Words starting with 'S'
3,161 Somali words beginning with 'S' — page 24 of 32.
siibnaan
ld sibnaansho.
siibnaansho
/dh ld siibnaan.
siibo
Qodax, musbaar, xidid iwm oo meel ku jirey ka soo bax-sasho.
siic
1. Dhega-adeyg muujin. 2. Dhibkujir. 3. Yas.
siicley
Haweenay dhega-adag.
siiclow
Wiil dhega-adag.
siidal
Carruur.
siidimmo
Qardhabo yar oo garka timaha cirrada ah looga siisiibo.
siif
Meesha ay wax ka soo unkamaan; sinji.
siifad
1. Saliidda beerka libaax-badeedka laga shiilo. 2. Urka saliidda beerka libaax-badeedka iwm.
siifadee
Doon siifad marin.
siig
Ugaarta waweyn nooc ka mid ah oo biciidka u eg kana yar aadna u dheereeya lehna geeso dhaadheer oo gadaal u rogan.
siigadaaq
S. ah: xoolo meel cagtu ku badatay daaqa.
siigee
/mg2 (-geeyay, -geysay) 1. (fg.) Wax habaas u yeelid. 2. (fmg.) Cid habaas kicin.
siigo
1. Habaas; boor; bus. 2. Dabayl xooggan oo carro wadata.
siihaye
Qof xil si aan rasmi ahayn u haya; kusime.
siijeed
1. Oogada qaarkeeda sare, dhanka jeegada iyo dhabarku ku yaalliin. 2. Wajhadda dambe ee wax leeyihiin, sida buuraha, aqallada iwm. 3. Dulqaad iyo wax qodqodis la'aan.
siikant
1. (xis.) Fansaar tirigonoometeri ee xagal la mid ah rogaalka kosaynka xagasha. Taasoo ah sec(theta) = 1/cos(theta) 2. (xis.) Xarriiq goysa xood. 3. (xis.) Xarriiq toosan kana jara goobada laba barood. Qaybta xarriiqda leh u dhexeysa labada barood ee is-goyska waa boqonka xoodka.
siil
Xubinta dhalmada ee haweenka.
siilaanyo
Nooc xamaaratada yaryar ka mid ah oo mulaca u eg kana yar.
siilad
1. Weel macdan ah, sidda leh oo sida wadaanta biyaha loo darsado. 2. Baal-di. 3. ld saylad.
siilholac
Halaamacoodka siilka oo uu keeno sida badan deris ku noolka la iraahdo “trichomonas vaginalis”, oo u sabab ah: cunto xumo iyo nadaafad xumo.
siima
Ereyga loo isticmaalay si loo garto dhadhaabaha culus ee Oogada dhulka, oo ka mid yahay basalt, oo ka hooseeya siyaalka, lana rumaysanyahay inuu yaal salka badda.
siimbaar
(muus.) Qalab muusikada ka mid ah oo la afuufo lehna dhuun dheer oo dhuuban iyo daloollo, fureyaal faraha lagaga cayaaro oo foori jaadad badan leh laga soo saaro oo cayaaraha istunka marka la billaabayo iyo marka la joojinayo la yeeriyo; malkad.
siimi
Duuf iska soo saarid.
siimow
Biyo meel ku jira oo inta ay dhulka hoostiisa xulaan meel kale ka soo dhashuuma.
siin
ld siis.
siinad
1. Qurux. 2. (-do, m.l) Naqshad iyo xarar wax lagu qurxiyo.
siinee
1. Wax qurxin. 2. Wax xardhid.
siinsasho
ld siinsad.
siinso
Duuf iska soo saarid.
siiq
Geed dheer oo webiyada agagaar-kooda ka baxa.
siiqe
Ul dheer oo xooggan.
siiri
Firimbi. ld siidhi.
siiro
1. Taariikh nololeed. 2. Asluub; dhaqan.
siisiib
Raar wada cad oo aan marriin lahayn.
siiso
Boor; siigo; habaas. ld siise.
siisto
Erey macnahiisu walaal u dhigmo oo loo yiqiin haweenkii xisbiga leegada xubinta ka ahaa.
siji
Badar la tumay, haldhan, buunshe iwm u kala saarid.
sijin
ld sijis.
sijisan
Wax la sijiyay ahansho (badar la tumay).
sijisnaan
ld sijisnaansho.
sijisnaansho
/dh ld sijisnaan.
sijiso
Badar la tumay haldhan, buunsho iwm u kala baxsasho.
sikasta
fk. ld si.
sikhi
Qof aad deeqsi u ah.
sikhile
Soofe yar. ld sikhil.
sikhinnimo
Sikhi ahaansho.
siki
Wax in yar durkin.silsilad cunto
sikil
1. Badar budo iyo jiriir u kala saarid. 2. Badar qashin ka saarid.
sikilan
Wax la sikilay ahaansho (badar).
sikilaysan
Wax sikilo laga dhigay ahaansho.
sikilaysnaan
ld sikilaysnaansho.
sikilaysnaansho
/dh ld sikilaysnaan.
sikilee
Badar iwm sikilo ka dhigid.
sikilnaan
ld sikilnaansho
sikilnaansho
/dh ld sikilnaan.
sikilo
Badar iwm qashin ka saarasho.
siko
In yar durkid.
silaax
Qalabka lagu dagaallamo.
silac
Cid rafaad iyo dhibaato badan la kulmid.
silacsan
Wax silic hayo ahaansho. ld silicsan.
silacsanaan
ld silacsanaansho, silicsanaan, silicsanaan-sho.
silacsanaansho
/dh ld silacsanaan.
silci
Cid silac gayeysiin; saxariirin.
silcin
ld silcis.
silicdilyayn
ld silacdilyayn, silicdilyo.
silicdilyee
Si nacdiir (nacayb) leh cid wax u yeelid. ld silacdilyee.
silicdilyo
Si nacdiir leh oo cid wax loo yeelo. ld silicdilyayn.

