0

seere

m l (-rayaal, m.l/dh)

1. Dalal isku qabsan oo dawlado kala leeyihiin ama gobollo, beero iwm xarriiqda u dhexeysa oo caddaynaysa meesha mid ku dhammaado midna ka billaawdo; soohdin; xudduud; xad. 2. Dhul laga xayiro daaq-sinka xilliga doogga ah si loo daaqo jiilaalka.

0

seeree

f g2 (-reeyay, -reysay)

1. ld seer 2. Dhul in muddo ah daaq ka xayirid. 2. Xabbad la riday meel la waayid.

0

seeri

m l (-iyo, m.dh)

1. Firimbi. 2. Dhul ka fog biyaha oo oomane ah.

0

seerid

m f dh

ld seerayn.

0

seeriwale

m l (-layaal, m.l/dh)

Laba kooxood oo cayaar kubbadeed isaga soo horjeeda, qofka dhexdhexaadinaya oo seeriga u haya; garsoore. ld siiriwale.

0

seermaweydo

m dh

Xilli roobab xoog badan da'aan oo bartamaha guga ah.

0

seernaan

m f dh

ld seernaansho.

0

seernaansho

m l

/dh ld seernaan.

0

seero

f g3 (-rtay, -ratay)

Dhul iwm xuduud u samaysasho. ld seerayso.

0

sees

m l (-sas, m.l)

1. Garangar yar oo qodxa ka taagtaagan yihiin oo weylaha gafuurka loo geliyo si aysan lo'da u nuugin. 2. Asaas; saldhig. 3. Nin ka shaqeeya xera-da fardaha.

0

seesar

m l (-rro, m.dh)

Saxan yar oo wareegsan yarana godan oo korkiisa bakeerida la saarto, wixii ka soo daatana celiya.

0

seeseemmane

m l (-nayaal, m.l/dh)

Nooc ka mid ah kalluunka badda ku jira oo sida badan hoos aada.

0

seesid

m f dh

Eeg: sees²

0

seetadheerayn

m f dh

Eeg: seetadheeree

0

seetadheeree

f mg2 (-reeyay, -raysay)

1. U s.: awr dabar u dheerayn. 2. U s.: cid muddo dheer u samrid.

0

seetayn

m f dh

Eeg: seetee

0

seetaysad

m l

Eeg: seetaysasho

0

seetaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax la seeteeyey ahaansho.

0

seetaysasho

m f dh

ld seetay-sad, seetaysi.

0

seetaysi

m l

Eeg: seetaysasho

0

seetaysnaan

m f dh

ld see-taysnaansho.

0

seetaysnaansho

m l

/dh ld seetaysnaan.

0

seetayso

f mg3 (-stay, -satay)

Awr seeto ku xirasho.

0

seetee

f g2 (-teeyay, -taysay)

Awr si uusan u fogaan labada addin oo hore xarig uga xirid.

0

seeto

m dh (-ooyin, m.l)

1. Xiridda la isku xiro labada addin oo hore ee awrka. 2. Xargaha awrta lagu seeteeyo.

0

seexaarad

m dh (-do, m.l)

Eeg: saxaarad

0

seexaari

m dh

Noocyada timirta jaad ka mid ah oo aan qiimo badan lahayn oo isku dhegdhegta.

0

seexad

m l

Eeg: seexasho

0

seexasho

m f dh

ld seexad.

0

seexaw

m dh

Baabi'inta wax la wada baabi'iyo.

0

seexi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Cid hurdisiin. 2. Dab iwm damin.

0

seexin

m f dh

ld seexis.

0

seexis

m l

Eeg: seexin

0

seexo

f mg3 (-xday, -xatay)

1. Qof, gam'id. 2. Dab iwm damid.

0

seexsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Dab iwm wax damay ahaansho.

0

seexsanaan

m f dh

ld seexsa-naansho.

0

seexsanaansho

m l

/dh ld seexsanaan.

0

seexsasho

m f dh

Eeg: seexso

0

seexso

f mg3 (-saday, -satay)

Carruur hurdo u diyaarsasho.

0

seeyo

m dh

Caws adag oo gogosha laga samaysto.

0

sefed

m dh (-do, m.l)

Wax meel laga gurayo oo meel kale la gaynayo inta hal mar la dejiyo: maqaasiinkii waxaa la keenay sefed baasto ah.

0

segeger

m l kh (-rro, m.l)

1. S. ah: qof madax adag oo aan wax maqal. 2. S. ah: wax matare, qof aad u garaad yar; nacas; dabbaal.

0

segegernimo

m dh

Segeger ahaansho.

0

sekan

m l

Daqiiqad; ilbiriqsi. ld seken.

0

seked

m dh (-do, m.dh)

Eeg: sakad

0

seken

m l (-nno, m.dh)

Eeg: sekan

0

sekeysad

m l

Eeg: sakeysasho

0

sekeysasho

m l

Eeg: sakeysasho

0

sekeysi

m l

Eeg: sakeysasho

0

sekeyso

f mg3 (-stay, -satay)

Eeg: sakeyso

0

seko

m dh

Eeg: sako

0

selel

m l

Eeg: salal¹

0

seleli

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: salali

0

selelid

m dh

Eeg: salalid

0

selelin

m dh

Eeg: salalin

0

selelsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax seleley ahaansho. ld salalsan.

