0

sadaadoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Cid sadado dareemid.

0

sadacdheere

m l

Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka Afgooye oo leh sacab iyo biro layska garaaco.

0

sadaf

m l

Dhulman laba qalbac ka samaysan oo badanaa badda laga helo.

0

sadaq

m l (-qyo, m.dh)

Gogol ulo yaryar, dhuudhuuban oo isku xirxiran ka samay-san.

0

sadaqayn

m f dh

ld sadaqays, saddaqayn, saddaqays.

0

sadaqays

m l

Eeg: sadaqayn

0

sadaqaysad

m l

Eeg: sadaqaysasho

0

sadaqaysasho

m f dh

ld sadaqaysad, sadaqaysi.

0

sadaqaysi

m l

Eeg: sadaqaysasho

0

sadaqee

f g2 (-qeeyay, -qaysay)

Sadaqo bixin. ld saddaqee.

0

sadaqo

m dh (-ooyin, m.l)

Wax Alle dartii loo baxsho. ld saddaqo.

0

sadar

m l (-rro, m.dh)

1. Xarriiq toosan oo xaashiyaha wax lagu qoro loo yeelo. 2. Qoraal xaashi ku qoran oo hal diillin iskula yaal.

0

sadarraysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Xaashi, loox iwm wax sadarro loo yeelay ahaansho.

0

sadarraysnaan

m f dh

ld sadarraysnaansho.

0

sadarraysnaansho

m l

/dh ld sadarrays-naan.

0

sadarree

f g2 (-reeyay, -reysay)

Xaashi iwm sadarro u yeelid.

0

sadarreyn

m f dh

ld sadarreys.

0

sadarreys

m l

Eeg: sadarreyn

0

sadax

m l

1. Wax docdooda fidsantahay oo kore. 2. ld sagxad. Baabuur, markab iwm meesha sare ee alaabta la dhigo.

0

sadcaal

m l

Eeg: socdaal¹

0

sadcaalid

m dh

Eeg: socdaalid

0

saddamid

m f dh

Eeg: saddan

0

saddan

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

Wax galiilyo hayso noqosho.

0

saddaqayn

m dh

Eeg: sadaqayn

0

saddaqays

m l

Eeg: sadaqayn

0

saddaqayso

f g3 (-stay, -satay)

Eeg: sadaqayso

0

saddaqee

f g2 (-qeeyay, -qeysay)

Eeg: sada-qee

0

saddaqo

m dh (-ooyin, m.l)

Eeg: sadaqo

0

saddaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax siddo loo yeelay ahaansho.

0

saddex

m dh t

Tirada labada iyo afarta u dhexeysa; “3”.

0

saddex-jibbaarane

m l (-nayaal, m.l/dh)

(xis.) Shaxan adke ah oo leh lix weji oo labajibbaareneyaal ah. Mugga saddexjib-baarane dhererka dhinaciisu yahay l waa l3.

0

saddex-madaxle

m l (-layaal, m.l/dh)

(c.nafl.) Muruq saddex madax leh, gaar ahaan saddexsuullaha cududda oo ku yaal cududda xaggeeda dambe wuxuuna fidiyaa dhudhunka.

0

saddex-xagal

m l (-llo, m.dh)

Shaxan saddex gees leh.

0

saddex-xagal-dhinacyo-isle'eg

m l (xis.)

Saddex-xagal leh saddex dhinac oo isle'eg iyo xagal kasta oo ka mid ah xaglihiisuna cabbirkeedu dhanyahay 60°.

0

saddex-xagal-isma

m l (xis.)

Saddex-xagalka dhammaan dhinacyadiisa iyo xaglihiisuba aan isle'ekeen.

0

saddex-xagal-labaale

m l (xis.)

Saddex-xagal leh laba dhinac oo isle'eq iyo laba xaglood oo isleeq.

0

saddex-xagalley

m l (xis.)

Dariiqo sahamin ah oo la dhisayo shabaq saddex-xagallo ah, oo suurto geliya in lagu sawiro khariidad toobograafiyeed qiyaas weyn leh.

0

saddexaad

m dh t j

Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma saddexda.

0

saddexan

m l

1. Nafley dheddig iyo labadeeda cunug oo wada jira. 2. Koox ka kooban saddex cunsur.

0

saddexanyo

m dh

1. Nooc cawska ka mid ah. 2. Hub laba waran iyo gaashaan ka kooban.

0

saddexdhudood

m l (-dyo, m.dh)

Maro weyn, cad oo haweenka reer miyigu xir-taan; saddexqayd.

0

saddexeeye

m l (-yayaal, m.l/dh)

1. Laba wiil oo isku hooyo iyo aabbe ah, wiil saddexaad oo waalidkood dhalay oo ku soo kordha. 2. Arrin, dood iwm oo laba qof isku hayaan qof aan loo baahnayn oo soo dhex gala siina fidneeya.

0

saddexeysad

m l

Eeg: saddexeysasho

0

saddexeysasho

m f dh

ld saddexeysad, saddexeysi.

0

saddexeysi

m l

Eeg: saddexeysasho

0

saddexeyso

f mg3 (-stay, -satay)

Saddex ka dhigasho (wax).

