0

subagmadoobe

m l (-bayaal, m.l/dh)

1. Wan weyn oo shan sano iyo ka badan gaaray. 2. Subagga laga shiilo wan weyn oo aan fariisan.

0

subax

m l

/dh (-xyo, m.dh) Qaybta ugu horreysa maalinta gelinkeeda hore.

0

subbeehi

m l (-iyo, m.dh)

Askari aan derejo lahayn; dable.

0

subboosto

m dh

Dawo saxar-mareenka laga qaato.

0

subci

f mg2 (-iyay, -isay)

Subac akhrin.

0

subcin

m f dh

ld subcis.

0

subcis

m l

Eeg: subcin

0

subeeci

m dh

Eeg: subeeciyad

0

subeeciyad

m dh

Maro xariir ah, midabyo badan leh oo faraqyo iyo xiddo loo yeelo. ld subeeci.

0

subeen

m dh

Eeg: sabeen

0

subeenxir

m l

Eeg: sabeenxir¹

0

subeenxirid

m dh

Eeg: sabeenxirid

0

subkad

m l

Eeg: subkasho

0

subkan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax subag marsan yahay ahaansho.

0

subkanaan

m f dh

ld subkanaansho.

0

subkanaansho

m l

/dh ld subkanaan.

0

subkasho

m f dh

ld subkad.

0

subkid

m f dh

Eeg: subag²

0

subko

f g3 (-kaday, -katay)

Subag mar-sasho.

0

subuqsubuq

m dh

Socsocod badan oo aan ujeeddo lahayn.

0

subxaan

m l

Magacyada Alle mid ka mid ah.

0

subxaayo

m dh

Nooc halaqa ka mid ah oo maska ka yar barabarana leh oo aan waabaayo lahayn.

0

sucdi

m l

Nasiib wanaagsan.

0

sud

m dh

1. Waddo yar oo dhex marta geedo bahalla galeen ah. 2. Dhul dhir dhaadheer oo ciriiri ah leh oo aan la geli karin.

0

sudeef

m l (-fyo, m.dh)

Sabool.

0

sudeex

m l

Laqanyo.

0

sudeexid

m f dh

Eeg: sudeex²

0

sufeehi

m l kh

Eeg: safiih

0

sufiih

m l kh

Eeg: safiih

0

sufiihi

m l kh

Eeg: safiih

0

sufriyad

m dh

Eeg: sufriye

0

sufriye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Weel macdan ka samaysan, af ballaaran leh oo cuntada lagu karsado; digsi. ld surfiyo, sufriyad, sufriye, sufriyo.

0

sufriyo

m dh

Eeg: surfiyo

0

suful

m dh

1. ld sufur 2. Habaas yar oo dabayshu kiciso. 2. Meel abaar ah. 3. Hoog; belo. ld sufuul, suluf.

0

sufur

m dh

(1).

0

sufuul

m dh

Eeg: suful

0

sug

m l

Yaraan; guridambays; cirrannuug.

0

sųg

f g1 (-gay, -gtay)

Wax imaatinkooda dhawrid.

0

sugaal

m l

Sųgidda.

0

sugan

f mg4 (-gnaa, -gnayd)

Aan ku xidhnayn, kana xor ah dhammaan astaamaha ku xeeran.

0

suge

m l (xis.)

Fansaar laga soo diray taxane labajibbaarane ah iyada oo la isku dhufto la isuna geeyo dhammaan kutirsaneyaasha si loo helo hal tiro oo keliya.

0

sugid

m f dh

ld sugitaan, sugniin.

0

sųgid

m f dh

ųg. ld sųgitaan, sųgniin.

0

sugitaan

m l

Eeg: sugid

0

sųgitaan

m l

ųgid.

0

sugnaan

m f dh

ld sugnaansho.

0

sugnaansho

m l

/dh ld sugnaan.

0

sugniin

m l

/dh ld sugid.

0

sųgniin

m l

/dh ld sųgid.

0

sugukuun

fk. Wax tiradoodu aad u yartahay ama dhiciddoodu adagtahay; wax lagu diimo; dhif.

0

sugul

m l

/dh.kh S. ah: midab aad u madow.

0

sujuud

m dh (-do, m.l)

Weji dhul dhigidda la sameeyo iyadoo Ilaah la caabudayo.

