Qaamuuska Asalka
sanduuqa-codka
(-qyo ..., m.dh)MagacLafdheeri
Macnaha
(baay.) Lammaane xuub liilsami kara ah oo ka soo taagan qulaanqushaha lafdhabarleyda qaarkeed. Codka waxa la soo saaraa marka hawada maraysa qulaanqushaha ay dhaqdhaqaaqijso sanduuqa codka. Dha-waaqa codka la soo saaraa waxa uu ku xidhan yahay giigsanaanta sanduuqa codka, kaasi oo ay xukumaan muruqyada iyo carjawda qulaanqushuhu.
Erayo la-mid ah
sandaal/dh (-llo, m.dh) 1. Gafuurka xoolaha. 2. Hoggaan.sandahanQof, qof kale wax siintiisa u jajaban.sandahnaanegg sandahnaan. ld sandahnaansho.sandahnaansho/dh ld sandahnaan.sandal1. Geed dheer oo ka baxa Aasiya, Ostaraaliya iyo jasiiradaha…sandaleeleQof hoodaddo sameeya. ld sandameeme.sandaleeleeQof hoodaddeyn.sandulle1. Dalool sanka lo'da laga dalooliyo oo bir laga geliyo si x…

