0

sayax

m l

1. Qoyaanka gabaddanadu keento; dharab. 2. ld sayaxid.

0

sayaxe

m l (-xayaal, m.l/dh)

(fiis.) Walax ka nuugi karta biyaha atomosfiyeerka.

0

sayaxid

m f dh

ld sayax¹.

0

sayaxsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax gabaddano ku qoyey ahaansho.

0

sayaxsanaan

m f dh

ld sayax-sanaansho.

0

sayaxsanaansho

m l

/dh ld sayaxsanaan.

0

sayid

m l

Waayeel; madax; shariif.

0

saylaamid

m f dh

Eeg: saylaan²

0

saylaan

m l

1. S. ah: saymaha roobka. 2. Socod aan kala joogsi lahayn.

0

saylaandhabasho

m dh

Eeg: saylaandhaw

0

saylaandhaw

m l

Qaylo iyo buuq dagaal wehliyo oo ay cidi samayso. ld saylaan-dhabasho.

0

saylad

m dh (-do, m.l)

1. Meel laysugu yimaado oo alaabta iyo waxyaalaha ganac-siga ah lagu kala beddesho. 2. Suuq xoola-ha lagu kala iibsado. ld seylad, siilad.

0

saylam

m l (-myo, m.dh)

(bot.) Nudo u qaada biyaha iyo macaadinta nafaqada leh ee ku milan dhirta kelli.

0

sayle

m l

Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka webiyada.

0

saymo

m dh

1. Belaayo, halis. 2. eeg sayn¹.

0

sayn

m l (-mo, m.dh)

Addin roob ah oo aan ballaarayn oo meel ka hoora.

0

sayncaddaa

m l

Nin da' weyn oo waaya-arag ah. ld sayncadde.

0

sayncadde

m l (-dayaal, m.l/dh)

Eeg: sayn-caddaa

0

saynis

m l

Cilmiga barashada noolaha iyo manoolaha.

0

saynisyahan

m l (-nno, m.dh)

Qof cilmiga sayniska aqoon u leh.

0

saynisyahannimo

m dh

Saynisyahan ahaan-sho.

0

saynsaab

m l (-byo, m.dh)

1. Wax, wax daboola kuna heeran. 2. Isugeynta aqoonta, siyaasadda, xiriirka bulshada, dhaqanka iwm oo u horseedaya dhaqaaluhu in uu kobco.

0

saynsaabasho

m f dh

Eeg: saynsaabo

0

saynsaabid

m f dh

Eeg: saynsaab²

0

saynsaabo

f g3 (-btay, -batay)

Wax saynsaab u samaysasho.

0

saynwaraari

m l

Dabaruxidda xoolo ugaar iwm sameeyaan.

0

saynwaraarin

m dh

Eeg: saynwaraaryid

0

saynwaraaryid

m f dh

ld saynwaraarin.

0

sayr

f g1 (-ray, -rtay)

Si xoog leh wax shubma meel tiigaal ah ugu daadin. ld sayri.

0

sayran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax la sayray ahaansho.

0

sayras

m l (-syo, m.dh)

(c.cimi.) Daruur maraysa joog sare oo waslad waslad ah, oo muuqaal ahaan jilicsan una eg baalal.

0

sayri

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: sayr

0

sayrid

m f dh

ld sayrin.

0

sayrin

m dh

Eeg: sayrid

0

sayrnaan

m f dh

ld sayrnaan-sho.

0

sayrnaansho

m l

/dh ld sayrnaan.

0

sayruukh

m l (-khyo/-awaariik, m.dh)

Qalab la gamo, aad u dheereeya oo hawlo kala duwan loo adeegsado. ld saaruukh.

0

saytobalaasam

m l (-myo, m.dh)

(baay.) Walax xab oo kale ah oo ku wareegsan bu'da unugga.

0

saytooloji

m l (baay.)

Barashada unugga.

0

saytoosiin

m l (baay.)

Waxa laga soo dhiran dhiriyey bayrimidiin. Waa mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee salka u ah niyukiyootaydh iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA.

0

se

xi. Erey kala xiriir fura laba tixood, wuxuuna gadaal uga nudmi karaa xiriiriyaal kale sida “amase”, “laakiinse”, iwm. Tus. “Adigu bax aniguse waan joogayaa”.

0

seben

m l

Eeg: saman

0

sebi

m l (-iyo, m.dh)

Ilmo; caruur; cunug.

0

sebinnimo

m dh

Sebi ahaansho.

0

sed

m l (-dad, m.l)

Qayb cunto ah oo Ilaah nafley calaf uga dhigo. ld sad¹.

0

sedbursad

m f l

Eeg: sedbursasho

0

sedbursasho

m f dh

ld sed-bursad, sedbursi.

0

sedbursi

m l

Eeg: sedbursasho

0

sedburso

f g3 (-saday, -satay)

Wax la wada leeyahay qaybtii aad ku lahyd ka badan qaadasho.

0

sedo

m dh (-ooyin, m.l)

Eeg: sado

0

see

fk we

Eeg: sidee

0

seeb

m l (-bab, m.l)

Qori dheer oo afka hore u ballaaran oo bedenada iyo huuriyada lagu wado.

0

seebi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: seeb²

0

seebid

m f dh

ld seebin.

