0

suubasalaaxid

m dh

Eeg: suubaansalaaxid

0

suubban

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax wanaagsan ahaansho.

0

suubbanaan

m f dh

ld suubba-naansho.

0

suubbanaansho

m l

/dh ld suubbanaan.

0

suubbane

m l

Magacyada Soomaalidu Nabi Maxamed (N.K.H.A.) u taqaan mid kamid ah.

0

suubbi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax samayn. 2. Wax hagaajin.

0

suubbin

m f dh

ld suubbis.

0

suubbis

m l

1. Wax yar oo dheeri ah oo qof wax loo cabbirayo loo raacsho si loogu raali geliyo. 2. ld suubbin.

0

suubsan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax samay-san ahaansho. 2. Wax wanaangsan ahaan-sho.

0

suubsanaan

m f dh

ld suub-sanaansho.

0

suubsanaansho

m l

/dh ld suubsanaan.

0

suubsasho

m f dh

Eeg: suubso

0

suubso

f g3 (-saday, -satay)

1. Wax hagaagsasho. 2. Wax samaysasho.

0

suud

m dh

1. Wasaq badanaa isugu jirta maduul iyo dufan oo dharka iyo jirka dadku yeeshaan. 2. Naqa ugu horreeya ee roob soo saaro.

0

suudi

m l

Kul aad u badan oo qorraxeed.

0

suuf

m l

1. Geedgaab ka mid ah dalagga lagu beero dhulalka kulul oo ubax cad iyo miro kulkulucsan oo marka ay bislaadaan dillaaca leh oo uu ka soo baxo walax cad oo dharka laga sameeyo. 2. Duf cad oo geedka suufku dhalo oo dharka laga sameeyo. 3. Dhogorta idaha iwm oo dharka iyo gogosha qaarkeed laga sameeyo.

0

suufi

m l (-iyo, m.dh)

1. Qof aan aqoon u lahayn diinta aadna u jecel. 2. Qof fudfudud oo waxyaabaha uu samaynayo aan ka fiirsan.

0

suufinnimo

m dh

Suufi ahaansho.

0

suufiyoobid

m f dh

Eeg: suufiyow

0

suufiyow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Suufi noqosho.

0

suugaan

m dh

1. Hadal tix ama tiraab ah oo murti hugan. 2. Laan aqoonta ka mid ah oo la barto; adab. 3. Naq; doog; cosob. ld soogaan.

0

suugaanley

m dh u

Dad suugaanta aqoon u leh.

0

suugaanyahan

m l

Qofka suugaanta yaqaan ama baara.

0

suugee

f g2 (-geeyay, -geysay)

Cunto suugo ku darid.

0

suugeyn

m f dh

Eeg: suugee

0

suugeysad

m l

Eeg: suugeysasho

0

suugeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Cunto wax suugo loo yeelay ahaansho.

0

suugeysasho

m f dh

ld suugeysad, suugeysi.

0

suugeysi

m l

Eeg: suugeysasho

0

suugeysnaan

m f dh

ld suugeysnaansho.

0

suugeysnaansho

m l

/dh ld suugeysnaan.

0

suugeyso

f mg3 (-stay, -satay)

Cunto suugo ku darsasho.

0

suugo

m dh

Iidaan ka kooban, hilib, khudrad iwm oo laysku kariyey oo cuntada lagu darsado (siiba baastada).

0

suuji

f g2 (-iyay, -isay)

Cid ceejin.

0

suujin

m f dh

ld suujis.

0

suujis

m l

Eeg: suujin

0

suul

f mg1 (-uulay, -uushay)

Wax dhammaasho.

0

suulalgoys

m dh

Carsaanyo. ld suulgoys.

0

suuldaar

m l

1. Xiridda hal godlan weyday suulka laga xiro si ay u godlato. 2. eeg qonof. 3. ld suuldaarid.

0

suuldaaran

f mg1 (-rmay, -rantay; -rmi)

Hal suuldaar lagu sameeyey ahaansho.

0

suuldaarid

m f dh

Eeg: suuldaar²

0

suuldhabaalayn

m f dh

ld suuldhabaalays.

0

suuldhabaalays

m l

Eeg: suuldhabaalayn

0

suuldhabaale

m l

Suulka iyo fardhexaadda gacanta oo si xoog leh laysugu dhufto si looga soo saaro shanqar iyadoo wax loogu baaqayo.

0

suuldhabaalee

f g2 (-leeyay, -laysay)

Suuldhabaale samayn.

0

suuldhabasho

m f dh

Eeg: suuldhabo

0

suuldhabo

f mg3 (-btay, -batay)

Far jaawin.

0

suulgoranyayn

m f dh

ld suulgorayayn.

0

suulgoranyaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax si suulgoranyo ah u xiran ahaansho. ld suulgorayaysan.

0

suulgoranyaysnaan

m f dh

ld suulgoranyaysnaansho, suulgorayaysnaan, suulgoraya

0

suulgoranyaysnaansho

m l

/dh ld suulgo-ranyaysnaan.

0

suulgoranyee

f mg2 (-yeeyay, -yesay)

Hal geel ah suulgoranyo ah u xiran ahaansho; halgeel ah suulgoranyo ku samayn. ld suulgorayee.

