0

gaddoon

m l

Eeg: geddoomid

0

gadfan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax, wax ku gadaaman ahaansho. 2. Wax, wax kale dahaar looga dhigay ahaansho. ld gedfan.

0

gadfanaan

m f dh

ld gadfanaansho, gedfanaan, gedfa-naansho.

0

gadfanaansho

m l

/dh ld gadfanaan.

0

gadfid

m f dh

ld gedfid.

0

gadgaddi

f g1

/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) ld gedgeddi.

0

gadgaddin

m f dh

Eeg: gedgeddiyid

0

gadgaddis

m l

Eeg: gedgeddiyid

0

gadgaddiyid

m dh

Eeg: gedgeddiyid

0

gadgaddoomid

m dh

Eeg: gedgeddoomid

0

gadgaddoon

m l

Eeg: gedgeddoomid

0

gadhoorad

m dh

Eeg: kalloorad

0

gadhuus

m dh

Kaalinta kan biyaha daraya ka xigta.

0

gadid

m f dh

Eeg: gad

0

gadiid

m l

Waqtiga kala bara gelinka hore iyo gelinka dambe.

0

gadiir

m l

Nooc ka mid ah kalluunka badda. ld gediir.

0

gado

f g3 (-atay, -adatay)

Badeeco lacag ku baddalasho.

0

gadoob

m l (-byo, m.dh)

1. Saabley. 2. Qaybta dambe ee lafdhabarta. 3. Weel aan buuxin.

0

gadood

m l

1. Lo'gisi iwm weeyraxa ay sameeyaan. 2. Kacdoon dad badani sameeyaan, iyagoo si adag uga dhiidhiyaya wax ay diiddanyihiin. 3.ld gadoodid. ld gedaad¹, gedood¹, gidaad¹.

0

gadoodid

m f dh

ld gadood¹, gedaad¹, gedaadid, gedood¹, gedoodid,

0

gadoodsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax gadooday ahaansho. ld gedaadsan, gedoodsan, gidaadsan.

0

gadoodsanaan

m f dh

ld gadoodsanaansho; gedoodsanaan, gedoodsanaansho.

0

gadoodsanaansho

m l

/dh ld gadoodsanaan.

0

gadoon

m l (-nno, m.dh)

Meel godan oo ciid adag ama dhadhaab ah oo marka roobku da'o xareedda laga dhurto.

0

gadow

m l (-wyo, m.dh)

Ul ama ka badan oo wareegsan, oo lagu xiro afka sare ee saab, wadaan, iwm. ld gedow.

0

gaf

m l (-faf, m.l)

1. Khalad. 2. Meelkadhac. ld gef.

0

gafane

m l (-nayaal, m.l)

Dulin shilinta ka weyn, maqaar jilicsan oo ku nool dhiigga nafleyda.

0

gafid

m f dh

ld gefid.

0

gafsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax gaf sameeyey ahaansho.

0

gafsanaan

m f dh

ld gafsanaansho, gefsanaan, gefsanaansho.

0

gafsanaansho

m l

/dh ld gafsanaan.

0

gafuur

m l (-rro, m.dh)

Afka iyo sanka nafleyda.

0

gafuurtaag

m l

1. Kibir iyo isla weyni wajiga ka muuqda. 2. ld gafuurtaagid.

0

gafuurtaagid

m f dh

ld gafuurtaag¹ (2).

0

gag

m dh

1. (sh.r) cod lagu muujiyo jug xoog leh. 2. G. ah: qof mintid ah oo gacan'adag.

0

gaggab

m l

1. Kufidda iyo miyirbeelidda uu dhaliyo nabar surka ku dhacay. 2. Xanuun surka culaysiya. 3. ld gaggabid.

0

gaggabaysad

m l

Eeg: goggobeysasho

0

gaggabaysasho

m dh

Eeg: gobbobaysasho

0

gaggabaysi

m l

Eeg: goggobaysasho

0

gaggabayso

f g3 (-stay, -satay)

Eeg: goggobayso

0

gaggabi

f g2 (-iyay, -isay)

Cid, nabar ay la miyir beesho surka kaga dhufasho.

0

gaggabid

m f dh

ld gaggab¹ (3).

0

gaggabin

m f dh

ld gaggabis.

0

gaggabis

m l

Eeg: gaggabin

0

gaggabo

m dh

Dawakhid.

0

gąggabo

m dh

Eeg: goggobo

0

gaggabsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la gaggabiyey ahaansho.

0

gaggabsanaan

m f dh

ld gaggabsanaansho.

0

gaggabsanaansho

m l

/dh ld gaggabsanaan.

