Words starting with 'G'
2,724 Somali words beginning with 'G' — page 25 of 28.
gulfid
ld guluf¹ (3).
gulfin
ld gulfis.
gulguladillaacsasho
dillaacso. ld gulguladillaacsad.
gulguladillaacso
1. Awr qoor ah doobbo soo ridid bilaabid. 2. Qof codkar ah noqosho.
gulgulo
Xubinta awrku ka doobbiyo; doobbo.
gulguloo
Gulgulo soo ridid (awr).
guluc
1. Rogrogmadka isha guruxeeda. 2. Meel laabato ah; guho.
gulucsii
Isha guruxeeda rogrogmasho.
guluf
1. Koox yar oo fardooley ah oo dagaal u jeedda. 2. Orod aan xawli ahayn oo waqtiga dhiillada iyo colaadda la sameeyo. 3. ld gulfid.
gulukows
Sonkor badankeeda laga helo dhirta iyo xaywaanka. G.tu waa il ay tamar badan ka helaan noolayaashu. Sonkorta xilliga neefsashada waxa ku dhaca ogsidhayn taas oo soo saarta kaarboon laba ogsaydh leh, biyo iyo tamar. Dhirtu waxay ku heshaa g.ta habka footoosintasiska, waxaanay u keydsantaa istaarj ahaan, burburin xayawaankana waxay uga timaadaa dheefshiidka ku dhaca dhaysakaraydhyada iyo boolosakraydh-yada, waxaanay u keydsantaa staarj xayawaan ahaan.
gulukows-burburin
Falgallo bayokiimikeed oo taxane ah, oo guluukowsta loo jejebiyo bayruufeyt iyada oo loo sii daynayo tamar loo isticmaali karo qaabka ATP.
gulungulcee
Biyo, mas iwm si dulundulco ah u socosho. ld dulundulcee.
gulungulceyn
ld dulundulceyn.
gulungulco
1. Qaab gaaban oo kankoonsan leh; kuusan; lucuuman. 2. Daruur cufan oo biyo sidda ama da'aysa. 3. ld gulungulceyn. ld dulundulco.
guluub
Aalad yar, kuusan, if bixisa oo tooshashka iyo korontooyinka lagu xiro.
guluuluc
Hees ama gabay hoos u qaadid.
guluulucid
ld guluuluc¹ (2).
guluus
Shay xalleefsan oo sida badan dharka la xirto dacal looga tolo suu isugu xiro laba daraf; badhan. ld galuus.
gumaad
1. Baabi'inta wax la baabi'iyo. 2. ld gumaadid.
gumaadid
ld gumaad¹ (2).
gumaar
1. Halka bisqintu ka baxdo oo xubnaha taranka ee dadka ka sarreysa. 2. (-rro, m.dh) Dhaawac dab oo biskooday.
gumaax
Bir wax aan af ama caarad dhuuban lahayn ka dhigid.
gumaaxan
Wax la gumaaxay ahaansho.
gumaaxid
ld gumaax¹ (2).
gumaaxnaan
ld gumaaxnaansho.
gumaaxnaansho
/dh ld gumaaxnaan.
gumar
/dh Geedgaab qodax, mayrax, xabag iyo miro leh oo ka mid ah dhirta daawada leh.
gumbur
/dh (-ro, m.l) Buur yar; kur.
gumburi
Dameer dibadeed ku nool gobollada Nugaal iyo Sanaag.
gumeysasho
ld gumeysad, gumeysi.
gumeysi
1. Hab dawladaha waaweyni kaga maroorsadaan dawladaha yaryar xorriyaddooda, dhaqaalahooda iwm. 2. ld gumeysasho.
gumeyso
Cid addoonsasho.
gumeyste
Qof wax addoonsada.
gummaad
Cunto; gasiin.