0

seebin

m dh

Eeg: seebid

0

seed

m dh (-do, m.l)

Sooh adag, cad oo muruqyada madaxooda ku yaal isuna haya muruqyada iyo lafaha.

0

seeddi

m l (-iyaal, m.l/dh)

Naag la qabo walaalkeed iyo ninkeedu waxa ay isu yihiin.

0

seeddinnimo

m dh

Seeddi ahaansho.

0

seef

m dh (-fo, m.l)

Qalab lagu dagaallamo, gadaal daab la qabsado ku leh oo ka samaysan bir xalleefsan, dhuuban, dheer, toosan ama qalloocan, leh caarad wax mudda iyo af wax gooya.

0

seef-bacaad

m l (jool.)

Nooc ka mid ah bataax bacaad, oo badanaa laga helo saxaaraha, taasoo ka kooban lafo dhaa-dheer oo af leh oo barbarro la ah dhinaca dabayshu ka soo dhacayso. Dhammaad-kana waxa kordha dhererka bacaadka, markaasoo dabaylaha gudbani ay kordhi-yaan dhererkeeda iyo ballaadhkeeda.

0

seef-cireed

m l

Walxo ku wareega qorraxda, raacana meeris qaabkiisu yahay qabaal. Seef- cireedyada, badankoodu, waxa ay leeyihiinsees¹ daba dheer oo aad noogu muuqa-ta marka uu qorraxda u soo dhawaado.

0

seeflabbood

m l

1. Karti wax lagu hubsado oo lagu sugo la'aan; kadsiinyo la'aan. 2. S. ah: qof samir daran oo aan wax hubsan.

0

seeflabboodnimo

m dh

Seeflabbood ahaan-sho.

0

seefle

m l (-layaal, m.l/dh)

Nooc kalluunka badda ku nool ka mid ah oo u eg faras-badeedka, guudse aan lahayn.

0

seeg

f g1 (-gay, -gtay)

Wax gefid.

0

seegaan

m dh (-nno, m.dh)

Eeg: jeegaan

0

seegeysad

m l

Eeg: seegeysasho

0

seegeysasho

m f dh

ld seegeysad, seegeysi.

0

seegeysi

m l

Eeg: seegeysasho

0

seegeyso

f mg3 (-stay, -satay)

Shahwo iska keenid.

0

seegid

m f dh

Eeg: seeg

0

seego

m dh

Galmo la'aan qof shahwo isaga keeno.

0

seegseeg

m l (-gyo, m.dh)

1. Qof nolosha ku fashilay. 2. Qof aan waxba tacban karin; nacas; doqon. 3. Qof aan waxba haysan dhibaatana hayso.

0

seegseegid

m f dh

Eeg: seegseeg²

0

seeji

lg2 (-iyay, -isay) Cid wax gefsiin.

0

seejin

m f dh

ld seejis.

0

seejis

m l

Eeg: seejin

0

seeme

m l (-mayaal, m.l/dh)

Billaawe weyn oo lagu dagaallamo; golxob.

0

seemid

m f dh

Eeg: seen²

0

seemman

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Ari ama lo' wax aan geeso lahayn ahaansho. 2. Madax wax timaha laga xiiray ahaansho. 3. Cayaar carruureed qof, wax la taabtay ahaansho.

0

seemmanaan

m f dh

ld seemmanaansho.

0

seemmanaansho

m l

/dh ld seemmanaan.

0

seen

m l

1. Kabaha la tolay jaanta ugu horraysa ee qofka cagtiisa lagu cabbiro. 2. S. ah: koombo iwm oo waxa ku jiraa afka la siman yihiin.

0

seenlaawe

m l kh (-wayaal, m.l/dh)

S. ah: weel waxa ku jiraa afkiisa ayna ka sarreyn.

0

seenyo

m dh (-ooyin, m.)

Neef ari ama lo' ah aan geeso lahayn.

0

seenyoon

f mg4 (-naa, -nayd)

Ari, wax aan geeso lahayn ahaansho.

0

seenyoonaan

m f dh

ld seenyoonaansho.

0

seenyoonaansho

m l

/dh ld seenyoonaan.

0

seeqaan

m dh

Eeg: jeegaan

0

seer

m l

1. Laba dal oo isku qabsan ama gobollo, beero iwm xarriiqda u dhexeysa oo qaybisa. 2. Falka la sameeyo, marka qof saar ama Boorane laga saarayo (tumayo).

0

seeraar

f mg1 (-ray, -rtay)

Ka s.: wax, wax ku gudbanaa dhaafid.

0

seeraari

lg2 (-iyay, -isay) Wax la tuurayo si ay meel shishe oo aan muuqan ugu dhacaan, wax dheer oo soke dusha ka marin.

0

seeraarid

m f dh

Eeg: seeraar

0

seeraarin

m f dh

ld seeraaris.

0

seeraaris

m l

Eeg: seeraarin

0

seeran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

1. Dhul iwm wax xuduud leh ahaansho. 2. Dhul wax xirmaysan ahaansho. 3. Cid wax mingis, boorane iwm laga tumay ahaansho.

0

seerasho

m f dh

ld seeraysasho.

0

seerayn

m dh

Eeg: seerid

0

seeraysasho

m dh

Eeg: seerasho

0

seerayso

f g3 (-stay, -satay)

Eeg: seero