Words starting with 'S'
3,161 Somali words beginning with 'S' — page 28 of 32.
soofaysnaan
ld soofaysnaansho.
soofaysnaansho
/dh ld soofaysnaan.
soofayso
Bir afaysasho.
soofe
Qalab bir ka samaysan oo korka gano wax xagta ku leh oo birta iwm lagu simo ama lagu afeeyo.
soofee
Mindi iwm soofe ku afayn.
soofiye
Xarig yar, jilicsan oo awrta rarayda lugaha lagaga xiro.
soog
1. Duleedka meel la deggan yahay oo loo kor-tago. 2. S. ah: qof dhuuban oo xoog leh. 3. S. ah: xarig xooggan.
soogan
1. Cid meel taagan oo aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho. 2. Qof dhuuban oo xoog leh ahaansho.
soognaan
ld soognaan-sho.
soognaansho
/dh ld soognaan.
sooh
S. ah: xarig aan tidac ahayn oo laba dhudood ka samaysan.
sooh-barar
Badashada cabbirka sooh ama xubin oo ay keentay ballaara-shada unugyada, oo aanan ka iman bada-shada unugyada sida burada iwm. Muru-qyadu way weynaadaan haddii shaqo ba-dan lagu qabto.
sooh-baruured
Sooh mayrax leh oo baruuri ku dheehantahay - (packled).
sooh-guran
Baabi'idda ku dhacda xubin ama sooh si caadi ah u koray oo ay sababna u tahay unugyada oo ka dhammaada waxayna iman kareysa xaalad nafaqo darro, isticmaal la'aan ama gabow.
soohan
Waax la soohay ahaansho.
soohdimayso
Dhul soohdin u samaysasho.
soohdimee
Dhul soohin u samayn.
soohdin
Seere, xad.
soohdin-diiran
(c.cimi.) Xariiqda xadka ee dhulka oogadiisa oo u dhaxaysa cuf horumaraya oo hawo diiran ah iyo hawada qabow ee ay ka kacayso.
soohnaan
ld soohnaan-sho.
soohnaansho
/dh ld soohnaan.
sooho
Xarig sooh ah samysasho.
soojeed
1. Habeenka oo aan la seexan. 2. Habeen dhan oo allabari lagu soo jeedo. 3. (-dyo, m.dh) Aqallada iwm dhankooda suuqyada u jeeda. 4. Oogada dadka, dhanka wejiga iyo laabtu ku yaaliin.
sool
Hawd oommane ah.
soolaji
Barashada cilmiyeysan ee xayawaanka marka lagu daro anatomi-gooda, fisiyoolajigooda, bayokiimiko ahaan, hiddo barasho ahaan, ekoolojigoo-da, tadawurkooda iyo asowgooda.
soolane
S. ah: 1. Nin aan xaas lahayn. 2. S. ah: shaah sonkortu ku yartahay.
soomaali
Dadka Soomaaliya deggen ama ku hadla af-soomaaliga.
soomaalinnimo
Soomaali ahansho.
soomaaliyee
Soomaali ka dhigid.
soomaaliyow
Soomaali noqosho.
soomaggale
Geedgaab laamo iyo caleemo dhuudhuuban oo duf cadi ku rogan tahay leh, kana mid ah dhirta wax lagu daaweeyo. ld soome, soone.
soomal
Midab caddaan furan ah oo geela iyo iwm. yeeshaan.
soomal-may
Midab caddaan iyo guduud furan isugu jira oo geelu yeesho.
soomi
Nafley cunta u diidid.
soomman
Qof soon ku jira ahaansho.
soommanaan
ld soommanaansho.
soommanansho
/dh ld soommanaan.
soon
1. Tiiraarka islaamka kooda afaraad oo muslinka faraya in bisha ramadaan soddonkeeda wax la cuno iyo wax la cabbo laga fogaado maalintii. 2. Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad ee u dhexeysa soondheere iyo soonfur, lana soomo; soonqaad. 3. Qadoodi.
