Words starting with 'S'
3,161 Somali words beginning with 'S' — page 19 of 32.
shidnaansho
/dh ld shidnaan.
shidni
Dhir udgoon iyo basbaas la isku shiiday, oo dhadhan wanaagsan oo cuntada lagu cuno leh. ld shadni.
shido
1. Nal, raadiye iwm daarasho. 2. Dab iwm hursasho.
shifaysasho
ld shifaysad, shifaysi.
shifayso
Wax kalsooni iyo iimaan ku qabid.
shifo
1. Caafimaad wax lagu cuno ama lagu cabbo; fayoobi; ladnaan. 2. (e.d) Erey duco ah oo cuntada ama cabidda horteeda la yiraahdo, ama qof saxday lagu yiraahdo; salaama!.
shig
Iin darteed hadal si dhib leh oo googo'an ugu dhawaaqid.
shiica
Dugsi ka mid ah dugsiyada fiqiga islaamka.
shiici
Sh. ah: qof nidaamka shiicada raacsan.
shiid
1. Dhar dun adag, midabyo badan oo dumarku qaato. 2. (-dad, ml.) Laba dhagax oo isku dul wareega oo badarka lagu ridqo. 3. Dhagax.
shiidaadi
Cid dhibaatayn.
shiidaado
Kulan la isugu yimaad xus, aroos iwm.
shiidan
Badar iwm wax la shiiday noqosho.
shiidnaan
ld shiid-naansho.
shiidnaansho
/dh ld shiidnaan.
shiifow
Cudur lo'da ku dhaca oo indhaha iyo afka biyo ka keenaan; cundugul.
shiikh
1. Nin diinta aad wax uga yaqaan; caalim. 2. Sh. ah: neef ido ah oo wada cad. ld sheekh.
shiikh-habaabis
Qof hadal badan, been- low ah hadalkana qurxiya oo run u ekey-siiya.
shiikhnimo
Shiikh ahaansho.
shiil
/dh (-lal/-lo, m.l) 1. Qodob madaxiisa ballaaran oo inta la kululeeyey wax buka lagu gubayo. 2. Barta ama raadka uu oogada ku reebo dabkaas. 3. Sh. ah: dhagax madow oo marka la isku dhufto dab bixiya. 4. Sh. ah: midab aad u madow oo dadku yeesho.
shiilamadow
Dhagax midab madow leh oo aad u adag. ld shiilmadow.
shiilan
Wax la shiilay ahaansho. ld shiilaysan.
shiilaysasho
ld shiilay-sad, shiilaysi.
shiilaysnaansho
/dh ld shiilnaan.
shiilayso
Shiil wax ku bislaysasho ama ku kululaysasho.
shiilcad
Dhagax dhadhaab dhalan rogan ah, iniinyaha uu ka koobanyahana ay roo-roon yihiin, wuxuuna ka soo askunmay dhagax buuradeed.
shiilee
Dhagax aad u kulul hoore ku kululayn.
shiilid
ld shiillimaad, shiil-niin.
shiillimaad
Shiilidda wax la shiilo. ld shiilid.
shiilmadoobe
Dhagax madow oo marka laysku dhufto habeenkii dab ka baxo.
shiilnaan
ld shiilaysnaan, shiilaysnaansho, shiilnaansho.
shiilnaansho
/dh ld shiilnaan.
shiilo
1. Subag ama saliid wax ku bislaysasho. 2. Burcad-dhalaalsasho.
shiimo
1. Sh. ah: meel kayn ah. 2. Sh. ah: meel dadka ama xooluhu ku badanyihiin oo buuq badan. ld sheemo.
shiin
Xarafka laba iyo tobnaad ee farta carabiga ah.shineemo
shiiq
1. Xumbo hoos u dhicid. 2. Wax buuran ama dabayl ka buuxdo yaraansho.
shiiqiye
(baay.) Hiddo barasho ahaan, sharaxaadda aliil, kaas oo awood badan leh marka laba aliil oo kala duwan oo hiddoside laga helo unugyo noole. Tusaale ahaan: dhererka geed salbuka ah waxa xukuma laba aliil, dheer (T) iyo cillinnimo (t). Marka labadooduba ay jiraan (Tt), taas macnaheedu waxa weeye, haddii ay unugyadu kala kaa-nyihiin, geedku wuu dheeryahay, maadaa-me “T” ay tahay shiiqiye “t”na ay tahay shiiqsane.
shiiqsane
(baay.) Aliil aan awood badan lahayn, marka laba aliil oo kala duwan laga helo unugyada noole.
shiiqsasho
ld shiiqsad, shiiqsi.
shiiqso
Quwaax iwm iyadoo la calalinayo dhacaan ka nuugid.
shiir
Ur aan aad u qurmuunayn sida kan dhididka dadka iwm.
shiiraar
Awr raran aad u daalid.
shiiraarsan
Rati raran wax aad u daalay ahaansho.
shiiraarsanaan
ld shiiraarsanaansho
shiiraarsanaansho
/dh ld shiiraar-sanaan.
shiiran
Nooc kalluunka ka mid ah.
shiis
Dhadhaab dhalan rogan oo u kala jajabi karta saxanno badan oo fidsan khafiifna ah (thin plates) kulka badan iyo cadaadiska dartood.
shiish
1. (-shash, m.l) Kurtun yar, bir ah oo ka soo taagan dhuunta buntukha madaxeeda hore oo marka wax la nishaabayo iyada iyo fantax yar oo iyaduna buntukha meel dhexe oo hore kaga taal laysku abbaaro. 2. Nishaab; toog.
shiishad
Dhagax dubnadeed oo wajiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min lix dhibcood ku leh.
shil
Dhibaato si lama filaan ah u dhacda.
shilimmow
Cudur qaniiyada shilinta laga qaado.
shilin
Lacag sarrif ah oo ka samaysan bir qiimaheeduna u dhigmo 100 senti.
shilis
Nafley baruur badan leh.
shillal
1. Dhis qoryo ka samaysan oo korkeeda xoolaha lagu qalo. 2. ld kullan, shillan, shillin. Geed abaareed dheer oo qodxo, qori adag iyo miro macaan oo la cuno leh; dhirta daawada laga sameeyana ka mid ah.
shimbir
/dh Cudur ku dhaca dadka iyo xoolaha oo afka qallociya.
shimbircaloolo
Cudur xiidmaha iyo caloosha geela uga dhaca.
shimbirlibaax
1. Shimbir af madow oo dhuuban leh, shimbiraha kalena cunta. 2. Guumays.
shimbirmalab
Shimbir yar oo dayn hilatada u eg lana eg oo dadka tusta meesha malabku ku jiro iyo bahallada halista ah.
shimbiryaxaas
Shimbir aan laga ag waayin yaxaaska oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hara ilkaha yaxaaska dhexdooda.
shin
1. Waqti. 2. Sid.
shindhalad
Sh. ah: wax markuu sidkiisii dhammaystay dhashay (ilmo, bil).
shineemo
1. Golaha filimada lagu daawado. 2. Filin. ld sinee-mo.
shinni
1. Xasharaad afar baal iyo oogo xaadi ku taagtaagantahay leh oo malabka samaysa. 2. Abuur; firi.
shinnidhaab
Awlallada qolalkooda yaryar oo shinnidu malabka ku kaydsato.
shinrimid
ld shinrin¹ (2).