0

sujuudid

m f dh

Eeg: sujuud²

0

suke

m l (-kayaal, m.l/dh)

1. Wax aan wax kale wehelin oo keligood ah. 2. Warqad turub oo nooceeda keligeed laga hayo. ld soke².

0

sukee

f mg2 (-keeyay, -keysay)

Kali ka dhigid.

0

sukeyn

m f dh

ld sukeys.

0

sukeys

m l

Eeg: sukeyn

0

sukul

m l

Eeg: shukul¹

0

sukulan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax sukul lagu sameeyay ahaansho (badar). ld shukulan².

0

sukulasho

m f dh

ld shukulasho.

0

sukulid

m f dh

ld shukulid.

0

sukuliye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Tib weyn oo badarka lagu sukulo.

0

sukulnaan

m f dh

ld shukul-naan, shukulnaansho, sukulnaansho.

0

sukulnaansho

m l

/dh ld sukulnaan.

0

sukulo

f g3 (-ushay, -ulatay)

1. Wax sukuliye ku tumasho. 2. Badar si isha looga bixiyo aayar u tumasho. 3. Digir duban qob ka qaadasho. ld shukulo.

0

sulbi

f g2 (-iyay, -isay)

Hawl si dhaqso leh u deddejin.

0

sulbin

m f dh

ld sulbis.

0

sulbis

m l

Eeg: sulbin

0

suldaan

m l (-nno, m.dh)

Nin dhaxaltooyo ahaan dawlad ama qolo madax ugu ah, oo aan la dooran; boqor.

0

suldaannimo

m dh

Suldaan ahaansho.

0

suldanad

m dh (siyaa.)

Meel uu xukumo, ama xukumi jirey suldaan. Waxaa aad looga isticmalaa dhulka Islaamka. ld saldanad.

0

sulfatar

m l (-ro, m.dh)

(jool.) Dhul fulkaano oo aaney ka soo baxayn laarfa dhalaashan ama dambas, laakiin ay isdabajoog uga soo baxayaan uumi iyo neefo gaar ahi.

0

sullan

m l u

Asal; isir; walcan; ab.

0

sulman

f mg4 (-naa, -nayd)

Lax wan u taga u baahan ahaansho; asoollan.

0

sulmanaan

m f dh

ld sulma-naansho.

0

sulmanaansho

m l

/dh ld sulmanaan.

0

sulmayn

m f dh

Eeg: sulmee

0

sulmee

f g2 (-meeyay, -meysay)

Lax asoollin (wan).

0

sulmi

f g2 (-iyay, -isay)

Lax asoollin (wan).

0

sulmin

m f dh

Eeg: sulmi

0

sulmoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Neef ida ah oo asoollan wan doonasho.

0

sulmood

m f l

Eeg: sulmoo

0

sulsul

f mg1 (-ulay, -ushay)

Eeg: sunsun

0

sulsulid

m dh

Eeg: sunsumid

0

sulub

m l

1. S. ah: wax aan xanaf lahayn. 2. (- byo, m.dh) Dhagax adag oo aan meel la qabsado lahayn. 3. (-byo, m.dh) Xabbadda marka laga saaro gumaca iyo baaruudda.

0

suluf

m l

Eeg: suful

0

sulufaad

m l

Dhibaato ay dhaliyaan col iyo abaar.

0

sulufaadid

m f dh

Eeg: sulufaad²

0

sulux

m l

1. Heshiis. 2. S. ah: dul siman oo aan xanaf lahayn. 2. S. ah: caano dhay ah oo qabow; galax.

0

sulxad

m l

Eeg: sulxasho

0

sulxasho

m f dh

ld sulxad.

0

sulxo

f mg3 (-xaday, -xatay)

Meel siman oo aan xanaf lahayn ka sidbasho.

0

sumaan

m dh u

Nooc kalluunka ka mid ah oo jaballada ku nool.

0

sumaaxo

m dh

Shimbir weyn oo shimbiraha rabshiga dhiga ka mid ah.surad-rare

0

sumac

m l

1. Gumuca xabbadda. 2. Sukulid-da subuul meseggo ul iwm lagu garaaco si iniinaha looga daadiyo.

0

sumad

f g1 (-untay, -umadday; -unti)

Eeg: summad²

0

sumajiid

m dh

Summad alif ah oo xoolaha sinta looga dhigo.

0

sumal

m l (-llo, m.dh)

Wan qoor ah oo idaha loo hayo.

0

sumalhaad

m l

Hiyikac walbahaar ku jiro.

0

sumalhaadi

f g2 (-iyay, -isay)

Cid sumalhaad ku ridid.