soondheere
Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; gasyar.
soone
Meel; gobol.
soonfur
Bilaha dayaxa oo soomaalidu tirsato tooda tobnaad ee u dhexeysa soonqaad iyo sidataal.
soonge
Doqon; nacas.
soongur
Nafley yar oo dabada dhogor badan ku leh oo dabagaallaha u eg. ld saangur.
soonqaad
Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad oo u dhexeysa soondheere iyo soonfur lana soomo.
soor
1. Cid cunto iyo cabbid ku martiqaadid. 2. Wax si isla eg u qaybin. ld sooryee.
sooran
Wax si isla eg loo qaybiyey ahaansho.
soore
1. Qofka sooryada bixinaya. 2. Qaybiye; kalabbare. 3. Sinji noolaha ka mid ah kaasi oo dushiisa ama gudihiisa uu ku noolyahay dulin, marka uu qaangaadhana dhaawac uu geysta ama dila.
soorgad
S. leh: qof had iyo jeer caato ah oo aan cuntadu hilib ku kordhin.
soorid
ld sooryayn, sooryays.
soormaweydo
Xilli guga bartankiisa ah oo roob badani da'o.
soornaan
ld soor-naansho.
soornaansho
/dh ld soornaan.
soorsugaal
Cunto yar oo cunto dab saaran lagu sii sugo.
sooryaggal
S. ah: wax in laysku sooro u qalma.
sooryaggalnimo
Sooryaggal ahaansho.
sooryo
1. Cunto la siiyo dad marti ah. 2. Hanti la siiyo gabar la soo doontay tolkeed.
soos
Xasillooni-darro; buuq.
soosaare
(riw.) Riwaayad, filin iwm qofka samayskeeda isku dubbarida ee soo saara.
soosaarid
1. (kiim.) Dariiqada lagaga soo saaro bir macdanteeda. 2. (kiim.) Ka soocidda walax laga soocaayo iskujir iyadoo la adeegsanaayo milmidda xula-shada leh. soosare aasaasi ah m.l Noole loo tixgeliyo inuu il-tamareed u yahay noolayaasha ka sarreeya, marka laga eego dhinaca silsiladda cuntada. Tus. “Dhirta cagaaran, kuwaasoo tamarta ilayska u beddela tamar kiimikeed”.
sootoli
1. Maxaar dheer oo lagu tolo jawaanada, qobtollada iwm. 2. Xarig dufta jawaanka ka samaysan oo loo isticmaalo tolidda jawaanada, qobtol-lada iwm. ld shootoli.
sooyaal
(taar.) Wixii la soo maray oo jiilba uu jiil ka soo gaaray; dhacdooyin taariikheed oo isdabayaal keydintood ama sahamo.
sooyaan
Qaylo; buuq.
sow
Armaa, billaa, malaha. Tus. “Sow sidaa ma aha? Sowtaad tiri waan imaa-naya? Sow iga tagee.” ld saw, show, soo¹.
sowrac
Tilmaan muuqaal ee uu wax gaar u leeyahay.
su'
1. Erey lagu yiraahdo awrka marka la raraayo si uu araxda u toosiyo; samay; qayso. 2. Erey lagu yiraahdo awrka la da-brayo.
su'aal
Hadal cid loo jeediyo si jawaab qusaysa wayddiinta looga helo.
su'aalid
'aal².
subaac
Dugaagga xoolaha cuna.
subac
1. Hab dad wada jiraa quraanka u akhriyaan, iyadoo midba mar aayad qaadanaayo. 2. Quraanka oo todoba meelood loo qaybiyey meeshiis.
subag
1. Burcad la shiilay caaneeyada laga saaray miidda ka soo harta. 2. Baruurta la shiilo miidda ka soo baxda oo aan fariisan.
subagle
Geed dheer oo aan qodax lahayn oo leh dhacaan subag la moodo.

