Words starting with 'S'
3,161 Somali words beginning with 'S' — page 18 of 32.
shawr
Kulan qarsoodi ah oo arrimo gaar ah looga wada hadlaayo. ld showr¹.
shąwr
Geed biyaha dhanaan ka dhex baxa oo leh caleemo aad u balballaaran aadna u cagaaran iyo laamo dhaadheer oo wax lagu dhisto. ld shąwro.
shawri
Geed dheer oo toos u baxa oo caleemo yaryar oo dhuudhuuban iyo loo-xaan adag leh.
shawrid
ld showrid.
shawrin
ld shawris.
shąwro
ąwr.
shawshaw
Dhawaaqa shambalka soo saara.
shax
1. Cayaar dhulka lagu dhigto ama loox loo sameeyey korkiis oo laba qof lagu cayaaro. 2. Shilin yaryar oo aan ishu aad u qaban karin. 3. Jadwal.
shaxaad
1. Si wax loo weyddiisto qof la yaqaan laguna kalsoonyahay. 2. ld shaxaa-did.
shaxaadid
ld shaxaad¹ (2).
shaxam
Sh. ah: qof aad u buuran.
shaxan
Qaab jowmitiri.
shaxaroor
Baruur subaggii laga shiilay waxa ka soo hara; shariir.
shaxartaan
Qof xarrago badan.
shaxeex
1. Erey ama fal qof wax uu sugaayey looga hor istaago. 2. Warbixin been ah.
shaxgaab
Qof aan shaxda si fiican u aqoon.
shaxgaabnimo
Qof aan si fiican u garanayn shaxda ahaansho.
shaxid
ld shixid.
shaxiix
Bakhayl; masuug.
shaxshax
Sh. ah: wax nadaafad iyo muuqaal wanaagsan.
shaxyaqaan
Qof ciyaarta shaxda aad u yaqaan.
shaxyaqaannimo
Wax shax yaqaan ahaansho.
shay
gu waa wax leh qaab go'an oo aad taaban kartid, ama arki kartid oo aan nooleyn.
shaybaar
Meel qalabaysan oo tijaabooyinka cilmiga lagu sameeyo.
shayddaan
1. Uun aan muuqan oo dadka xumaha ku boorriya. 2. (-nno/-mmo,mdh) Qof xumaha ka taliya.
shayddaannimo
Shayddan ahaansho.
shaydiid
Sh. ah: qof cuqdo qaba oo dadka ka shakiya.
shed
Labanlaabidda shibbane carabi ah la labanlaabo.
shedan
Xaraf carabi ah wax la labanlaabay ahaansho.
shednaan
ld shed-naansho.
shednaansho
/dh ld shednaan.
sheed
1. (fk) Kor; mel dheer ama taag ah; buur. 2. Meel fog.
sheeg
Xog tabin.
sheegasho
ld sheegad.
sheegato
Dad sheegta tol aysan ka dhalan ee xeer iyo dano kale ku raacay.
sheegid
shiddo
sheego
1. Dacwad, arrin, qaan iwm jeedsasho. 2. Wax aan la ahayn ama la lahayn isku tilmaamid.
sheegsasho
ld sheegsad, sheegsi.
sheegso
Qof cidda uu ka dhashay wayddiin.
sheekabaraley
Hadal ama sheeko aan runta ku fadhiyin.
sheekasheeko
Hadal aan murti badan lahayn oo waqtiga laysku dhaafiyo. ld sheekosheeko
sheekaxariir
/dh ld sheekaxariiro.
sheekaxariiro
Sheeko murti leh, la mala-awaalo oo soo gudbisa dhaqanka dadka; maantooley. ld sheeka-xariir.
sheekayn
ld sheekays.
sheekaysasho
ld sheekaysad, sheekaysi.
sheekayso
Cid sheeko la yeelasho.
sheekee
Qof, sheeko sheegid.
sheeko
1. Hadal taxane ah oo dhacdo run ama been ah wax ka sheegaya. 2. Wax laysu sheego.
sheel
1. Meel wax lagu qarsado. 2. Xabsi.
sheellare
Bir xalleefsan, shukaanta halkeeda hoose ku taal oo marka cagta lagu riixo uu kordho xawliga wareegga matoorku.
sheellaree
Xawliga matoorka kordhin.
sheelo
Galka xaniinyaha oo weynaada xiidmaha oo soo gala awgeed.
sheelo-biyood
Biyo ku ururka kiishka xiniinyaha.
sheelow
Sheelo qaadid.
sheelto
Ciyaarta tammaanka dhibcaha lagu kala badiyo middood.
sheen
Ka ilaalinta awr qooqan uu ka ilaaliyo geela uu la jiro rati kale.
sheex
Xishood.
sheexo
1. Wax is haysta meel dhexe oo bannaan. 2. Jid yar oo laga samaysto madaxa bidix ama midig iyadoo timaha laba dhinac loo kala seexinayo. 3. Geeso xoolaad oo bidix iyo midig u kala jiifa.
shey
1. Geed weyn oo weligii cagaaran, dhala miro la cuno oo buuralayda ka baxa. 2. Wax; shay.
shib
1. Hadal la'aan. 2. Sh. ah: degganaan aan hadal iyo shanqar midna jirin.
shibban
Wax aan hadlayn ahaansho.
shibbanaan
ld shibba-naansho.
shibbanaansho
/dh ld shibbanaan.
shibbane
(nax.) Xaraf aan kaligii lagu dhawaaqi karin in shaqal lagu daro ma ahee; waxaa la maqli karaa kolka uu shaqal weheliyo. Tus. “b(a), t(a), j(a) iwm”.
shibbi
Cid aamusin.
shibir
Taako.
shibqi
Neef irmaan oo ido ah lisid.
shicir
Gabay.
shid
1. Dab iwm hurin. 2. Nal, raadiye iwm daarid.
shidaal
(kiim.) Walax la ogsidheeyo ama haddii kale lagu beddelo marraaq ama injiinka kulka si ay u sii dayso kulama tamar waxtar leh.
shidan
Dab, nal, raadiye iwm wax daarmay noqosho.
shiddee
Cid shiddo ku abuurid.
shiddo
Dhibaato; rafaad. ld shiidaad.
shidnaan
ld shid-naansho.