0

selelsanaan

m f dh

ld salal-sanaan, salalsanaansho, selelsanaansho.

0

selelsanaansho

m l

/dh ld selelsanaan.

0

selled

m dh (-do, m.l)

Weel caw laga falkiyo oo midabyo badan loo yeelo oo suuqyada looga adeegto; dambiil. ld sallad².

0

sellim

f g1 (-imay, -intay; -imi)

Eeg: sallim

0

sellimid

m dh

Eeg: sallimid

0

seluloos

m l (baay.)

Bolisakraydh ka kooban halbeegyo gulukows ah, oo ah silsilad dheer oo aan faracyo lahayn. Waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka samaysanyihiin gidaarrada unugga ee dhirta sare.

0

semen

m l (-nno, m.dh)

Eeg: saman

0

semifaynal

m l (-llo, m.dh)

Tartan isboorti oo kooxo badani ka qaybgalaan wareeggiisa labaad.

0

senen

m l

Eeg: sanan

0

senge

m l (-gayaal, m.l/dh/-eyo, m.dh)

Orgi ama faras la dhufaanay oo cayillan. ld sange.

0

senti

m l (-iyo, m.dh)

Lacag sanuud ah midka ugu qiimo yar; dhururuq. ld santi.

0

sentiimitir

m l (-rro, m.dh)

Mitir boqol meelood loo qaybiyey meeshiis. ld shen-tiimitir.

0

serbi

m l

Ul yar oo jilicsan; dhenged.

0

serenji

m l (-iyo, m.dh)

Ku-xigeenka naakhuudaha markabka ama doonta.

0

serged

m dh (-dyo, m.dh)

Eeg: sargad

0

sergedayn

m dh

Eeg: sargadayn

0

sergedaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Eeg: sar-gadaysan

0

sergedaysnaan

m dh

shaafiin

0

sergedaysnaansho

m l

/dh ld sargadays-naan.

0

sergedee

f g2 (-deeyay, -deysay)

Eeg: sarga-dee

0

seri

m l

Dun xasaw ah, oo dharka qaarki ama alaabo kaleba lagu qurxiyo; tel.

0

seriir

m dh

Eeg: saliid

0

serji

m l (-iyo, m.dh)

Wax fidsan dhinaca uu ku dhammaado; af; qar.

0

setembar

m dh

Sanadka masiixiga ah bishiisa sagaalaad.

0

seylad

m dh (-do, m.l)

Eeg: saylad

0

seyle

m l (-layaal, m.l/dh)

Nooc ka mid ah halaqa ciidda u eg, booda oo halis ah; good; cawladile.

0

seylici

m dh

1. Qayb ka mid ah dariiqada qaadiriyada. 2. Nooc ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed oo jiib iyo jaan leh, oo ragga iyo dumarkuba wada cayaaraan.

0

seytuun

m l

1. Geed la beerto oo miro kulkulucsan oo khudrad ahaan loo cuno dhala. 2. Miraha geedka seytuunku dhalo.

0

sha'ni

m l

Si; xaal; ged; alab.

0

shaab

m l (-bab, m.l)

1. Nin dhallin yar oo xoog leh. 2. Sh. ah: dukaan badeeco ka buuxdo oo cammiran.

0

shaabbad

m dh (-do, m.l)

Shay dabo la qabsadana leh oo cijir ama bir ka samaysan oo hadal ama astaamo ku qoranyihiin oo dukumuntiga iyo warqadaha lagu dhufto. ld shabbad, shabbo.

0

shaabbadayn

m f dh

ld shaabbadays, shabbadayn, shabbadays, shabbayn, sha

0

shaabbadays

m l

Eeg: shaabbadayn

0

shaabbadaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Dukumenti iwm wax la shaabbadeeyay ahaansho. ld shabbadaysan, shabbaysan.

0

shaabbadaysasho

m f dh

ld shabbadaysasho, shabbaysasho.

0

shaabbadaysnaan

m f dh

ld shaabbadaysnaansho, shabba-daysnaan.

0

shaabbadaysnaansho

m l

/dh ld shaabba-daysnaan.

0

shaabbadayso

f mg3 (-stay, -satay)

Wax shaabbad ku dhufsasho. ld shabbadayso, shabbayso.

0

shaabbadee

f g2 (-deeyay, -daysay)

Warqad ama dukuminti shabbad la dhicid. ld shabbadee, shabbee.

0

shaabbah

m l (-hyo, m.dh)

U ekaanshaha wax, wax kale u ekaadaan. ld shabbah¹.

0

shaabbihid

m f dh

ld shabbihid.

0

shaabuug

m l (-gyo, m.dh)

Suun dhuuban, dheer, dabo la qabsado leh oo wax lala dhaco; karbaash; jeedal.

0

shaabuugayn

m f dh

ld shaabuugays.

0

shaabuugays

m l

Eeg: shaabuugayn