansho.
santeecsanaan
ld santeecsanaansho.
santeecsanaansho
/dh ld santeecsanaan.
santeecso
Kursi, derbi iwm ku tiirsasho.
santuur
Qori marka hashu ilmaha diiddo sanka looga xiro oo mayrax lagula duubo.
santuuran
Hal wax la santuuray ahaansho.
santuurnaan
ld santuurnaansho.
santuurnaansho
/dh ld santuurnaan.
sanuun
1. Sunbaax ama urta ka soo baxda hilib la shiilayo ama la dubayo. 2. Saac-xumo dhacda oo wax kasta khayrka ka qaadda.
sanuunad
Iidaan ka samaysan hilib, khudaar, dufan iyo geedo udgoon oo la isku shiilay; suugo.
sanuunadaysan
Wax sanuunad leh ahaansho.
sanuunadaysnaan
ld sanuunadaysnaansho.
sanuunadaysnaansho
/dh ld sanuuna-daysnaan.
sanuunadee
Cunto sanuunad u yeelid.
saq
1. Hurdo dheer. 2. Habeen bar.
saqaaf
Macne la'aan socosho. ld saqaafee.
saqaafe
Socod warwareeg ah oo lagu qaraabto. ld saqaaf¹.
saqaafid
ld saqaafeyn.
saqaf
Qori xalleefsan, ilko leh timaha dhaadheer lagu shanleeyo.sarar¹
saqafaysasho
ld saqafaysad, saqafaysi.
saqafayso
Timo saqaf ku firasho.
saqafee
Timo saqaf ku firid.
saqajaan
1. S. ah: qof dhaqan xun oo aan xishoon. 2. Xishoon la'ahaanshada.
saqdambeed
Gelindambeed.
saqdhexaad
Gelindhexaad.
saqiir
Ilmo yar. ld siqiir¹.
saqiirid
ld siqiirid.
saqiirnimo
Saqiir ahaansho. ld siqiir-nimo.
saqiirragawrac
Colaad xun oo labo qolo dhax marta.
saqiirsuuji
Ilmo yar nafaqadii iyo xannaanadii uu ku kori lahaa seejin.
saqiirsuujin
ld saqiirsuujis (2).
saqiirsuujis
1. S. ah: Qof dumar ah oo ilmo yar si xun u xannaanaysa. 2. ld siqiirsuujin.
saqle
Nooc ka mid ah orodka geela.
saqlee
Saqle ku ordid.
sar
1. Aqal weyn oo dhagax iwm laga dhisay; daar. 2. Harag neef weyn oo geel ama lo' ah.
saraacimo
Libaaxbadeed aad u weyn oo gafuur dheer iyo ilko kuwa miinshaarta u eg leh.
saraad
1. Wax dhici doona oo la sii sheego. 2. Calaamado iyo dhacdooyin tus-meeya wax dhici doona.
saraadi
Wax dhici doona mala-awaalid.
saraadin
ld saraadis.
saraar
Weylo daaqa oo aan dhibaato mudanayn caanaha hooyada hadday waa-yaan.
saraarogabbalayn
saraarogabbalee. ld saraarogabbalays.
saraarogabbale
Arar laga hormariyo intaan la guda gelin hadal du-lucdiisa.
saraarogabbalee
Hadal dulucdiis intaan la gudagelin arar sheegid.
saraaxad
Wax sheegidda si cad oo aan qaris lahayn wax loo sheego.
saraayee
Cid dhibaato weyn gaarsiin.
saraayo
Dhibaato weyn; dareen.
sarab
Ulo dhuudhuuban oo wax lagu dhiso.
sarac
1. Mudmudidda geed la rabo in dhacaan laga keeno la mudmudo. 2. Beerfal. 3. Saf.
sarajoog
1. Taagnaanta qof taagan-yahay. 2. ld sarajoogid.
sarajoogid
ld sarajoog¹ (2).
sarajoogso
Fadhi ka istaagid.
sarakac
Ka istaagidda fadhi laga istaago. ld sarakicid.
sarakicid
ld sarakac¹.
saran
Wax la saray ahaansho.
saranji
Ku xigeenka naaquudaha doonta.

