Words starting with 'S'
3,161 Somali words beginning with 'S' — page 26 of 32.
siraadnaan
ld siraadnaansho.
siraadnaansho
/dh ld siraadnaan.
siraado
Wax iftiin-sasho.
siraaj
(1).
siran
Ku s.: wax khatalmay noqosho.
sirdil
Cid si khayaamo ah wax u yeelid. ld sirdilyee, sirkudilyee, sirutibyee.
sirdilid
ld sirlilyayn, sirdilyo, sirkudilyayn, sirkudilyo.
sirdilyo
Waxyeelidda si khayaamo ah cid wax loo yeelo. ld sirdilid.
sirgacnaansho
/dh ld sirgaxnaan.
sirgax
1. Qallooc. 2. S. ah: qof dabeecad qallafsan; gurrac.
sirgaxan
Wax qalloocan ahaansho. ld sirgacan².
sirgaxid
ld sirgixid.
sirgaxmid
ld sirga-camid.
sirgaxnaan
ld sirgacnaan, sirgacnaansho, sirgaxnaan-sho.
sirgaxnaansho
/dh ld sirgaxnaan.
siriq
Qool xargaha iwm loo yeelo oo markii la dhufto isku roora.
siriqsan
1. Wax dhuunta xarig looga rooriyey ahaansho (nafley). 2. Xarig siriq leh ahaansho.
siriqsanaan
ld siriq-sanaansho.
siriqsanaansho
/dh ld siriqsanaan.
siriqso
Xarig siriq u yeelasho.
sirir
1. Nafley suuxid. 2. Nafley ceegsamid.
siriri
1. Cid suuxin. 2. Cid ceejin.
siririn
ld siriris.
sirirsan
Wax la siririyey ahaansho.
sirirsanaan
ld sirirsanaansho.
sirirsanaansho
/dh ld sirirsanaan.
sirmaqabe
Qof aan khayaamo aqoon oo daacad ah.
sirnaan
ld sirnaansho.
sirnaansho
/dh ld sirnaan.
siro
Cid sir wax kaga qaadid.
sirooko
Dabayl koonfareedda ka dhacda woqooyiga Afrika, Sisily (Sicilia), iyo koofurta talyaaniga, oo ka soo kacda saxaaruhu, waa kulushahay, qallalantahay, marmarka qaarkoodna waa bus miidhan.
sirqannimo
Sirqo ahaansho.
sirqi
Nafley si ay neeftu ugu ceshoonto cunaha xarig kaga xirid.
sirqin
ld sirqis.
sirqo
Qof aad u duqoobay oo tabar dhigay.
sirqow
Sirqo noqosho.
sirridaari
Qof la aaminsanyahay in uu wax ka ogaan karo wax soo socda oo aan weli dhicin.
sirrow
Qof sir badan; khayaanalow.
sirsir
1. Dowlisgoys; xariggoys. 2. S. ah: sallax; digdigo.
sisib
Meel siman oo lagu simbiriirixan karo.
sisibo
Sisib ku kufid.
sisin
1. Geednagaar la beerto oo dhala miro yaryar oo saliid cuntada lagu darsado laga miiro. 2. Miraha geedka sisinta oo laga miiro saliid macsarada.
sitaac
Suun dun la qurxiyey oo bul leh ka samaysan oo fardaha qoorta loo geliyo.
sitaaci
Faras sitaac u yeelid. ld sitaac².
sitaacin
ld sitaacid.
sitaacsasho
ld sintaacsasho.
sitaacso
/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Faras sitaac ku xirasho. 2. (f.g) Wax qurxin; wax xardhid. 3. (f.mg) Derbi, kursi iwm ku tiirsasho.
siti
Magac loo yaqaan Faadumo Rasuul.
siwalba
fk. ld si.
sixin
Burcad la shiilay subagga saafiga ah oo ka soo baxa.
sixir
Nooc siilaanyada ka mid ah oo dusha ku leh midabbo.
sixirfur
Daaweynta cid sixir laga daaweeyo. ld sixirfuryo.
sixirfuryee
Cid sixir ka daaweyn.
sixirfuryo
1. Waxyaabaha lagu daaweeyo sixirka. 2. Siyaalaha sixir loo daaweeyo. ld sixirfur.
sixirrow
Qof sixirka yaqaan. ld sixiroole.
sixo
soddoh
sixran
Wax la sixray ahaansho.
sixranaan
ld sixranaan-sho.
sixranaansho
/dh ld sixranaan.
siyaad
Wax xaddigooda kordhid.
siyaadi
Wax xaddigooda kordhin.
siyaadin
ld siyaadis.
siyaado
Inta ku kororta wax xaddi-gooda hore loo ogaa.