0

gahayr

m l kh

1. ld gaahiir 1. Miro aan bislaan, curdannimadiina dhaafay. 2. G. ah: gabar inannimmo ku weynaatay. 3. Wax aan jilicsanayn; adag. 4. ld gaahi.

0

gahayrid

m f dh

ld gahayroobid.

0

gahayroobid

m f dh

Eeg: gahayrid

0

gahayrow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Gahayr noqosho. ld gahayr.

0

gahnay

m l

Xarig yaryar, xaskul ah oo rarada, dhambalaha iwm lagu sameeyo.

0

gal

m l (-lal, m.l)

1. Meel godan oo biyo ku jiraan. 2. Warqad adag oo xaashiya lagu kaydiyo; fayl.

0

gal-dayax

m l (c.fal.)

Giraan ilays ah oo ku wareegsan dayaxa ama qorraxda marka qorraxda laga dhex arko wiriqaha daruur sare oo khafiif ah oo ku gudban sokadeeda.

0

galaabbax

m l

Socod badan oo meel horay iyo gadaal loogu socdo. ld galoobbax¹.

0

galaabbixid

m f dh

ld galaabbixis, galoobbid.

0

galaabbixis

m dh

Eeg: galaabbixid

0

galaaciif

m l

Nooc kalluunka badda ka mid ah oo habeenkii ifa.

0

galaafasho

m f dh

Eeg: galaafo

0

galaafo

f g3 (-ftay, -fatay)

Cid waxyeelladeeda sabab u noqosho.

0

galaal

m dh

1. Diillin cad oo madaxa idaha bartanka kaga tal. 2. Dambas, nuurad iwm oo qof la fooray wejiga laga mariyo.

0

galaalan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax galaali ku taal ahaansho.

0

galaalasho

m f dh

Eeg: galaalo

0

galaalgali

f g2 (-iyay, -isay)

Wax dildilleyn. ld galgali.

0

galaalgalin

m f dh

ld galgalin, galgalis.

0

galaalid

m f dh

Eeg: galaal²

0

galaalnaan

m f dh

ld galaalnaansho.

0

galaalnaansho

m l

/dh ld galaalnaan.

0

galaalo

m dh

Neef ido ah oo madaxa madow oo foolka calaamad cad ku leh.

0

galaami

f g2 (-iyay, -isay)

Ubad xoolaad oo habartood la maalayo, si uu u nuugo hadba dhan ka soo gelid.

0

galaamid

m f dh

ld galaamis².

0

galaamin

m f dh

ld galaamis¹.

0

galaamis

m l

Eeg: galaamin

0

galaammurux

m l

Eeg: garaammurux

0

galaan

m l (-nno, m.dh)

1. Xarig awrka lagu keeneeyo. 2. Weel yar oo biyaha lagu darsado. 3. Weel dheg leh oo afar litir qaada. 4. Saab digaagga lagu qaado marka la guuraayo.

0

galaangalad

m l

Eeg: galgalasho

0

galaangalasho

m dh

Eeg: galgalasho

0

galaangali

f g2 (-iyay, -isay)

Wax dildilleyn. ld galgali.

0

galaangalin

m f dh

ld galaangalis, galgalin, galgalis.

0

galaangalis

m l

Eeg: galaangalin

0

galaangalo

f mg3 (-gashay, -galatay)

Eeg: galgalo

0

galaas

m l (-syo, m.dh)

1. Weel macdan ah oo wax lagu shubto. 2. Fasal.

0

galaayoox

m l (-xo, m.dh)

1. Meel dhaxan badan leh. 2. Dhaxan badan.

0

galaayuus

m l

1. Qaylo, dhaadasho. 2. Olol iyo juuc badan oo ay nirguhu sameeyaan markay gaajoodaan.

0

galaayuusid

m f dh

Eeg: galaayuus²

0

galab

m dh (-lbo, m.l)

Gelinka dambe ee maalinta.

0

galabaysad

m l

Eeg: galabaysasho

0

galabaysasho

m f dh

ld galabaysad, galabaysi.

0

galabaysi

m l

Eeg: galabaysasho

0

galabayso

f mg3 (-stay, -satay)

Ku g.: galab meel joogid.

0

galabcarraabid

m f dh

Eeg: galabcarraw²

0

galabcarraw

m l

Socod waqti galab ah la socdo.

0

galabdheer

m dh

Xilliga u dhexeeya saddexda galabnimo ilaa afarta.

0

galabgaab

m l

Galabnimada inteeda dambe ee qorraxdhaca ka horreysa. ld galab- gaabad.

0

galabgaabad

m l

Eeg: galabgaab

0

galabnimo

m dh fk

Waqti galab ah.

0

galabsad

m l

Eeg: galabsasho

0

galabsasho

m f dh

ld galabsad, galabsi.