Words starting with 'S'
3,161 Somali words beginning with 'S' — page 11 of 32.
sarsaar
Geed ka mid ah geedaha dhulka ku faalala ama geedaha kale isku mara oo aan qodax lahayn, laamo jiljilacsanna leh.
sarsar
1. Jeexjeex yaryar oo aan maqaarka dhaafsanayn oo oogada loo yeelo. 2. Oodda reerka dusha uga wareegsan; deyr; meegaar; 3. Dhinac.
saruuradow
1. Jeelka hilib cunidda loo qabo. 2. Cudur ay hilib ka raagiddu keento. 3. Roobsugow.
sarwacan
Qof dadka ka dabci duwan ahaansho.
sarwacnaan
ld sarwacnaansho.
sarwacnaansho
/dh ld sarwacnaan.
sarweji
1. Haragga wejiga xoolaha laga bixiyo. 2. Haragga wejiga dadka.
saryan
Biciid lab oo tabar gal ah.
sas
Naxdin kedis ah oo lala argagaxo.
sasi
Si kedis ah cid uga nixin.
sataar
1. Mid ka mid ah magacyada Eebbe. 2. Daah.
sati
Weel laba qalbac isugu aabburan oo la dhexgeliyo quliyaasha laguna qaado.
satiyaysan
Wax la satiyeeyey ahaansho.
satiyaysnaan
ld satiyaysnaansho.
satiyaysnaansho
/dh ld satiyaysnaan.
satiyee
Baaquli sati u samayn.
sawaab
Dhaandhaan; nacas.
sawaaban
Dhan-dhaan ahaansho.
sawaabi
Ka s.: cid dhimatay sadaqo la bixiyay Ilaah in uu ajar ka siiyo u baryid.
sawaabnaan
ld sa-waabnaansho.
sawaabnaansho
/dh ld sawaabnaan.
sawaaxil
Dhul xeebeed.
sawax
Qaylo dheer.
sawaxan
Buuq badan ama qaylo dheer.
sawd
Cod; dhawaaq; luuq.
sawir
1. Muuqaal u eg nafley ama wax kale oo gacanta lagu masawiray ama aalad wax sawirta. 2. Qof aan caqli lahayn; nacas.
sawiran
Wax la sawiray noqosho.
sawiranyahay,
mar kastana raaci karta; jookar.
sawirle
Qof aaladda wax sawirta ku shaqeeya oo aqoon u leh.
sawirnaan
ld sawir-naansho.
sawirnaansho
/dh ld sawirnaan.
sawirnimo
Sawir ahaansho.
sawjar
Askeri caddaan ah oo aan derejo lahayn. ld sowjar.
sawjarnimo
Askeri ahaansho. ld sowjarnimo.
sawlac
Heerka bislaanshaha miraha ee ka horreeya qallaylka.
sawlacsan
Wax sawlac gaaray ahaansho (miro).
sawlacsanaan
ld saw-lacsanaansho
sawlacsanaansho
/dh ld sawlacsanaan
sawlax
Weyrax.
sawo
S. ah: isku mid ah oo aan wax is dheereyn.
sawrac
Meesha laga soo farcamay.
sax
S. ah: wax aan qalad ahayn.
saxaab
Daruur.
saxaafad
Habka, aqoonta iyo farsama-da loo isticmaalo war lagu baahinayo jara'-id.
saxaarad
Santuuq weyn oo alwaax ka samaysan oo wax lagu rito. ld seexaarad.
saxaax
Xubnaha taranka iyo meesha ay ku yaallaan.
saxafi
Qof aqoon u leh cilmiga saxaafadda. ld suxufi.
saxal
1. Meeraha u dhexeeya dhulka iyo Mariiqa; raage.2. Waqti dhibaato badan oo qof mushkilaysanyahay. Tus. “Cali saxal baa haya”. 3. S. ah: qof nasiib daran oo la karahsado.
saxan
1. Weel dhoob ama macdan iwm ka samaysan oo yara godan cuntadana lagu cuno. 2. Shay yar, fidsan, wareegsan oo heeso iwm ku duubanyihiin. ld sixni.
saxansaxo
Neecaw qabow, udgoon oo roob soo hooray ka soo hormarta.
saxar
Cad qori, caws ama wax kale ka soo jabay, aad u yar oo dabayshu qaadi karto; firo.
saxar-qaad
(c.cimi.) Duufaan bus fara badan ka buuxisa gibilka taas oo aragga si la taaban karo u yaraysa, mararka qaarkoodna waxaaba uu gaaraa araaggu ilaa iyo eber.
saxar-saleed
(c.fal) Magac guud oo ay wadaagaan dhammaan saxar-rada uu maatarku ka kooban yahay ee aan loo sii kala jabin saxarro ka sii yar.
saxariir
Dhibaato aad u badan; silic; rafaad.
saxariiri
Cid dhibaato weyn gaarsiin.
saxariirsan
Nafley wax dhibaato hayso ahaansho.
saxariirsanaan
ld saxariirsanaansho.
saxariirsanaansho
/dh ld saxariirsa-naan.
saxarka
(kiim.) Bu'da heliyam oo ay bixisay bu' weyn oo uu ku dhaca mataatax kaahfaleed. S. a. ma laha tamar socod badan, waxaana markiiba nuugta hawada.
saxaro
Cuntada dadku cuno inteeda oogadu nacdo oo ka soo baxda futada; xaar.
saxaroo
Saxaro dhigid.
saxartir
Wax aad u nadiifin.
saxasho
ld saxad, sixad, sixasho.
saxid
ld saxniin, sixid.
saxiimad
Badan weyn oo si gaar ah loo sameeyey, matoor lehoo maraakiibta wax loogu geeyo loogana soo qaado. ld sixiimad.
saxiix
Qoraal la sharciyeynayo oo magac dhan ama la gaabiyey hoosta looga dhigo.
saxiixan
Wax la saxiixay ahaansho.
saxiixnaan
ld saxiix-naansho.
saxiixnaansho
/dh ld saxiixnaan.
saxiixo
Qoraal la sharciyeynayo, hoosta magac la gaabiyey ama kaamil ah uga qorasho.
saxnaan
ld saxnaansho.
saxnaansho
/dh ld saxnaan.
saxo
Xaaladda uu ku sugan yahay jir aan cudur hayn. ld sixo¹.
say
Wax naag ninka qabaa u yahay.
sayaaq
Qof ka shaqeeya farsamaynta dahabka, qalinka iwm.
sayanooko-baalamin
Madoo-baashada maqaarka iyo xuubabka daboola daloolalada jirka: indhaha, afka, futada, siilka iwm. Waxaana keena oksijiinka oo ku yaraada dhiigga.