gummud
1. Dabo sigaar; haash. 2. Wax la jaray sida gacan iwm inta ka harta.
gumuc
1. Xabbad; rasaas. 2. Salka, fuuqa barta fargaddu ku dhacdo. ld gumac.
gumuuxnaansho
/dh ld gamuuxnaan.
gun
1. Dad tol yari lagu liido. 2. Dadweyne; tol. 3. Weel halka uu ka unkamo. 4. Jirridda geedka iwm.
gunaad
Nabar kor ka biskooday oo hoos ka jirran.
gunaadsan
Dhaawac wax hoos ka buka ahaansho.
gunaadsanaan
ld gunaadsanaansho.
gunaadsanaansho
/dh ld gunaadsanaan.
gunaanad
1. Dhammaystiridda wax la dhamaystiro. 2. ld gunaanadid.
gunaanadan
Wax la gunaanday ahaansho.
gunaanadid
ld gunaanad¹ (2).
gunaanadnaan
ld gunaanadnaansho.
gunaanadnaansho
/dh ld gunaanad- naan.
gunaanadseeg
1. Yaasimin la'aanta uu la kulmo qof dhintay. 2. ld gunaanad- seegid.guntin-dareen
gunaanadseegid
ld gunaanadseeg¹ (2).
gunbur
(juqr.) Qayb yar oo dhulka dushiisa ka mid ah oo ka kacsan waxyaabaha hareeraheeda ah, kana joog hoosaysa buur.
gundhaw
Cayayaan, salka hoose ka gooya geedka digirta iyo qaraha.
gundhawr
1. Bartamaha gaashaanka. 2. Xoogaa masaggo ah oo lagu reebo mooyaha marka wax lagu tumayo.
gundhi
Xarig, madax iwm si tartiib ah oo aan joogto ahayn u nuuxin.
gundhig
Wax la biirinayo ama la tarminayo intooda ugu horreysa asaasid.
gundhigasho
ld gundhigad.
gundhigo
Wax la biirsanayo ama la taransanayo intii ugu horreysey billaabid.
gundhin
ld gundhi¹ (2).
gundhis
Bir daab qori ah leh, afkana fantax ku leh oo wax lagu tolo.
gundho
Asaas; gaw; sal.
gungaarid
ld gungaar¹.
gungunnaf
Oraho ama falal cid sameyso oo keeni kara iska hor imaad.
gunjis
Durbaan yar oo u eg midka la yiraahdo mokhoddon, waxaana loo adeegsadaa ciyaarta aw-daare.
gunnad
Weel yar oo caw, dun iwm ka samaysan oo leh midabyo badan iyo aabbur waxyaabaha udgoon oo la shito lagu rito.
gunnee
1. Cid gunno siin. 2. Caano sanka u saarid sac aan godlanayn oo la doonayo in la liso.
gunneyn
ld gunneys.
gunnimo
Gun ahaansho.
gunno
1. Lacag la siiyo cid shaqo dheeraad ah qabatay. 2. Hanti yar oo cid loogu naxariisto ama lagu laaluusho. ld guno.
gunre
Geedquwaax qodax iyo xabag leh oo ka mid ah dhirta dawada. ld gumre, gunray, gunro.
gunrog
Wadaan, jawaan, iwm gudihiisa kor soo marin.
gunrogan
Wax la gunrogey ahaansho.
gunrognaan
ld gunrognaansho.
gunrognaansho
/dh ld gunrognaan.
guntan
/mg4 (-naa, -nayd) 1. (f.g) Wax qaarka dambe maro uga xiran ahaansho. 2. (f.mg) Xarig iwm wax guntin leh ahaansho. 3. (f.mg) Dhiig iwm wax fadhiya ahaansho.
guntanaan
ld guntanaansho.
guntanaansho
/dh ld guntanaan.
guntane
Bayd faal oo manjaha ka ah labo, saddexda hogood oo kalana min hal.
gunti
U g.: cid maro hoos ugu xirid.