0

saddexgees

m l (-syo, m.dh)

1. Shaxan saddex dhinac leh. 2. S. ah: nooc ablayda ka mid ah oo daabkeedu xaggiisa sare saddex ganood ku leeyahay.

0

saddexjibbaar

m l (-rro, m.dh)

1. Tiro saddex jeer la isku dhuftay. 2. Tiro saddex jeer la isku dhuftay.

0

saddexjibbaaran

f mg1 (-rmay, -rantay; - rmi)

Tiro wax saddex jeer la isku dhuftay ahaansho.

0

saddexjibbaarasho

m f dh

Eeg: saddexjib-baaro

0

saddexjibbaarid

m f dh

Eeg: saddexjibbaar²

0

saddexjibbaarmid

m f dh

Eeg: saddexjib-baaran¹

0

saddexjibbaarnaan

m f dh

ld saddxejibbaarnaansho.

0

saddexjibbaarnaansho

m l

/dh ld saddexjib-baarnaan.

0

saddexjibbaaro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Tiro saddex jeer isku dhufsasho.

0

saddexle

m l (-layaal, m.l/dh)

Xaashi turub oo saddex dhibcood leh.

0

saddexley

m dh

Cayaar jiib iyo jaan leh oo saddex goor la gooyo kana mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka sooma-liyeed.

0

saddexlugood

m l (-dyo, m.dh)

Xarig ka samaysan saddex dhudood oo laysku soohay.

0

saddexnaan

m f dh

ld saddexnaansho.

0

saddexnaansho

m l

/dh ld saddexnaan.

0

saddexo

m dh

Nagaar yar oo doomaarta ka tirsan.

0

saddexqad

m l kh

1. Kal saddex beri biyaha laga qado. 2. S. qad ah: xoolo nugul ah oo aan saddex beri biyo cabbin.

0

saddexqadid

m f dh

Eeg: saddexqad²

0

saddexqeyd

m l (-dyo, m.dh)

Maro haweenku waayadii hore qaadan jireen oo saddex qeyd oo isku tolan ka samaysan.

0

saddexsaamood

m l

Ciddisiib.

0

saddexsuulle

m l (-layaal, m.l/dh)

Muruq salka saddex madax ku leh.

0

saddexsuulley

m dh

Xaalaquf, qarandi.

0

sadhee

f g2 (-dheeyay, -dheysay)

1. Aafeyn. 2. ld saree.

0

sadheyn

m f dh

Eeg: sadhee

0

sadho

m dh

Aafo.

0

sadiibo

m dh (-ooyin, m.l)

Bir yar oo qadhabi ah oo ragga gadhmadowga ah cirradu ku siibsiibo.

0

sadkax

m dh

1. Geed nagaar yar oo leh laamo iyo caleemo jilicsan iyo miro la cuno, askax. 2. Miraha geedkaasu dhalo.sagaashamaad

0

sado

m dh

Canshuur la siiyo boqorrada. ld sedo.

0

sadqayn

m f dh

Eeg: sadqee

0

sadqee

f g2 (-qeeyay, -qaysay)

Xoolo allabari ahaan u qalid.

0

sadqo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Xoolo allabari ahaan loo qalo. 2. S. ah: qof aan qiimo lahayn.

0

saf

m l (-faf, m.l)

Wax badan is wada barbar taagan, aan kala horreyn kalana dambayn; sarac.

0

safaarad

m dh (-do, m.l)

Xaafiiska danjiraha. ld safaaro.

0

safaaro

m dh

Eeg: safaarad

0

safad

m l (-dyo, m.l)

1. Qufad yar oo qurxoon aaburna leh oo caw ka samaysan waxna lagu rito. 2. ld safasho.

0

safaleeti

m l (-tiyaal, m.l/dh)

Eeg: fasaleeti

0

safan

m l

Dildillaac dadka kaga dhaca cagaha oo qabowga iyo kulaylku keenaan. ld hilibsafan.

0

safar

m l

1. Socdaal. 2. Dad gaadiid wata oo arrin ganacsi magaalo u aaday.

0

safasho

m f dh

ld safad.

0

safayn

m dh

Eeg: sifayn

0

safaysan

f mg1 (-smay, -santay; -smi)

Eeg: sifaysan¹

0

safaysmid

m dh

Eeg: sifaysmid

0

safaysnaan

m dh

Eeg: sifaysnaan

0

safaysnaansho

m l

/dh ld sifaysnaan.

0

safee

f g2 (-feeyay, -feysay)

Eeg: sifee

0

safeexad

m dh (-dyo, m.dh)

Eeg: faseexad

0

safid

m f dh

Eeg: saf²

0

safiih

m l kh

S. ah: qof caqli gaab ah; doqon. ld sufeehi, sufiih, sufiihi.

0

safiir

m l (-rro, m.dh)

Danjire dalkiisa u jooga dal kale oo shaqo dibolomaasi u haya.

0

safiito

m dh (-ooyin, m.l)

1. Shay ka mid ah qalabka dhismaha oo guryaha dedkooda hoose lagu dhejiyo. 2. Wax kasta oo marka guryaha la dedo hoos looga dhejiyo.

0

safmar

m l kh

S. ah: cudur dad ama xoolo badan mar ku wada dhaca.

0

safnaan

m f dh

ld safnaansho.

0

safnaansho

m l

/dh ld safnaan.

0

safo

f g

/mg3 (-ftay, -fatay) 1. (f.g) Wax saf gelin. 2. (f.mg) Qof saf gelid.

0

safrad

m dh

Baahida la dareemo marka la hamuumanyahay.