0

suulgoranyo

m dh

Hab lagu ciqaabo hal geel si loo oggolaysiiyo in la maalo. ld suulgorayo.

0

suulgorayayn

m dh

Eeg: suulgoranyayn

0

suulgorayaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Eeg: suulgoranyaysan

0

suulgorayaysnaan

m dh

Eeg: suulgo-ranyaysnaan

0

suulgorayaysnaansho

m l

/dh ld suulgo-ranyaysnaan.

0

suulgorayee

f mg2 (-yeeyay, -yesay)

Eeg: suulgoranyee

0

suulgorayo

m dh

Eeg: suulgoranyo

0

suulgoys

m dh

Eeg: suulalgoys

0

suuli

m l (-iyo, m.dh)

Dhisme yar oo ay gudihiisa ku yaaliin godad lagu saxaroodo laguna kaadsho; musqul.

0

suulin

m f dh

Eeg: suuli

0

suulis

m l

Eeg: suulin

0

suuliyid

m f dh

ld suulin.

0

suumid

m f dh

Eeg: suun³

0

suummiir

m dh

Nooc libaaxbadeedka ka mid ah oo aad u weyn. ld soomiir.

0

suun

m l (-uuman, m.dh)

1. Daliig maqaar ama wax kale ka samaysanoo dhexda lagu xirto si uu dharka u celiyo. 2. Siddada alaabta qaarkeed sida dhiilaha, satiyada iwm lagu qaado. 3. Celiye idiin ah oo gadaal iyo horay kabaha ka haya si aysan u siiban.

0

suunaari

m dh

Fardo nugaaleed qurux badan, leh seyn dheer iyo bacroor dheer.

0

suuncalye

m l

Suun gammaanka lagu dacayo marka xakame la waayo.

0

suuni

m l

Sabuul yaryar oo ka baxa beer duqowday ama roob yari ku da'ay.

0

suunjeege

m l (-gayaal, m.l/dh)

Suunka gadaal xakamaha ka haya oo jeegada faraska ku aaddan.

0

suunni

m dh (-iyo, m.l/-iyaal m.l/dh)

Mid ka mid ah timaha indhaha korkooda ku yaal.

0

suunogoys

m l kh (-syo, m.dh)

S. ah: haweeney dhalma days ah.

0

suuq

m l (-qyo, m.dh)

Meel si joogto ah la isugu yimaad oo alaabta iyo waxyaalaha ganacsiga ah lagu kala beddesho.

0

suuqad

m dh

Waxyaabo dahab, qalin iwm ka samaysan oo dumarku isku qurxiyaan.

0

suuqan

f mg4 (-qnaa, -qnayd)

Wax dhuuban oo caato ah ahaansho.

0

suuqmid

m f dh

Eeg: suuqan¹

0

suuqnaan

m f dh

ld suuq-naansho.

0

suuqnaansho

m l

/dh ld suuqnaan.

0

suuqyo

m dh u

Warmo.

0

suur

m l

Buunka qiiyamo la yeersho maalinta ee uumiga la xisaabayo.

0

sųur

f g1 (-ray, -rtay)

Badar biyo qashin kaga saarid.

0

suuraaf

m l

1. Isla-wareeg. 2. S. ah: qof socod badan oo dan la'aana samayn.

0

suurad

m dh

1. Muuqaal ama qaab qof leeyahay. 2. (-do, m.l) 114 qaybood oo quraanku u qaybsamo mid ka mid ah.

0

suuradi

f g2 (-iyay, -isay)

Xoolo, dad iwm tiradooda si mala-awaal ah u qiyaasid.

0

suuradin

m f dh

Eeg: suuradi

0

suuraggal

m l

1. Fursad; awood. 2. S. ah: wax dhici kara. ld suurtaggal¹.

0

suuraggeli

f g2 (-iyay, -isay)

Wax dhici kara ka dhigid (hawl iwm). ld suurtaggeli.

0

suuraggelid

m f dh

ld suur-taggelid.

0

suuraggelin

m f dh

ld suur-taggelin.

0

suurasho

m f dh

Eeg: suuro²

0

suurayn

m f dh

Eeg: suuree

0

suuree

f g2 (-reeyay, -raysay)

Wax qaabkiisa qiyaasid.

0

suuri

m l

Maryo qurux badan oo dalka Siiriya laga sameeyo.

0

suurid

m f dh

Eeg: suur³

0

sųurid

m f dh

ųur.

0

suurin

m f dh

Eeg: suuri²

0

suuris-jiilaal

m l

1. (bot.) Habaynta qaybaha ruqurka ubaxa, gaar ahaan laacayaasha iyo malaacayaasha. 2. (c.nafl.) Xaalad firfir-cooni la'an ah oo ay xayawaanka qaarkii gelaan xilliyada abaartu dheeraato iyo kulaylka. Waxa kale oo hoos u dhaca quudashada, neefsiga iyo dhaqdhaqaaqaya-da kale ee jidhka.

0

suuro

f mg3 (-rtay, - ratay)

Badar dhagax, qashin iwm ka saarasho.

0

suuroo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Fal isjejebin iyo islaweeyni ku jirto muujin (haween).