0

shalay

m dh fk

Maanta maalintii ka horrey-say. ld shalayto.

0

shalayto

m dh fk

Eeg: shalay

0

shalfad

m dh (-do, m.l)

Cad yar oo maro ah.

0

shalfo

m dh

Nabar ku samaysma tagoogta geela afkeeda kore marka shafku xoqo.

0

shalgad

m dh (-do, m.l)

Dhillo.

0

shallaa

f mg1 (-aayay, -ayday; -aayi)

Wax tegey ka qoomamayn.

0

shallaayid

m f dh

Eeg: shallaa

0

shallay

m l

Qoomamaynta laga qoomameeyo dhacdo hore. ld shallayto.

0

shallayto

m dh

Eeg: shallay

0

shalmaan

m l (-nno, m.dh)

Qoryo heeraabka afka ku wada haya oo doonyaha feero u ah.

0

shalmad

m dh (-do, m.l)

1. Calaamad madow oo candhada idaha ku taal. 2. Gar-basaar yar oo gabdhuhu luqunta saartaan. 3. Maro yar, bul jilicsan leh oo kooraha fardaha la dul saaro. 4. Qalab yar oo qof socod ku jira uu qaato.

0

shalwasho

m f dh

Eeg: shalwo

0

shalwi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax meel hoos u dheer oo ciriiri ah ku ridid.

0

shalwin

m f dh

Eeg: shalwi

0

shalwo

f mg3 (-waday, -watay)

Ku sh.: meel hoos u dheer oo ciriiri ah ku dhicid.

0

shamac

m l

1. Xanjo shinnidu samaysato oo malabka ku kaydsato. 2. Ul dhuuban oo xayr ka samaysan oo inta dhexda dun ama wax u eg laga geliyo la daaro ama shidma. ld shimic, shumac.

0

shamal

m l (-llo, m.dh)

Nooc cayaaraha shacbiga ka mid ah oo jiib, jaan iyo sacab lagu dheelo.

0

shambi

m l

Curri.

0

shambisgeys

m l

Geedgaab aan qodax lahayn oo daawo laga sameeyo.

0

shamiintayn

m f dh

Eeg: shamniitee

0

shamiintee

f g2 (-teeyay, -taysay)

Wax shamiinto marin.

0

shamiinto

m dh

Budo marka lagu qaso ciid, nuurad iwm dhagxanta, bulukeetiyada iwm ee wax lagu dhisayo la iskula qabto.

0

shammaal

m l

Dabayl xilliga xagaaga ah woqooyi ka timaadda.

0

shammir

f g1 (-ray, -rtay)

Meel cammirid (dad).

0

shammirid

m f dh

Eeg: shammir

0

shamrad

m dh (-do, m.l)

Qolalka guriga kan sariirtu taal oo la seexdo.

0

shamuum

f mg1 (-uumay, -uuntay)

Ku sh.: nafley badan meel isugu ururid.

0

shamuumid

m f dh

Eeg: shammum

0

shamuumsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Nafley meel ku xoonsan ahaansho.

0

shamuumsanaan

m f dh

ld shamuumsanaansho.

0

shamuumsanaansho

m l

/dh ld shamuum-sanaan.

0

shamuurey

m dh

Nooc meseggada ka mid ah oo midab guduudan leh.

0

shan

m dh

1. (t) Tirada afarta iyo lixda u dhexeysa; “5”. 2. Xoog; awood. 3. Gacan.

0

shanaad

m l t j

Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma shanta.

0

shanaq

f g1 (-nqay, -naqday; -nqi)

Cid deldelid.

0

shanayn

m f dh

Eeg: shanee

0

shanbal

m l (-llo, m.dh)

(muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada oo ka samaysan qori laba qalbac ah, oo mid walba dhexda u godanyahay, marka laysku dhuftana sameeya dhawaaq kan koorta u eg.

0

shanboogsiis

m l

Geednagaar aan qodax lahayn oo caleemo yaryar oo teel teel ah leh iyo ur biir ah, dhirta daawadana ka mid ah.

0

shanboolo

m dh

Nooc ka mid ah siyaabaha turubka loo cayaaro oo afar nin ku dheelaan hal turub oo biigga laga saaray.

0

shandad

m dh (-do, m.l)

Santuukh ka samaysan harag, safiito iwm leh siddo la qabsado oo safarrada lagu galo; boorso.

0

shanee

f g2 (-neeyay, -naysay)

1. Tiro afar ah shan ka dhigid. 2. Ka sh.: cid ka guul helid.

0

shanfarood

m l

Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban, caleemo yar-yar iyo miro la cuno oo ka baxa cadduun-ka.

0

shangeesle

m l (-layaal, m.l/dh)

Shaxan shan gees leh.

0

shangoyo

m dh

Ciyaar dhaqameed laga yaqaan gobolka Jigjiga.

0

shaniin

m l

Nooc qaraha ka mid ah oo macaan, biyo badanna leh.

0

shanlayn

m f dh

Eeg: shanlee

0

shanlaysasho

m f dh

Eeg: shanlayso

0

shanlayso

f g3 (-stay, -satay)

Timo shanlo ku feerasho.

0

shanle

m l (-layaal, m.l/dh)

1. Xaashi turub oo shan dhibcood leh. 2. Buntukh shan xabbadood qaada.

0

shanlee

f g2 (-leeyay, -laysay)

Timo iwm shanlo ku feerid.

