0

g

m dh

Xarafka toddobaad ee xuruufta afka soomaliga, ahna shibbane.

0

gaab

m l

Qof ama wax dheererkiisu gaabanyahay.

0

gaaban

f mg4 (-bnaa, -bnayd)

Wax aan joog dheer lahayn ahaansho.

0

gaabbaguul

m l

U habeendhixidda meel dheer oo geeddi loo yahay.

0

gaabbaguulid

m f dh

Eeg: gaabbaguul²

0

gaabbayn

m f dh

Eeg: gaabbee

0

gaabbee

f mg2 (-beeyay, -beysay)

Aayar socosho.

0

gaabi

m dh

Qiyaas dheerer oo intii laga rabay ka gaaban.

0

gaabin

m f dh

ld gaabis.

0

gaabis

m l

1. G. ah: socod yaraan. 2. ld gaabin.

0

gaabnaan

m f dh

ld gaabnaansho, gaabni.

0

gaabnaansho

m l

/dh ld gaabnaan.

0

gaabni

m dh

Eeg: gaabnaan

0

gaabsad

m l

Eeg: gaabsasho

0

gaabsasho

m f dh

ld gaabsad.

0

gaabshow

m l kh

G. ah: nafley aayar u socota oo aan dheerayn.

0

gaabsi

m l

Galmo aan xalaal ahayn.

0

gaabso

f g

/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Wax dheer, wax gaaban ka dhigasho. 2. (f.mg) Codka g.: cod hoos u dhigid. 3. (f.mg) Ka g.: wax ka tanaasulid.

0

gaaci

f g2 (-iyay, -isay)

1. Qof dagaal ku jira ul iwm u taagid. 2. Dareera xoog meel ugu shubid.

0

gaacin

m f dh

ld gaacis.

0

gaacis

m l

Eeg: gaacin

0

gaad

m dh

1. Geedsaar leh miro macaan oo la cuno oo goroyaduna aad u jeceshahay, isla markaasna looga dhigto kabdhoodka (goonnibaarka) ciyaarta shacdurka. 2. Ul gaaban oo xooggan.

0

gaadaami

f g2 (-iyay, -isay)

Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore isku xirid si aanu u kicin.

0

gaadaamid

m f dh

Eeg: gaadaan²

0

gaadaamin

m f dh

ld gaadaamis.

0

gaadaamis

m l

Eeg: gaadaamin

0

gaadaan

m l

Qarqarsi.

0

gaadaansad

m l

Eeg: gaadaansasho

0

gaadaansan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax si gaadaan ah loo xiray ahaansho (awr la rarayo).

0

gaadaansanaan

m f dh

ld gaadaansanaansho.

0

gaadaansanaansho

m l

/dh ld gaadaansanaan.

0

gaadaansasho

m f dh

ld gaadaansad, gaadaansi.

0

gaadaansi

m l

Eeg: gaadaansasho

0

gaadaanso

f g3 (-saday, -satay)

Awr la rarayo si gaadaan ah u xirasho.

0

gaadaar

m dh

1. Haan duug ah. 2. Weel yar oo daawada xoolaha lagu dhayo lagu shubo.

0

gaadaddo

m dh

Nafley badda ku jirta oo xiddigtadhul u eg.

0

gaadala-aqoon

m dh

Eeg: gadaala-aqoon

0

gaadasho

m f dh

Eeg: gaado²

0

gąadasho

m f dh

ąado.

0

gaaddabbuur

m l

1. Orod aan dheereyn. 2. Faalaxgooddi dad badan sameeyaan oo cid lagu guulguulayo.

0

gaaddabbuurid

m f dh

Eeg: gaaddabbuur²

0

gaaddaxir

m l

Waxyaabaha lagu qurxiyo fardaha marka la heenseeyo.

0

gaaddo

m dh

1. Xabad. 2. (-ooyin, m.l) Ulo af dhuuban lehoo shacdurka lagu ciyaaro.

0

gaade

m l (-dayaal, m.l/dh)

1. Col yar oo hubaysan oo isu raaca in ay wax dilaan; dooxato. 2. Xanuun sambabada wareema.

0

gaadeeryo

m dh

1. Dheddigga goodirka. 2. Nooc ka mid ah deerada buuraha ku nool. 3. Nooc carmada ka mid ah.

0

gaadid

m f dh

ld gaadis, gaadmo, gaadniin.

0

gaadiid

m l u

Wax kasta oo la rarto, laguna guuri karo.

0

gaadiidsad

m l

Eeg: gaadiidsasho

0

gaadiidsasho

m f dh

ld gaadiidsad, gaadiidsi.

0

gaadiidsi

m l

Eeg: gaadiidsasho

0

gaadiidso

f g3 (-saday, -satay)

Wax gaadiid ka dhigasho.

