Words starting with 'G'
2,724 Somali words beginning with 'G' — page 22 of 28.
goolboodo
Naag kibir iyo dagaal badan.
gǫolhaye
Ciyaartoy gǫolka kubbadda ka ilaaliya. ld gǫolwale.
goollawaraabe
Bahalhiglo.
goolow
Gool noqosho.
goombaar
Naag aan karti ay aqalkeeda ku maamusho lahayn; basari; baali.
goommanaansho
/dh ld goommoonaan.
goomme
Nooc doofaarka ka mid ah oo aan ilka waaweyn lahayn.
goommoon
Wax gaajo, harraad iyo daal oogadiisa ka muuqda ahaansho. ld golmoon, goomman.
goommoonaan
ld golmoonaan, goolmoonaansho, goom-manaan.
goomoonaansho
/dh ld goommoonaan.
goon
Buuro dhagax ah oo badaha dhexdooda iyo xeebaha ku yaal; shacaab.
gooni
Ka g.: wax badhiisa ka duwan ahaansho.
gooni-u-goosasho
Ka goosasho koox, ama gobol uu ka goosto kooxdii ka weynayd ama waddan marka la kala qeybiyo sidii hore uu ahaa, ama uu ka go'a koox.
gooniddaaq
G. ah: neef xoolo ah ama ugaar oo kelidiis gaar u daaqa.
goonjab
Xanuun dhafoorka aad u xanuujiya. ld goonjebshe.
goonnibbaar
Wax xabbad ku ridid. ld goolibbaar².
goonnibbaarid
goonibbaar². ld goolibbaarid.
goonnidaaq
G. ah: biciid, deero, geri iwm. oo aan la daaqin raxan ee cidlajoog ah.
goonno
Googgarad gaabaan oo aan duluc lahayn oo haweenku qaataan.
goor
1. Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; kol; xilli; waqti; ammin. 2. G.tiiba: isla waqtigii. 3. Goor ka goor ama ka goor ka goor: waqti ilaa waqti.
gooraan
/mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. (f.g) Wax hareerayn. 2. (f.mg) Maanso tirin.
gooryaan
Deriskunool dhuuban, dheer, cad, oo caloosha nafleyda qaarkeed ku nool.
gooryaan-miiq
Deris ku nool ka tirsan qaybta la yiraahdo “nematode” wuxuu ku noolyahay qaybta sare ee xiidmaha waaweyn dhediggu (12 mm.) way ka weyntahay labka. Dabada ayuu ka soo baxaa, ukuntiisana ku daadiyaa waana dhintaa. Haddii ukumaha qof liqo way dillaacayaan. Wuxu keenaa cudur caruurta addunka oo dhan ku dhaca.
gooryaan-mulaax
Midkasta oo ka tirsan koox gooryaan ah oo kor dheer oo dhuuban leh, wuxuuna ku dul noolyahay xiidmaha dadka iyo lafdhabarleyda.
gooryoon
Nafley aad u harraadid.
goos
Nooc ka mid ah banaatiikhdii waayadii hore faransiisku samayn jirey.
goosaarnaansho
/dh ld koosaarnaan.
goosad
1. Koox ari ah oo lumay. 2. ld goosasho.
goosan
1. Koox ari ah oo luntay. 2. Koox aan badnayn oo ciidan ah.
goosarad
Timir 25 kiilo ah oo callaal, jawaan iwm ku jirta. ld koosarad.
goosasho
ld goosad (2), goosi.
goosato
1. Kasoobax weyn oo meesha uu ka soo baxo gooya. 2. Cambaarmadow. ld goosey¹, gooye.
goosgoos
1. Ereyo ama dood laba qof isdhafsato. 2. (riw.) Maadeys gaaban oo aan duluc keliya ka hadleyn ee arrima dhawr ah midba la soo bandhigo. 3. ld googgoos.
goosh
1. Safar. 2. ld goshid.
gooshid
ld goos¹ (2).
goosin
Hormo xoolaad.
gooso
/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax, wax ka jarasho. 2. (f.g) Wax mutansasho. Tus. “Cali abaalmarintii la siiyey waa goostay”. 3. (f.g) Arrin fulinteed go'aansasho. Tus. “Caasha waxay goosatay in ay guursato.” 4. (f.mg) Cid baxsasho. Tus. “Cali waa goostay.”
gootow
G. ah: nin dhallin yar oo aan weli guursan; doob.
goox
Meel aan gabbaad lahayn oo dhaxan badan leh.
gooyoogunto
Maro, badanaa hoos laga qaato oo aan toox lahayn.
gor
Dambar horaadka neefka rimman candhadiisa ku soo dhaca inta uusan dhalin ka hor.
goray
1.Gorayo lab. 2. G. ah: awr aan gulgulada soo ridi karin.gowl
gordan
1. Wax madaxa midab ku leh ahaansho (neef riyo ah). 2. Wax qaarka hore madow ahaansho (neef ido ah).
gordanaan
ld gordanaansho.
gordanaansho
/dh ld gordanaan.
gorfayn
ld gorfays.
gorfe
Nooc ka mid ah gorgorka oo ka weyn guduriga.
gorfee
Arrin laga doodayey si fiican uga hadlid.
gorfi
Haan dhiil haruub, iwm hoore ka dhammayn.
gorfin
ld gorfis.
gorgor
Nooc haadda hilib- kunoolka ah ka mid ah, jaadad badan u kala baxda, xoog badan oo duullimaad dheer.
gorgorafuul
Gorgoro been ah oo beec lagu kordhiyo
gorgori
Shay beec ah qiimihiisa cid weyddiin.
gorgorin
ld gorgoris, gorgoro.
gorgoro
Weyddiinta shay beec ah cid qiimihiisa la weyddiiyo. ld gorgorin.
gorgortamid
ld gorgortan¹.
gorgortan
Isdhaafsiga laba qof oo wax kala gadanaya ay isdhaafsadaan gorgoro. ld gorgortamid.
gori
Neef rimman gor keenid.
goriilla
Nooc daayeerka ka mid ah oo dadka u eg oo ku nool Afrika oo dhererkiisu gaaro laba mitir ama ka badan. ld gooriilla.
gorin
ld goris.
gorod
1. Madax. 2. Qaarka hore ee xoolaha.
gorodgoo
Wax madax ka jarid.
gorof
1. G. ah: haruub ama weel duug ah ceel iwm oo aan muddo la isticmaalin. 2. Haruub.
gorofleged
Lugta dambe ee geela meesha maqaarka adag leh oo marka uu fadhiyo dhulka ku hayo.
gorofsan
Wax meel yaal oo aan nuuxsaneyn ama la xooray ahaansho.
gorofsanaan
ld gorofsanaansho.
gorofsanaansho
/dh ld gorofsanaan.
goror
/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Istaag ku daalid. 2. (f.mg) Dhiig sanka ka imaansho.
gorori
In yar oo hoore ah oo weel salkiis ku haray ka shubid.
gororid
ld goror¹ (3).
goroyacawl
Goroyo dheddig.