0

shanley

m dh (-yo, m.l)

1. Maro shan waar ah. 2. Gabay gaaban.

0

shanlo

m dh (-ooyin, m.l)

Qalab caag, bir ama qori ka samaysan oo meel la qabsado iyo ilko dhaadheer oo isu dhawdhaw leh oo timaha lagu feerto.

0

shanqar

m dh

Eeg: sanqar¹

0

shanqari

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: sanqari

0

shanqarid

m dh

Eeg: sanqarid

0

shanqarin

m dh

sharafdhac²

0

shanqartirasho

m f dh

ld sanqartirad, sanqartirasho, shanqar-tirad.

0

shanqartiro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Si aan shanqar loo maqlin aayar u socosho. ld sharqartiro.

0

shanqid

m dh

Eeg: shanaq

0

shansho

m dh (-ooyin, m.l)

Xubinta u dhexeysa bowdada iyo majinta nafleyda qaarkeed.

0

shaqaabad

m dh

1. Rabsho; buuq. 2. Sh. ah: qof dhib badan.

0

shaqaale

m l u

1. Qof cid ama hay'ad u shaqeeya oo mushaar ka qaata. 2. Qof muruqmaal ah.

0

shaqaaqo

m dh

Rabsho; buuq; shil.

0

shaqaawis

m l

Nooc ka mid ah libaax-badeedka.

0

shaqad

m l (-do, m.dh)

Sh. leh: ri' midab bar madow iyo bar cad isugu jira leh.

0

shaqal

m l (-llo, m.dh)

Sharrax lagu qurxiyo weelasha, albaabada, dariishadaha iwm.

0

shaqala'aan

m dh

Xaaladda uu ku sugan yahay qof shaqo uu wax ka tacbado aan haysan.

0

shaqali'i

m l

Waayitaanka la waayo wax laga shaqeeyo.

0

shaqaqorid

m dh

Shaqo siinta qof shaqo la siiyo. ld shaqaqoris.

0

shaqaqoris

m dh

Eeg: shaqaqorid

0

shaqayn

m f dh

ld shaqays.

0

shaqays

m l

Eeg: shaqayn

0

shaqaysad

m l

Eeg: shaqaysasho

0

shaqaysasho

m f dh

ld shaqaysad, shaqaysi.

0

shaqaysi

m l

Eeg: shaqaysasho

0

shaqaysii

f mg2 (-iiyay, -iisay)

1. Ka sh.: qof in uu shaqo qabto ku kallifid. 2. Ka sh.: matoor iwm oo aan shaqaynayn hagaajin.

0

shaqaysiin

m f dh

Eeg: shaqaysii

0

shaqayso

f mg3 (-stay, -satay)

Shaqo qabsasho.

0

shaqee

f mg2 (-qeeyay, -qaysay)

Qof shaqo qabasho.

0

shaqfad

m dh (-do, m.l)

Laab; qalbi.

0

shaqfal

m dh (-llo, m.l)

Kilkil. ld shoqfol.

0

shaqiiq

m l

Cudur madaxa qabta oo wixii qabaa ilkaha isku lisaan oo jirriqsadaan.

0

shaqiiqato

m dh

1. Xanuun madaxa dhinac ka qabta; goonjab. 2. Iin ku dhacda geela oo isu dhowaysa addimadiisa dambe oo kilkiluhu is xoqaan oo nabar yeeshaan.

0

shaqlan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax sharrax lagu qurxiyey ahaansho. 2. Wax shaqal loo yeelay ahaansho.

0

shaqlanaan

m f dh

ld shaqla-naansho.

0

shaqlanaansho

m l

/dh ld shaqlanaan.

0

shaqlid

m f dh

Eeg: shaqal²

0

shaqo

m dh (-ooyin, m.l)

Wax kasta oo gacanta ama qalab kale lagu qabto, si faa'iido ama dan laga lahaa looga gaaro; hawl, shuqul.

0

shaqojoojin

m dh

Diidmo ay shaqaaluhu ku diidayaan in ay wadaan shaqada, ayaga o codsanayaan lacag dheeraad, ama xaalad ka wanaagsan tii hore.

0

shaqoli'i

m dh

Hayn la'aanta aan shaqo la hayn.

0

shaqoqorid

m dh

Shaqaalo qoridda.

0

shaqshaq

m l

Shay indho yaryar oo daldaloola leh oo budada iyo buunshada badarka lagu kala bixiyo.

0

shaqshaqid

m f dh

Eeg: shaqshaq²

0

shar

m l

/dh (-ro, m.l) Wax kasta oo samaha ka hor yimaad cawaaqib xumana keena.

0

sharaab

m l

Hoore la cabbo; cabbitaan.

0

sharaabid

m f dh

Eeg: sharaab²

0

sharaamiid

m l

Eeg: sharmuuto

0

sharabaad

m l

Hu' ka samaysan nayloon, cudbi, suuf iwm oo cagaha la gashado, kabahana layska xijiyo; kaalso. ld sharabaaddo.

0

sharabaaddo

m l

Eeg: sharabaad

0

sharad

m l

1. Nidar. 2. Xargaha waaweyn ee doonyaha mid ka mid ah. 3. (-dyo/shuruud, m.dh) Heshiis lacag ama wax kale ah oo laba qofood oo wax ku murmay isu dhigtaan. ld shardi, shirad.