0

shoog

m l (daaw.)

Xaalad cudureed la socota marka cadaadiska dhiigwareegga uu aad hoos ugu dhaco oo uu dhiiggu gaari waayo soohyada.

0

shookad

m dh

1. Bar yar, cad oo isha dhexdeeda (birteeda) ku samaysanta. 2. ld shooko (2).

0

shooki

m l (-iyo, m.dh)

Saldhig boolis.

0

shooko

m dh (-ooyin, m.l)

1. Qalab bir ah oo af godan leh, yaambadana u eg oo geedaha lagu qoro. 2. ld shookad. Yaambo yar oo xooggan oo dhulka adag lagu falo.

0

shool

f mg1 (-oolay, -ooshay)

Faanid (cid).

0

shoolad

m dh (-do, m.l)

1. Markabka meesha qiiqu ka baxo. 2. Dhuun kasta oo dheer korna u taagan oo qiiqa kor u saarta. 3. Qalab bir ka samaysan, gaas ku shaqeeya oo wax lagu karsado.

0

shoolid

m f dh

Eeg: shool

0

shoolo

m dh

Meel loogu dhakado neefka (ugaar) la rabo in la khatalo; shoomo.

0

shoon

m dh (-nno, m.dh)

Geedo badan oo isku meel ku urursan.

0

shootoli

m l

Eeg: sootoli

0

shoox

m l u

Kalluun yaryar oo cutub-cutub isu raaca.

0

shooxaad

m l

Nooc nibiriga ka mid ah.

0

shooxo

m dh (-ooyin, m.l)

Balli yar oo meel xaani ah ku yaal.

0

shoqfol

m dh

Eeg: shaqfal

0

show

fk we

Eeg: sow

0

showmadoonto

m dh

Nooc ka mid ah mariidka oo si deg-deg ah neefka u dila, baadigoobkiisana aan loo dheeraan.

0

showr

m l

Eeg: shawr¹

0

showrid

m f dh

Eeg: shawrid

0

shub

m l

1. Dhis ka samaysan bir, ciid, quruurux iyo shamiinto isku dhafan oo isku qallalay. 2. Cayaar ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed, leh jiib iyo jaan oo ragga iyo dumarku wada dheelan. 3. ld shubid.

0

shubaako

m dh

Eeg: shabaako

0

shubaal

m dh

1. Laxooxda balballaaran nooc ka mid ah oo macaan. 2. Shubidda ceel la shubo. 3. ld shubid.

0

shuban

m l

Saxaro badan, jilicsan oo nafleyda qaarkeed gadaal ka dhigto.

0

shuban4

f mg4 (-bnaa, -bnayd)

1. Hoore wax la shubay ahaansho. 2. Xoolo wax la waraabshay ahaansho.

0

shubasho

m f dh

Eeg: shubo

0

shubid

m f dh

ld shub¹, shubaal, shubniin.

0

shubme

m l (-mayaal, m.l/dh)

Hoore.

0

shubmid

m f dh

Eeg: shuban³

0

shubnaan

m f dh

ld shub-naansho.

0

shubnaansho

m l

/dh ld shubnaan.

0

shubniin

m l

Eeg: shubid

0

shubo

f g3 (-btay, -batay)

1. Hoore, badar iwm meel ku geddisasho. 2. Xoolo wa-raabsasho.

0

shucaac

m l

1. Iftiinka qorraxda. 2. Tamarta ka dhalata mataataxa ku dhaca walxaha qaarkood, sida yuraaniyanka iwm.

0

shucaacid

m f dh

Eeg: shucaac²

0

shucayb-sacaaf

m l (c.nafl.)

Noolayaal yaryar oo dul sabbeeya biyaha badaha iyo harooyinka. Shucaybsacaafka waxa ka mid ah xayawaannada iyo dhirta ili ma-aragtayga ah, sida aljiga, borotosoowaha iwm.

0

shucays

m l

Eeg: shacays¹

0

shucub

m l (-bbo, m.dh)

1. Dun, mayrax iwm oo wax lagu qurxiyo. 2. Cutub ubax ama miro ah oo isku meel ka soo baxay, sida miraha canabka. 3. Toorrey daabkeeda inta sare ee maartu ku jirto.

0

shucuur

m l

/dh Dareen; qiiro.

0

shufeer

m l (-rro, m.dh)

Qof baabuur wada; wade.

0

shuftanimo

m dh (taar.)

Dagaalyahan ee dagaallamaaya oo ka mid ah ciidan aan rasmi ahayan, ee ka soo horjeeda ciidamada dawladda iyo booliska; jabhad.

0

shuftayn

m f dh

ld shuftays.

0

shuftays

m l

Eeg: shuftayn

0

shuftee

f mg2 (-teeyay, -taysay)

Qof dhac iyo dil u banbixid.

0

shufto

m dh (-ooyin, m.l)

Dad u banbaxay dhac, dil iyo boob.

0

shuftoobid

m f dh

Eeg: shuftow

0

shuftow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Shufto noqosho.