0

gaadis

m l

Eeg: gaadid

0

gaadmo

m dh

Kedinta si lama filaan ah wax loogu kediyo. ld gaadid.

0

gaadniin

m l

Eeg: gaadid

0

gaado

m l

Asluub; dhaqan.

0

gąado

f g3 (-atay, -adatay)

Wax si gaar ah u qiimeyn.

0

gaadoowe

m l

Kalluun xeebta aan ka fogaan oo leh diillimo dheerer ahaan ugu mardimaysan.

0

gaaf

m l (-faf, m.l)

1. Xaflad loo sameeyo labada is aroosay maalinta ay toddoba baxayaan. 2. Dhisme ku meelgaar ah. 3. Kaltan. 4. Dad shir u fadhiya looga arrinsanayo xaajo waxku'ool ah. 5. Hareer. 6. Dibad. 7. Meesha gorayada ku dhasho. 8. Midab geelu yeesho oo madow xigeen ah.

0

gaafabbax

f mg1 (-xay, -xday; -bixi)

Reer u gaar ah yeelasho (wiil).

0

gaafabbixi

f g2 (-iyay, -isay)

Miile (kal) siin (qof).

0

gaafabbixid

m f dh

ld gaafabbax¹.

0

gaafabbixin

m f dh

Eeg: gaafabbixi

0

gaafal

m l (-llo, m.dh)

Bedenka gudihiisa kuraasi ku rakiban ragga seebinaya ku fadhiistaan.

0

gaafammeer

m l

Eeg: gaafmeerid

0

gaafammeerid

m f dh

Eeg: gaafmeerid

0

gaafan

f mg4 (-fnaa, -fnayd)

1. Wax diyaar ah ahaansho. 2. Midab gaar ah yeelasho (neef geel ah).

0

gaafasho

m dh

Eeg: gaafo²

0

gaafeysad

m l

Eeg: gaafeysasho

0

gaafeysasho

m f dh

ld gaafeysad, gaafeysi.

0

gaafeysi

m l

Eeg: gaafeysasho

0

gaafeyso

f mg3 (-stay, -satay)

Wax kaltan ku qaybsasho.

0

gaafid

m f dh

Eeg: gaaf²

0

gaafmeer

m l

1. Socodka uu qof sameeyo isaga oo iska ilaalinayo in ay cidi aragto; kormeer; afmeer. 2. ld gaafmeerid. ld gaafammeer¹, gaafwareeg¹.

0

gaafmeerid

m f dh

ld gaafammeer¹, gaafammeerid, gaafmeer¹ (2), gaafwa.

0

gaafnaan

m f dh

ld gaafa-naansho.

0

gaafnaansho

m l

/dh ld gaafnaan.

0

gaafnow

f mg3 (-naaday, -naatay)

Wax diyaar ah noqosho.

0

gaafo

m l

1. Waqti dheer. 2. Miileysi; kaltan.

0

gaafootamid

m f dh

ld gaafootan¹ (2).

0

gaafootan

m l

1. Kaltan. 2. ld gaafootamid.

0

gaafwareeg

m l

1. ld gaafmeerid. 2. Cidlada oo lagu ambado.

0

gaafwareegid

m dh

ld gaafmeerid.

0

gaag

m l

Wax aan tira badnayn.

0

gaagax

m l

Eeg: gaaggax¹

0

gaagaxsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: gaaggaxsan

0

gaagaxsanaan

m dh

Eeg: gaaggaxsanaan

0

gaagaxsanaansho

m l

/dh ld gaaggax-sanaan.

0

gaaggax

f mg1 (-xay, -xday; -gixi)

Godolkii ku baabi'id, wax la qoonsaday darteed. ld gaagax².

0

gaaggaxsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Xoolo gaaggaxay ahaansho. ld gaagaxsan.

0

gaaggaxsanaan

m f dh

ld gaagaxsanaan, gaagaxsanaansho, gaaggaxsanaansho.

0

gaaggaxsanaansho

m l

/dh ld gaaggax- sanaan.

0

gaaggixi

f g2 (-iyay, -isay)

Neef godlan wax uu gansado oo caanuhu uga iman waayaan ku samayn.

0

gaaggixid

m f dh

ld gaagax¹, gaaggax¹, gaagixid.

0

gaaggixin

m f dh

ld gaaggixis, gaagixin, gaagixis.

0

gaaggixis

m l

Eeg: gaaggixin

0

gaaggur

m dh (-rro, m.dh)

Godka shinnida malabka ku kaydsato.

0

gaagixi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: gaaggixi

0

gaagixid

m dh

Eeg: gaaggixid

0

gaagixin

m dh

Eeg: gaaggixin

0

gaagixis

m l

Eeg: gaaggixin