Words starting with 'S'
3,161 Somali words beginning with 'S' — page 10 of 32.
saranseer
Dhibaato ka timid arrimo isdaba joog ah oo waxyeello leh.
saransoor
1. Meel laba wax iska galaan; iran. 2. Dalandool.
sarar
Derin caws ka samaysan oo aan toban kabood ka bad-nayn.
sararacaddeeye
Geed dhulka dooxoo-yinka ah ka soo fuura oo xooluhu aad ugu cayilaan.
sararaggale
Deriskunool gala dhogorta nirgaha oo dhiigga ka nuuga.
sararcaddeeye
Geed dhulka dooxoo-yinka ka soo fuura oo xooluhu aad ugu cayilaan.
sarayo
Iska hor-imaad; dagaal; cadaawad.
sarbeeb
Hadal maldahan oo macne ku qarsoon yahay.
sarcan
Wax la sarcay ahaansho (geed).
sarcanaan
ld sacra-naansho.
sarcanaansho
/dh ld sarcanaan.
sarco
Cudur maskaxeed dadka ku dhaca oo lala suuxo; qallal.
sardhaban
S. ah: cudur halis ah oo Ilaahay nafleyda u fududeeyey.
sardhee
Qof wax yar seexasho.
sardho
Hurdo yar.
sardiin
Huduf; baaqe.
sare
s. Meel korreysa ku sugan; sarreeya.
saree
1. Nafley cudur qaadsiin. 2. Cid wax xun barid (qof).
sareedaan
Jikada doonyaha iyo maraakiibta.
sareedee
Cid barwaaqayn (Ilaah).
sareedo
Barwaaqo.
sarfe
Daraasadda qawaaniinta ku salaysan dhismaha ereyada xagga samay-sankooda iyo xagga isrogroggooda.
sargaal
1. Qof madax ah oo maamul dawladeed haya. 2. Qof ciidanka qalabka sida ka mid ah oo xiddigo leh. ld sarkaal.
sargaan
Ul yar oo dhuuban. ld sarwaan.
sargad
Ul yar oo badanaa qoyan. ld serged.
sargadayn
ld sergedeyn.
sargadaysan
Wax ul yar lala dhacay ahaansho. ld sergedeysan.
sargadaysnaan
ld sargadaysnaansho, sergedeysan, sergedeysnaansho.
sargadaysnaansho
/dh ld sargadays-naan.
sargadee
Nafley ul yar la dhicid. ld sergedee.
sargaf
Hilib saafan oo la dubay; naas.
sargo'
Ku s.: wax, wax kale la jin ah noqosho.
sargo'an
Ku s.: wax, wax kale la jin ah ahaansho.
sargo'i
Ku s.: wax, wax kale la jin ah ka yeelid.
sargo'id
'.
sargo'in
'i.
sargo'naan
'an. ld sargo'-naansho.
sargo'naansho
/dh ld sargo'naan.
sargoo
Ku s.: wax, wax kale cabbirkiisa la ekeysiin.
sargooso
Ku s.: wax, wax kale ku jimaysasho.
sargoyn
ld sargoys.
sarid
ld sarniin.
sariibad
Meesha xoolaha la gadayo lagu xereeyo oo lagu siiyo caws iyo biyo; xero; deyr; siibad.
sariir
1. Saabaanka guriga mid ka mid ah oo lagu korseexdo inta joodari iyo barkimooyin la saaro. 2. Salka weelka. 3. Saliid.
sariiro
Wax tafid.
sarin
Geed faalala oo laamo dhaadheer iyo caleemo yaryar leh oo geelu daaqo.
sarkadhaban
1. Welwel iyo hiyikac ku dhaca qof, arrin la soo deristay awgeed. 2. Dhibcaha biyaha roobka. 3. Roob tabaryar oo aan dhulka si fiican u qoyn.
sarkooma
Kansarka sooha xiriirka cudurkan wuxuu ku dhici karaa meelwalba oo jirka ka mid ah, maadaama uu ka kaco sooh xubin wax ka sameeya ee uusan gaar u ahayn xubin khaas ah. Wuxu ka kici-karaa: sooh mayraxeed, muruq, baruur, laf, carjow, xuubka xubno isgoysyada (synovium), xididdada dhiigga iyo liinfada iyo soohyo kala duwan oo kale.
sarmaan
Geedqodax salka u buuran leh oo xabag macaan iyo asal wanaagsan oo wax lagu carariyo leh, xididdadiisana dhigo laga samaysto.
sarmaseegtayn
ld surmaseegtayn.
sarmaseegtee
Sarmaseegto samayn. ld surmaseegtee.
sarmaseegto
Nabar meeshii lala rabay lala waayo oo meel kale lagu dhufto. ld surmaseegto.
sarmo
Nabar jeex yar leh oo aan haragga dhaafsanayn.
sarnaan
ld sarnaansho.
sarnaansho
/dh ld sarnaan.
saro
Sumoobidda wax sumoobaan. ld sadho.
sarqaalibo
Wax, wax kale moodid ama u qaadasho.
sarraaf
Qof lacagaha qalaad isku beddela oo sarrifa.
sarraafad
Qarashka loo qaato in maalin ama ka badan la mas-ruufto; masruuf.
sarrax
Xabad; gaaddo.
sarraysii
Ka s.: wax, wax kale ka kor marin.
sarree
Ka s.: wax, wax kale kor saaran ama ka derejaweyn ahaansho.
sarreen
Badar iniino yaryar oo bariis u eg leh adduunka oo dhanna laga cuno, marka la shiidana bur noqda.
sarreeye
1. Ilaah. 2. Daraja sare oo askareed; jeneraal. 3. Xisaab jajab ah oo la qaybinayo tan kor la dhigo.
sarrif
1. Lacag jajab ah oo qiimaheedu santiyaal yahay. 2. ld sarrifid.
sarrifan
Lacag wax la sarrifay ahaansho.
sarrifid
ld sarrif¹ (2).
sarrifnaan
ld sarrif-naansho.
sarrifnaansho
/dh ld sarrifnaan.
sarrifo
Lacag isku taal jajab u beddelasho.
sarriib
Laan caleemo leh ilkaha ama gacanta iyadoo aan la sii dayn xoog ugu jiidid si caleentu uga daadato. ld sarriig².
sarriibasho
ld sarrii-gasho.
sarriibid
ld sarriigid.
sarriibo
Laan caleemo leh ilkaha ama gacanta iyada oo aan la sii dayn xoog ugu jiidasho.
sarriig
1. Dhawrashada sharafta la dhawrto. 2. Dulqaadka dhibaato loo dul-qaato.
sarriigasho
ld sar-riibasho.
sarriigo
1. Sharaf iyo magac dhawrasho. 2. ld sarriibo.
sarriiji
1. Wax sharafta iyo haybadda ku xun qof ku qasbid. 2. Wax dhogorta ka murxin.

