sambuuqo
Sanka xoolaha intiisa hore oo jilicsan. ld sambuuq².
sambuusi
1. Bur saddex gees leh oo hilib shiidan iyo qudaar basbaas leh gudaha uga jiraan oo lagu shiilo. 2. Guri saqafkiisu weji waliba saddex-gees u egyahay. ld sambuus, sambuuse.
samcan
Nafley karti, awood, qurux iwm oo kuwa kale kaga duwanyahay leh ahaansho.
samcanaan
ld samcanaansho.
samcanaansho
/dh ld samcanaan.
samee
1. Wax hagaajin. 2. Fal ku kicid.
sameelo
Meel geedo badan oo isku baxay leh oo inta roob ku da'ay aan weli la daaqin.
samhariira
Naar ka mid ah toddobada naarood. ld saciira.
samir
Dulqaad iyo adkaysi dhibaato loo yeesho. ld sabar¹.
samirsan
Wax samray ahaansho.
samirsanaan
ld samir-sanaansho.
samirsanaansho
/dh ld samirsanaan.
samirsii
1. Qof samir gayeysiin. 2. Qof wax uu ku sabro siin ama u sheegid. ld sabarsii.
samirsiin
ld sabarsiin, sabarsiis, samirsiis.
sammaad
Dammaad.
sammi
Qof, qof kale ay isku magac yihiin.
sammiyid
ld sammin.
samo
Cir.
samoolad
1. Roob da'a xilliga xagaaga ah. 2. Xiddig magaciis. ld samuulad.
samow
Wax san noqosho.
samsam
Biyo laga helo ceel kacbada ku yaal.
samuun
Gudaha Iran, waa dabayl kulul, oo qallalan, oo ah nooca Fohn, taas oo ka soo dhacda buuraha kurdistaan. Qalab bir ah oo af fiiqan iyo af ballaaran leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.
san
1. Xubin wejiga ku taal oo afka iyo indhaha u dhexeysa oo laba dalool leh oo laga neefsado waxna lagu uriyo. 2. Meel ka soo fiiqan qararka iyo buuraha oo san u eg. 3. Daliig yar oo harag ah oo hargaha kale layskula tolo.
sanaag
Dhul buuraley ah.
sanaani
Xayawaan yar oo bacool ku dhex jira lehna faro uu wax ku qabsado oo badda ku nool lana cuno oo leh qanjiro dhala wax khad madow la moodo oo uu ku kaydsado kolay yar oo oogadiisa ku yaal.
sanac
Wax nasiib wanaagsan.
sanad
/dh ld sannad.
sanam
Wax laga sameeyey dhagax, qori iwm oo dadka qaarkiis caabudaan.
sanan
Waxyaabo aan cilmi ku dhisnayn oo badanaa la rumaysto lagana baqdo. ld senen.
sanbuur
Duub jilicsan oo maro iwm ka samaysan oo haweenka dhabarka wax ku qaadaa sabarka ku xirtaan si uu culayska uga celiyo.
sancan
Wax nasiib wanaagsan ahaansho.
sancanaan
ld sanca-naansho.
sancanaansho
/dh ld sancanaan.
sancayn
ld sancays.
sancee
1. Wax samayn. Tus. “Cali baa dhob dheri ka sanceeyey. 2. Wax daaweyn”.
sanco
1. Si aqoon iyo tab ah oo wax loo qabto; farsamo. 2. Nabar-rada iyo cudurrada oo si aqoon leh loo daweeyo. 3. Aqoon hawl gaar ah loo leeyahay; xirfad.sannifnansho
sandaal
/dh (-llo, m.dh) 1. Gafuurka xoolaha. 2. Hoggaan.
sandahan
Qof, qof kale wax siintiisa u jajaban.
sandahnaan
egg sandahnaan. ld sandahnaansho.
sandahnaansho
/dh ld sandahnaan.
sandal
1. Geed dheer oo ka baxa Aasiya, Ostaraaliya iyo jasiiradaha Badweynta Deggan oo udgoon, waxaana laga sameeyaa santuukhyada qoraalka lagu xardho, ulaha babbisyada iyo saqafaha. 2. Dhir udgoon iyo saliid la isku qooshey oo raggu oogada marsado.
sandaleele
Qof hoodaddo sameeya. ld sandameeme.
sandaleelee
Qof hoodaddeyn.
sandulle
1. Dalool sanka lo'da laga dalooliyo oo bir laga geliyo si xarigga lagu hoggaaminayo loogu xiro. 2. S. ah: qasab; xoog.
sandullee
Cid qasbid.
sandulleyn
ld sandulleys.
sandulleysan
Nafley wax la sandulleeyey ahaansho.
sandulleysnaan
ld sandulleysnaansho.
sandulleysnaansho
/dh ld sandulleys-naan.
sanduuq
1. Shay ka samaysan qori alwaax ah ama bir oo dharka iyo alaabta lagu rito. 2. Meel lagu kaydiyo hanti hay'adeed iwm. ld santuukh.
sanduuqa-codka
(baay.) Lammaane xuub liilsami kara ah oo ka soo taagan qulaanqushaha lafdhabarleyda qaarkeed. Codka waxa la soo saaraa marka hawada maraysa qulaanqushaha ay dhaqdhaqaaqijso sanduuqa codka. Dha-waaqa codka la soo saaraa waxa uu ku xidhan yahay giigsanaanta sanduuqa codka, kaasi oo ay xukumaan muruqyada iyo carjawda qulaanqushuhu.
saneeg
Kolmo ka lalmada sanka geela oo ka dhasha santuur lagu sameeyey.
sangaalle
Tixri sanka geela iyo ariga gudihiisa ku dhasha. ld sangal.
sangal
1. Kintir. 2. Sangaalle.
sangooti
Koox fardo dhufaanan ah oo xoogna leh.
sani
Wax urin (xoolo).
saniifad
Gabal maro ah oo lagu tolo maro kale oo ka midab duwan. ld saanifad.
sanis
S. ah: ugaar halis horay uga baxsatay oo fiigsan.
sankahadlid
Islweyni; kibir.
sankuneefle
1. Wixii naf ku jirto oo dhan. 2. Dad.
sannaabayn
ld sannahaabayn.
sannaabee
Cunto yar oo aan ku filnayn qof weyn siin. ld sannahaabee.
sannaabo
Cunto yar oo aan qof weyn ku filnayn. ld sannahaabo.
sannaadi
S. ah: qof kibir badan.
sannaar
Si joogto ah u qaylin.
sannaari
1. Ka s.: nafley ka qaylisiin. 2. Ka s.: wax ka dhawaajin.
sannad
/dh (-do, m.l) Waqti hal mar dhulku qorraxda ku wareego oo u dhiganta 365 maalmood ama laba iyo toban (12) bilood. ld sanad.
sannad-if
Socodka uu sameeyo ilyska sannadkiiba.
sannadguuro
Xus la sameeyo sanadkiiba mar iyadoo lagu maamuusayo dhacdo weyn. ld sanag-guuro.
sannif
1. Gabay iwm oo la curiyo. 2. Dhaawac yar oo aan haragga dhaaf-sanayn. ld sannifaad.
sannifaad
1. Curinta wax la curiyo. 2. Xanaaqidda sabab la'aan wax loo xa-naaqo. 3. Dhaawac yar oo xabbad, waran, iwm jirka nafleyda gaarsiiyaan. 4. ld sannif¹.
sannifan
Wax la sannifay ahaansho.
sannifnaan
ld sannif-naansho.
sannifnansho
/dh ld sannifnaan.