0

shugri

m l

Mahadcelin.shummi

0

shugrin

m dh

Eeg: shugriyid

0

shugrinaq

f mg1 (-qay, -qday)

U sh.: cid u mahad celin.

0

shugrinaqid

m f dh

Eeg: shugrinaq²

0

shugrinnaq

m l

Mahadcelinta loo mahad-celiyo qof abaal galay.

0

shugriyid

m f dh

ld shugrin.

0

shuhub

m l (c.fal)

Gabal ka soo go'ay maatar adag oo soo galay gibilka qaybtiisa sare kana yimid dulalaati sare,lagana arko dhulka, ilays ka dhasha isxoqidda isaga iyo hawada uu soo dhexmarayo awgeed.

0

shukaami

f g2 (-iyay, -isay)

1. Haweenay xodxodasho. 2. Qof qalqaalin. 3. Doon, markab iwm wadid.

0

shukaamin

m f dh

ld shu-kaamis.

0

shukaamis

m l

Eeg: shukaamin

0

shukaan

m dh (-mmo, m.l)

1. Meesha uu fariisto qofka wada baabuur, markab,dayuurad iwm. 2. Isku joog garangar ama wax u dhigma iyo xubno kale ka kooban oo gaadiidka badda, cirka iyo dhulka ninka wadaa uu adeegsado.

0

shukaansad

m l

Eeg: shukaansasho

0

shukaansasho

m f dh

ld shukaansasd, shukaansi.

0

shukaansi

m l

Eeg: shukaansasho

0

shukaanso

f g3 (-saday, -satay)

1. Hawee-ney xodxodasho. 2. Cid qalqaalsasho.

0

shukaysad

m l

Eeg: shukaysasho

0

shukaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Naag wax shuko gashan ahaansho.

0

shukaysasho

m f dh

ld shu-kaysad.

0

shukaysnaan

m f dh

ld shu-kaysnaansho.

0

shukaysnaansho

m l

/dh ld shukaysnaan.

0

shukayso

f mg3 (-stay, -satay)

Haweeney shuko xirasho.

0

shuko

m dh (-ooyin, m.l)

Maro badanaa midab madow leh oo dumarka muslinka ahi qaataan oo oogada dhan wada qarisa; shaadir.

0

shukul

m l (-llo, m.dh)

Tumidda badar kal iyo mooye lagu tumo si isha looga bixiyo. ld sukul¹.

0

shukulaato

m dh

Nooc macmacaanka ka mid ah oo midab bunni ah leh lana cuno.

0

shukulan

m l

Nooc maansada ka mid ah oo markii la qaadayo lacayaaro.

0

shukulasho

m dh

Eeg: sukulasho

0

shukulid

m f dh

Eeg: sukulid

0

shukulnaan

m dh

Eeg: sukulnaan

0

shukulnaansho

m l

/dh ld sukulnaan.

0

shukulo

f g3 (-ushay, -ulatay)

Eeg: sukulo

0

shukumaan

m l (-nno, m.dh)

Maro duf leh oo badanaa suuf ka samaysan oo biyaha laysaga tirtiro.

0

shukuxi

f g2 (-iyay, -isay)

Digir tartiib u sukulid.

0

shukuxin

m f dh

ld shukuxis.

0

shukuxis

m l

Eeg: shukuxin

0

shukuxsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Digir wax la shukuxay ahaansho.

0

shukuxsanaan

m f dh

ld shukuxsanaansho.

0

shukuxsanaansho

m l

/dh ld shukuxsanaan.

0

shulle

m l (-layaal, m.l/dh)

1. Fardaha canqawgooda hoose oo qoofalka lagu xiro. 2. Cagta dadka iyo dhudhunka meesha ay iska galaan; canqaw. ld shullo.

0

shullo

m l

Eeg: shulle

0

shulshul

m l (-llo, m.dh)

1. Laalaabka googaradaha haweenka, daahyada, darii-shadaha iyo albaabadu ay ku yeeshaan meesha dulaca laga geliyo. 2. Raamaha loo yeelo darfaha maryaha qaarkood ee lagu qurxiyo.

0

shulshulan

f mg1 (-lmay, -lantay; lmi)

Wax shulshul yeeshay noqosho.

0

shulshulid

m f dh

Eeg: shulshul²

0

shulshulmid

m f dh

Eeg: shulshulan¹

0

shulshulnaan

m f dh

ld shulshulnaansho.

0

shulshulnaansho

m l

/dh ld shulshulnaan.

0

shulug

m l (-gyo, m.dh)

Shaati dheer oo ilaa shullaha gaara oo badanaa carabtu qaadato.

0

shumac

m l

Eeg: shamac

0

shumbul

m l (-llo, m.dh)

Orgi yar oo gaaray da'dii uu riyaha ku orgayn lahaa.

0

shumbulnimo

m dh

Shumbul ahaansho.

0

shummayn

m f dh

ld shum-min, shummis.

0

shumme

m l

Eeg: shummo

0

shummee

f g2 (-meeyay, -maysay)

Cid dhunkasho. ld shummi.

0

shummi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: shummee

0

shummin

m dh

Eeg: shummayn

0

shummis

m l

Eeg: shummayn